Taliska Sare ee Ciidanka Booliska Somaliland Oo Digniin Culus U Diray Dirawaliinta Gaadiidleyda Dukhaanka(VITZ).

    Hargeysa, 09.Sep 2015 (SDN/QJ)- Talliyaha Ciidanka Bileyska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan Ayaa Digniin Culus u Diray Dirawalada Gaadiidka Loo Yaqaan Dukhaanka. Taliye Cabdilaahi Fadal Iimaan Waxaa uu sheegay in gaadiidkaasi loo adeegsado qaadista mukhaadaraadka laguna dhexsameeyo falal xunxun. Taliyuhu waxaa uu cadeeyay in gaadiidka dukhaanku ay noqdeen ka ugu shilka badan dalka islamarkaana…

    Read More

      Guddida Guud Ee Beelwaynta Abokor Muuse (Ciidagale) Oo Iska Dhex Doortay Hogaan Cusub + Daawo Sawirrada

      Hargeysa,9sep,2015(QJ/SDN)-Guddida Guud ee Beelwaynta Abokor Muuse (Ciidagale) oo caawa kulan ku yeeshay Baane Hotel Ee Magaalada Hargaysa ayaa isa dhex Doortay Gudoomiye , ku Xigeen , xoghaye , Afayeen, Guddidan oo ka kooban 15 Xubnood ahna Guddida Guud ee Beeshaasi ayaa waxay Hogaan u doorteen Masuuliyiinta Hoos ku xusan . Xasan Yuusuf Ismaaciil                Gudoomiyaha Guddida…

      Read More

        Isfara Saarkii Maareeyaha Haamaha Iyo Laba Nin Oo Shacbi Ah, Isku Dhufashadii Baabuurta Iyo Xadhigii Xigay

        Berbera, , 09.Sep 2015 (SDN/QJ)- Maareeyaha haamaha shidaalka Sh. Saleebaan ayaa xidhay Laba nin oo la sheegay inay isku qabteen arrimo dhinaca dhulka la xidhiidha, taasina ay keentay inay faraha isula tagaan isniintii dorraad. Siday sheegeen xoggo wargeyska Ogaal ka helay illo ku sugan Berbera, waxay isniintii dorraad gaadhiga maareeyaha haamaha oo marayay mid ka…

        Read More

          “Waan kuugu celinayaa Dacwad aannu Ciidanka RRU-da ka gudbinnay ma jirto, haddaad haysana Saxaafadda u soo bandhig…” Cabdiraxmaan Cirro

          Hargeysa, 09.Sep 2015 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa mar labaad beeniyey in Xisbigiisu Dacwad ka dhan ah Ciidammada Booliiska Somaliland qeybta RRU-da u gudbiyey dawladda Ingiriiska, isla markaana raaciyey haddii la hayo caddeynteeda in loo soo bandhigo Saxaafadda. Guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro oo shalay Xafiiskiisa ku qabtay Shir Jaraa’id oo…

          Read More

            “Imikana waxa haboonayd inuu Guddoomiyaha wakiilladu Gole-weynaha hordhigo wixii madaxweynuhu soo sheegayna uu u akhriyo, Dabadeedna….” Axmed Y. Yaasiin

            Hargeysa:Sep,09,2015(SDN/QJ)-Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Somaliland Md Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka Hadlay Khilaafka u dhexeeya Madaxtoyada iyo Aqalka Wakiillada, kaas oo salka ku haya Waraaq ay dhawaan madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Wakiilladu isweydaarsadeen oo ka hadlaysay Wareejinta Keydka Haamaha Berbera. Axmed Yuusuf Yaasiin oo xalay waraysi gaar ah siiyey Wargeyska Hubaal, ayaa si cilmiyeysan u lafo-guray muranka…

            Read More

              Xildhibaan Siciid Libaaxo Oo Meel Adag Iska Taagay Xeerka Duulista Hawada Iyo Mudanayaasha Oo Si Weyn u Taageeray Soo Jeedintiisa

              Hargeysa:Sep,09,2015(SDN/QJ)-Xildhibaan Siciid Maxamed Libaaxo oo kamid ah Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa si adag uga hadlay Xeerka Duulista Hawada Somaliland oo dooddiisu ka socota Golahaas, waxana uu soo jeediyey in dib loogu noqdo, isla-markaana lafo-gur dheeri ah lagu sameeyo. Xildhibaan Siciid libaaxo oo dood dheer oo mudanayaashu maalintii shalay ka yeesheen Xeerkaas si faahfaahsan uga…

              Read More

                Sarkaal Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somalia Katirsan Oo Xafiis Ka Furanaya Hargeysa Iyo Moogganaanta Xukuumadda

                Hargeysa:Sep,09,2015(SDN/QJ)-Mudane Cabdi Baaruud oo katirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somalia, isla-markaana si gaar ah ugu magacaaban Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalalka DIbaddda, ayaa qorshaynaya inuu Xafiis ka furta Magaalada Hargeysa Toddobaadyada Soo Socda. Masuulkan ka tirsan wasaarada arimaha dibada dalka Somaliya ayaa dhawr goor oo is xig xigta yimid dalka, waxaanu markii ugu danbaysay  ka qayb…

                Read More

                  Bam La Doonayey In Lagu Weeraro Xarun Ganacsiyeed Caan ah Oo Gacanta u Galay Ciidanka Ammaanka Kenya

                  Nairobi:Sep,09,2015(SDN/QJ)-Ciidamada ammaanka gudaha Nairobi ee Caasimadda Kenya, ayaa xabsiga dhigay saddex qof oo lagu tuhunsan yahay inay ku hawllanaayeen Weerarka xarun Ganacsi oo caan ah, waxana lagu hayaa baadhitaanno dheeraad ah. Xarunta ganacsiga ee The Garden City Mall oo ka mid ah xarumaha ganacsiga ugu waaweyn magaalada Nairobi ayaa dadkii ku jirey si degdeg ah…

                  Read More

                    Xoogagga Al-shabaab Oo Sheegtay Inay Gacanta Ku Hayaan Maxaabiis Ciidamada Uganda Katirsanaa

                    Muqdisho:Sep,09,2015(SDN/QJ)-Ururka Al-shabaab, ayaa Bayaan ay soo saareen maalintii shalay waxa ay ku shaaciyeen inay gacanta ku hayaan tiro maxaabiis hore uga Tirsanadayd Ciidamada Uganda ee AMISOM katirsan oo ay dhawaan ku qabsadeen Dagaalkii Jannaale. Bayaankan  oo uu soo saxeexnaa  Sheekh C/Casiis Abuu Muscab afhayeenka ciidamada  Alshabab ayuu ku sheegay inay jiraan maxaabiis Uganda u dhashay…

                    Read More

                      Dad Diinta Islaamka uga baxay inay Magangelyo ka helaan waddamada Yurub

                      Berlin, 08 September,2015(QJ/SDN)-Muslimiinta u haajiraya Qaarada Yurub, ayaa la sheegay inay Safaf ugu jiraan sidii ay u noqon lahaayeen Kiristaan, si ay sare ugu qaaddo fursadahooda inay magangelyo Qaxoontinnimo uga helaan dalka Jarmalka oo ay illaa 20,000 (labaatan kun) oo Tahriibayaal ahi gaadheen labadii maalmood ee ugu dambeeyey. Tallaabadan fool-xumada leh oo Boqollaal Muhaajiriin ka…

                      Read More

                        Isticmaalka Ereyga ‘LOL’ Ee Dadka Facenook Ku Sheekaystaa Ay Qosolka Ku Cabiri Jireen Oo Yaraaday

                        Sahamin dhowaan ay samaysay shirkada Facebook ayaa lagu ogaaday in ereyga Lol oo caadi ahaan dadku marka ay ka sheekaysanayaan facebook ay u isticmaalaan in ay ku muujiyaan qosolku uu hadda isticmaalkiis hoos u dhacay. Sahamintan Facebook ay samaysay waxa ay muujisay in dadka facebook ku sheekaystaa ay boqolkiiba 51 marka ay isticmaalayaan bar-kulannada bulshada…

                        Read More

                          Kenya oo Qorsheynaysa inay Weerarto Xoogagga Al-shabaab ee Saldhigyada ka Sameystay Boni

                          Nairobi,8sep,2015(QJ/SDN)-Saraakiisha Booliiska dalka Kenya ayaa sheegtay inay ku qaadayso weerarro xoogagga Al-shabaab ee saldhigyada ka sameystay Boni oo ah Deegaan Kayn badan oo ku yaalla Xeebta Badweynta Hindiya ee u Dhexeysa Somalia iyo Kenya. Dowladda Kenya ayaa sheegtay in Xoogagga Al-shabaab ee Weerarrada ka geysta gudaha dalka Kenya ay saldhigyo ku leeyihiin Deegaanka Kaymaha badan…

                          Read More

                            Afhayeenkii Mid ka mid ah Axsaabta Mucaaradka ah ee Waddanka Burundi oo Toogasho lagu Dilay

                            Bujunbura,8ep,2015(QJ/SDN)-Afhayeenkii Xisbiga Mucaaradka ah ee [UDP] oo ka mid ah Xisbiyada ka jira Waddanka Burundi, Patrice Gahungu ayaa lagu dilay shalay oo Isniin ahayd Bartamaha Xarunta Burundi ee Bujumbura, Sida ay Warbaahinta u Sheegeen saraakiil ka tirsan Booliiska dalkaas. Patrice Gahungu oo ahaa Afhayeenka xisbiga Union for Peace and Development [UPD] oo kasoo horjeeday Madaxweynaha…

                            Read More

                              Madaxweyne Siilaanyo oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Ku Xigeenka Niklos Key oo Booqasho ku Jooga Hargaysa

                              Hargaysa 08.Sep 2015 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Ku Xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr Raisedon Zenenga oo Booqasho ku Jooga Somaliland. Kulanka ka dib waxa saxaafada uga warbixiyey wasiirka arrimaha dibada Somaliland mudane Maxamed Biixi Yoonis oo sheegay in…

                              Read More

                                Gudoomiyaha Maxkamadda Sare oo Ka Talo Bixiyey Khilaafka u dhexeeya Xukuumada iyo Golaha Wakiiladda DAAWO

                                Hargaysa 08.Sep 2015 (SDN/QJ)- Gudoomiyaha Maxkamada Sare Garyaqaan Aadan Xaaji Cali ayaa Maanta ka hadlay Waxqabadyadii u hirgalay iyo Qorshayaasha ay Mustaqbalka ku horumarinayaan Waaxda Garsoorka ee dalka. Gudoomiyaha Maxkamada Sare oo Shir Jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa ayaa Markii kowaad ka hadlay Khilaafka ka Dhashay Go’aankii ay Golaha Wakiiladu ku laaleen Wareejinta Haamaha Kaydka Shiidaalka…

                                Read More

                                  Maxay ka Wada hadleen Madaxweyne Siilaanyo iyo Safiir ku Xigeenka Masar u Fadhiya Jabuuti?

                                  Hargaysa 08.Sep 2015 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu xafiiskiisa ku qaabiley Safiir ku Xigeenka Masar u Fadhiya dalka aynu deriska nahay ee Jamhuuriyada Jabuuti Amb. Maxamed Al Amiir oo Maalmihii u danbeeyay hawlo shaqo u joogay Dalka Somaliland. kulankan oo ay ku wehelinayeen dhakhaatiir masaari ah oo ka kooban 15…

                                  Read More