Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo Digreeto ku soo saaray Maalinta ay Qabsoomayso Doorashooyinka Madaxtooyadda iyo Wakiiladda
Hargaysa 10.Sep 2015 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu JSL/M/XERM/249-3569/092015 ku cadeeyey wakhtiga rasmiga ah ee dalka looga dareeridoono Doorashada Madaxtooyada iyo Wakiilada. madaxweynuhu:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Arkay: Qodobada 42aad iyo 83aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Helay: Qoraalka Guddida Doorashooyinka…
