Xarunta Xuquuqal Iinsaanka ee HRC oo Xukuumadda kula talisay in wax laga beddelo Masaafurinta

Hargeysa, 21 January, 2016-(SDN/QJ) –Xarunta xuquuqal iinsaanka ee Magaceeda loo soo gaabiyo HRC, ayaa Xukuumadda Somaliland ugu baaqday inay joojiso dadka itoobiyaanka ah ee dib loogu celinayo dalkooda. War-saxaafadeed ka soo baxay xarunta xuquuqal iinsaanka oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Shabakada Qurbejoog, ayaa Xukuumadda loogu diray farriin la xidhiidha inay joojiso dadka itoobiyaanka…

Read More

Suldaan ku Mashquulsan Iib-geynta Qadiyadda Somaliland oo Urur-Gobolleedka IGAD ku qanciyey inay dhexdhexaadin ka galaan Wada Xaajoodka Soomaaliya

Hargeysa 21 January, 2016 (SDN/QJ): – Suldaan Mustafe Cismaan Xirsi Xareed, ayaa shaaca ka qaaday inuu urur-goboleedka IGAD ku soo qanciyey inay hormood ka noqdaan wada xaajoodka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya. Suldaanka oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland ee ku mashquulsan iib-geynta Qadiyadda Somaliland, ayaa sidoo kale sheegay in arrinkaasi oo uu Xukuumadda u…

Read More

Midowga Yurub oo lacag ugu deeqay dawlada Somaliya

Muqdisho 21, January, 2016(SDN/QJ)-Ururka Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay in lacag gaadheysa €29 milyan oo u dhiganta $31 milyan oo doolar ugu deeqay Soomaaliya si wax looga qabto xaaladda Bin’aadanimo ee ka taagan qaybo kamid ah dalkaas.   Deeqdan ayaa timid kadib markii Madaxa Midowga Yurub ee Gargaarka Bin’aadanimada iyo maareynta masiibooyinka Christos Stylianides uu…

Read More

Maxaabiis, Gaadiid iyo Hub laga qabsaday Kenya Weerarkii Ceel-cadde SAWIRRO

Muqdisho,20Jan,2016(QJ/SDN)-Waxaan halkaan idinku soo gudbineynaa sawirada gaadiidkii Kenya looga qabsaday deegaanka Ceelcade ee Gobolka Geddo kuwasoo qaarna la gubay qaar caadi loo qabsaday. Gaadiidka gaashaaman ee Kenya iyo kuwa kale sida Cabdi Bilaha iyo Landroverka ayaa ku jira laakiin dhamana ah gaadiid milateri oo ay ku buufsan yihiin calamada Midowga Afrika ee AU. Sidoo kale…

Read More

Ciidanka Kamaadowsta Oo Loo Tababaray Dowladda Soomaaliya iyo Fariinta Madaxweyne Xassan Sheekh

Muqdisho,20Jan,2016(QJ/SDN)-Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Dugsiga Tababarka Ciidammada ee magaalada Muqdisho tababar ugu soo xidhey dufcaddii 3-aad iyo qeybtii ugu horeysay ee ciidammada sida gaarka ah u tababaran ee Kamaandowska ee dugsigan ka qalin jebiya. Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay madaxtooyada dugsigan ayaa waxaa gacanta ku haya, isla markaana maalgelinaya Dowladda…

Read More

FAALLO: Shirkii Jowhar oo la isku mari la’yahay & eed loo jeediyay Wasaarada Arrimaha Gudaha

Jowhar,20jan,2016(QJ/SDN)-Shirkii Dhismaha Maamulka Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ee Degmada Jowhar ka socday oo wali hakad ku jira, ayaa waqtigaan u muuqda mid galay marxaladdii ugu adkeyd, kaddib markii ay lasoo darseen caqabado saameyn adag ku yeeshay sii socoshada shirka. Shirka oo markii horeba ay ku gacan-seyreen qaar ka mid ah beelaha labadaan gobol dega,…

Read More

Beesha Caalamka oo kahor timid Qorshe ay wateen Madaxda ugu sareysa Dowlada Federaalka Soomaaliya

Muqdisho,20jan,2016(QJ/SDN)-Beesha Caalamka ayaa ka hor timid in Dowlada Federaalka Soomaaliya ee hada jirta wax waqti kordhin ah loo sameeyo marka ay dhamaato bilaha u harsan, waxaana arintaasi ay kahor imaaneysa qorshe ay Madaxda ugu sareysa Dowlada ku doonayeen in labo sano dheeri ah ku darsadana xilka ay hada hayaan Beesha caalamka ayaa sheegtay inay ka…

Read More

‘’Shirka Go’aanka Doorashooyinka lagu gaarayo wuxuu ka dhici doonaa Kismaayo,.’’ Axmed Madoobe

Kismaayo,20jan,2016(QJ/SDN)-Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in go’aanka ugu dambeeyay ee habka doorasho ee dalka ka dhacaysa lagu gaari doono degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Wuxuu hadalkiisa ku daray Axmed Madoobe in la isugu soo laaban doono Shirar kale, isla markaana la gaari doono heshiis dhameystiran, isagoo Xusay in shirka…

Read More

Wax ka baro Dhacdooyinka Xiisaha leh ee Sannadkii Tegay Caalamka ku Sagootiyey Iyo Waxyaabaha ay Somaliland ku Xasuusan doonto Iyo Prof Samatar DAAWO

Hargaysa, 20 January, 2016-(SDN/QJ): – Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo ka mid ah aqoon yahanada u dhashay Somaliland Isla markaana Hilaadiya Isbedelada Siyaasadda Geeska Africa ayaa Tilmaan ka bixiyey Dhacdooyinka Caalamku ku Xasuusan Doonaan Sannadkii Tegay ee 2015. Marka laga Tago Dhacdooyinka Caalamka Waxaa kale oo Prof Axmed Ismaaciil Samatar uu ka hadlay Xaalada Somaliland…

Read More

Hargaysa oo Dilalku ku soo Bateen Iyo Jawaabta Wasiirka Arrimaha Gudaha DAAWO

Hargaysa, 20 January, 2016-(SDN/QJ): – Caasimada Somaliland ee Hargaysa ayaa Waxaa ku soo Kordhaya Dilalka Bulshada ka dhex dhaca, Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cali Maxamed Warancade ayaa qaabilay Su’aalo adag oo Warbaahintu ka weydiisay Xaaladan Cusub ee Caasimada ku soo Korodhay. Magaaladda Hargaysa Waxaa 48 Kii Saacadood ee u danbeeyay ka Dhacay Sadex Fal oo…

Read More

Maxaad ka taqaannaa Taariikhda Jacayl iyo Nololeed ee Fannaanadda Khadra Daahir Cige? DHAGAYSO

Hargaysa, 20 January, 2016-(SDN/QJ): – Fannaanadda Caanka ah ee Khadra Daahir Cige, ayaa ka sheekaysay Taariikhdeeda Taxanaha Jacaylka, Faneed, Sugaaneed iyo qaabkii ay Fanka u bilawday, heerka Hantideeda, Qoyskeeda iyo weliba heerka ay wakhtigan taagan tahay. Waxa ay Khadra Daahir Cige arrimahaas kala duwan kaga warrantay Waraysi gaar ah oo uu la yeeshay Weriye Cumar…

Read More

Wasiir Xaglo Toosiye Qaab noocee ah ayaa Buuhoodle Loogu soo dhaweeyay Iyo Dareemadda ku Xeeran Safarkiisa DAAWO

Buuhoodle, 20 January, 2016-(SDN/QJ): – Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglo Toosiye ayaa ku sugan Magaaladda Buuhoodle oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo Halkaas oo Sidoo kale uu ku Sugan Yahay Hogaamiyaha Kooxda Khaatumo Prof Cali Khaliif Galaydh. Wasiir Xaglo Toosiye ayaa marar hore ku Guulaystay inuu Prof Galaydh ka saaro…

Read More

Golaha Deegaanka Hargeysa iyo Guddoomiyahooda oo lagu canaantay burburka Waddada Madaarka Caasimadda

Hargaysa, 20 January, 2016-(SDN/QJ): – Wadayaasha Gaadiidka Basaska Caasimadda Hargeysa ee u kala Goosha Degmooyinka Maxamed Mooge Iyo Maxamuud Haybe ee Hargeysa, ayaa Maayarka Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) iyo Xildhibaannada Golaha Deegaanka ku canaantay dayaca baahsan ee Waddada Laamida ah ee ka timaadda Madaarka.   Wadayaasha Basaska u baxa degmooyinka Maxamed Mooge iyo Maxamuud…

Read More

Bogcad Ka Tirsan Somalia oo Maalmo dhan aan Arag Iftiinka Qoraxda,Roobkuna aanu ka Qaadin? DAAWO

Boosaaso, 20 January, 2016-(SDN/QJ): – Ma ogtahay Akhriste in uu jiro dhul Soomaaliyeed oo qoraxda aan la arag maalmo badan, roobkuna hadh iyo habeen ka da’ayo, isagoo wata qabow iyo ceeriyaamo. Dhulkani waa dhul barwaaqo ah, xoolo badani ku nool yihiin, dhirtu aad ugu badan tahay, xeebta magaalada Boosaaso-na kor uga sarreeya in ku dhow…

Read More

Hablo Ka Qalin Jabiyay Curitaanka Iyo Maareynta Ganacsiga Oo Loo Maalgeliyay Meherad Casriya

Hargaysa, 20 January, 2016-(SDN/QJ): – Afar hablood oo ka qalin-jabiyey Jaamacadda ATU Qaybta Curitaanka iyo Maareynta Ganacsiga (Entrepreneurship) ayaa furay Meharadda casriga ah ee Sharaf Boutique.   Hablahan oo hore ugu guuleystey tartanka abuurista ganacsiga oo ay iska kaashadeen ATU, Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha iyo Hay’ada UNFPA. Mashruucan waxa xadhiga ka jaray Wasiir-ku-Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta…

Read More

Gudoomiyaha Gobolka Maroodijeex Iyo Madax Wehelisa oo Awaamiir Cusub ku soo Rogay Dadka Dooxa Xaraf Ciidda ka Gura DAAWO

Hargaysa, 20 January, 2016-(SDN/QJ): – Gudoomiyaha Gobolka Maroodijeex oo ay Weheliyaan Gudooomiyaha Hay’ada Nerad Iyo Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargaysa ayaa Kormeer ku soo Maray Xaraf ee duleedka Caasimadda Hargaysa oo ay Faro baas ku hayaan  Gaadiidka Iska Rogooyinka oo ka daabula Ciida. Kormeerkan ay Mas’uuliyiintani ku tageen Dooxa xaraf ayaa lahayd Laba Ujeedo oo kala…

Read More