Madaxweynaha Soomaaliya Oo Ku Faanay Laamiyada Hargeysa iyo Boorama Ee Uu Telefishanada Oo Kaliya Ka Daawado
Muqdisho,14Oct,2015(QJ/SDN)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo iska difaacaya eedaha xukumaddiisa uga yimaada bulshada ee ku aadan in xukumaddiisu ku fashilantay hawlaha loo igmaday ayaa ku dooday in horumar socdo,isagoo horumaro Somaliland samaysay oo uu telefishannada ka arko ku daray waxqabadka uu sheeganayo. Madaxweynaha ayaa is difaacidiisa ku daray guriga uu ku sugnaa marka uu khudbadaynayay…
