“Ingiriiskana waxanu ku nidhi lacagtaas nalaga soo xaday idinnkay idiinsoo gelaysaa raadkeedu. qolo idinka idinka midaana qaadanaysee noo qabtaa…”Muj. Xasan Guure
Hargeysa:Jully,06,2015(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta qaranka Mujaahid Xasan Guure Jaamac, ayaa Markii ugu horraysay faahfaahin ka bixiyey Dawcad xukuumad xubno madasha ka tirsan Dalka Ingiriiska ugaga Gudbiyeen Xubno xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo katirsani. Xasan Guure oo Warbaahinta kula Hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa qiray inay dacwaddaas iyagu gudbiyeen, isagoo hoosta ka xarriiqay inay tallaabadaas u qaadeen kadib…
