Dawladda Somaliland waa inay joojiso xadhiga iyo cabsi gelinta ay ku hayso suxufiyiinta, isla markaana waxa ku waajib ah inay ixtiraamto Dastuurka Somaliland
Hargaysa, 19 January, 2016-(SDN/QJ): –Gudoomiyaha Ururka Midowga Mareegaha Somaliland ee Somaliland Online Association (SOA) Mustafe Cabdi Maxamed (Mustafe-Janaale), ayaa waxa cambaareeyey Xadhiga ay xukuumadda Madaxweyne SIILAANYO kula kacday Weriye Cabdi Maalik Coldoon oo ka mid ahaa Suxufiyiinta ka hawlgala Gobolka Togdheer oo lagu xidhay sifo ka baxsan sharciga, isla markaana ugu baaqay xukuumadda inay si…
