Guddoomiye Cirro Iyo Ku-xigeenkiisa Oo Maanta Si Rasmi ah Iskaga Laab Xaadhay Dagaalkii Hore u Dhexmaray
Hargaysa:Sep,27,2015(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(cirro0 iyo Ku-xigeenkiisa Baashe Maxamed Faarax, ayaa fadhigii maanta ee Golaha Wakillada kaga dhawaaqay inay ka heshiiyeen Khilaafkii dhawaan dhexmaray, kaas oo gaadhay heer ay gacmaha iskula tagaan. Labada Guddoomiye ayaa arrintan si iskood ah isaga saamaxay iyadoo aanay jirin cid dhex-dhexaadisay, sida ay labadudooduba Golaha ka hor sheegeen….
