Ra’iisul Wasaare Cumar oo Muqdisho ku qaabiley Wasiirka Ciidamadda ee UK

Muqdisho, February 14, 2016 (SDN/QJ):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa maanta kulan la qaatay Wasiirka Ciidamadda ee Ingiriiska Penny Mordaunt, Safiirka u fadhida Soomaaliya Danjire Harriet Mathews, waxana ay ka wada hadleen horumarka ay gaartay Soomaaliya iyo doorka muhiimka ah ee dawladda UK ku leedahay arrimaha Soomaaliya gaar ahaan dhismaha…

Read More

Wasaare ku-xigeenka XFS oo ka qayb galay Munaasibad loogu dabaal dagayay sanad guurada 56aad ee ka soo wareegtay Aasaaska Ciidanka Cirka.

Muqdisho, February 14, 2016 (SDN/QJ):-Ra’iisul Wasaare ku-Xigeenka Dalka Mudane Maxamed Cumar Carte, ayaa maanta ka qayb-galay xaflad lagu xusayay sanad guuradii 56aad ee ka soo wareegtay aas-aaska Ciidamada Cirka Soomaaliya, munaasibadaas oo ay ka soo qayb-galeen Wasiiradda Gaashaandhiga, Cadaalada iyo dhamaan Hoggaanadda Ciidamada Qalabka sida. Hadal uu Munaasibadaasi ka jeediyay Mudane Carteh wax uu ugu…

Read More

Marka Uu Dalka Haysto Hoggaamiye Xun Bulshaduna Way Xumaataa

Hogaamiyuhu sidiisaba waa tiirka mideeya ummaddaha hogaamiyuhu waa astaanta hagta qaranka  hoggaamiyuhu ummadsa ayuu kala hagaa si aan ummaddu isusoo gaadhin oo gacanta ugu qaadan sharciga halkaana dhibaato uga imaan hadii dal hogaamiyuhu u caafimaad qabo dadkiisuna way caafimaad qabaan hadii dal hogaamiyuhu ka xumaado ummaduna way xumaataa  somalilabd maanta wax qabsaday hoggaamiye buka hogaamiye  …

Read More

Ruushka Oo Ka Digay Dagaal Caalami Ah Oo Dunida Ka Dhaca

Moscow — Raysalwasaaraha Ruushkha Dmitry Medvedev ayaa ka digay in ciidamo ka socda dalalka Carabta loo diro wadanka Siiriya, tilaabadaasi oo uu sheegay inay keeni karto dagaal Caalami ah oo ka duwan kan hada ka socda dalkaasi. Dmitry Medvedev oo todobaadkan wareysi siiyey jariirada Handelsblatt oo kasoo baxda dalka Germany, ayaa mar la weydiiyey sida uu…

Read More

Wasaarada Hawlaha Guud Oo Marwada Madaxweyne Silanyo Ka Difaacday Eedda Ah Inay Qaadatay Guriga Women’s Club

Hargeysa — Wasaaradda hawlaha guud ayaa marwada madaxweyne Siilaanyo, Aamina-weris Sheekh Maxamed Jirde ka difaacday eeddo loo jeediyay oo ah inay qaadatay guriga caanka ah ee Women’s Club oo ay ku dartay guriga uu dhismuhu ku socdo ee uu lahaa Alle haw naxariiste walaalkeed Cali Jirde. Guriga Women’s club ayay dawladii Ingiriisku u dhistay inay…

Read More

Warbixin Uu Machad Caalami Ahi Soo Saaray Oo Kala Saartay Heerka Xorriyada Hadalka Ee Somaliland Iyo Somaliya Iyo Hal Qodob Oo Ay Somaliland Ku Canaanatay

Hargeysa — Warbixin caalami ah oo uu shalay soo saaray machadka lagu magacaabo Freedom House, oo lagu baahiyay wargeysyada ugu waaweyn wadanka Ingiriiska, ayaa kala saartay heerka ay kala taaganyihiin xorriyada hadalka ee dalalka Somaliland iyo Somaliya, waxaanay ku kala dartay laba qaybood oo aad u kala fog. Warbixintaas, oo dalalka u kala qaybisay saddex…

Read More

Ciidanka Ilaalada Ee Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Cali Xaamud Jibril Oo Jidh Dil Garaacid iyo Qalab kala Wareegis ku sameeyay Laba Suxufi oo Duubay Mudaharaad lagaga soo Hor jeeday Gudoomiye Muuse Biixi

Qulujeed 14.February 2016 (SDN/QJ):-Wararka naga soo gaadhay Degmada Qolijeed ee gobolka Awdal ayaa sheegaya in wafti uu hoggaaminayo guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Bixii Cabdi ,ayaa goordhaweyd gaadheen degmada Qulujeed ee gobolka Awdal,waxaanay halkaasi kala kulmeen markii ay gaadheen mudahaarad lixaadle oo lagaga soo horjeedo imaatinkooda.   Waftigan ay horkacayeen labada kornayl ee KULMIYE ayaa markii…

Read More

Wasiir Xaglo Toosiye oo Prof Cali Khaliif Dusha u Saaray Mas’uuliyadda dadkii lagu Laayay Deegaanka Caro weyne Sheegayna in Cali Khaliif ku Sugan yahay Saaxdheer DAAWO

Buuhoodle 14. February 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglo toosiye oo Ku Sugan Magaaladda Buuhoodle ayaa ka hadlay Dad rayid ah oo Koox ka amar qaadata dagaal ooge Cali Khaliif Galaydh ay ku laayeen deegaanka Caro-weyn .

Read More

“Masaajidkan Ayaanu Uga Ololeynay KULMIYE, Laakiin, waanu Qaldanay oo ILAAHAY baanu Dambi dhaaf ka waydiisanaynaa, Waayo?, Ismaanu lahayn Dhulka Hargeysa…” Sheekh Aadan Siiro DAAWO

Hargeysa, 14 February, 2016-(SDN/QJ) – Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa ka hadlay Xaaladda Abaareed ee Dalka ka taagan iyo Ololayaasha Siyaasadeed ee Dalka ka ka socda, isagoo isbarbar dhigay Dhaqaalaha ku baxaya Ololayaasha socda iyo Xaaladaha qalafsan ee ay ku sugan yihiin Dadka Abaareysani. Sheekh Aadan-Siiro, waxa uu sheegay in Dadka Reer…

Read More

Degmadda Caddaadley oo Lagu Qabtay Munaasibad Balaadhan Oo Qaadhaan Loogu Uruurinaayey Dib-u-dhiska Dugsiga Sare ee Cadaadley Boarding School SAWIRO

Hargeysa 14.February 2016 (SDN/QJ):-Xaflad balaadhan oo ahayd mid lagu bilaabayey dib-u-dhiska Dugsiga Sare ee Cadaadley Boarding School ayaa Maanta lagu qabtay Xarunta Degmada Cadaadley. Munaasibadan oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay  ay soo qabanqaabiyeeen ururka horumarinta Deegaanka Cadaadlay iyo Sabawanaag ee Khayre 21 ayaa waxa kasoo qeyb galay Wasiiradda Daakhiliga, Madaxtooyada, Qorshaynta Qaranka,…

Read More

Ururka Alshabaab oo Ku dhawaad Laba Todobaad kadib Sheegtay Mas’uuliyadda qaraxii Diyaaradda DAALLO

Muqdisho 14.February 2016 (SDN/QJ):- Kooxda Al-shabaab, ayaa shaaca ka qaadday Sabtidii maanta inay ka dambeeyeen Qarax ka dhex-dhacay Diyaaradd ay leedahay Shirkadda DAALLO Airlines 02-dii bishaan Feberaayo 2016, taasoo ka duushay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho kuna socotay dalka Jabuuti, isla markaana uu hal qof oo la sheegay inuu Kumpuyuutar kuwa gacana ah oo qarxay siday, kaasoo…

Read More

Gobolka Awdal oo Maanta ay ka Bilaabantay Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha iyo Loolanka Xisbiyadda Qaranka DAAWO

Boorama 13. February,2016(SDN/QJ):– Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland iyo Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE – Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kormeeray  habsami-u-socodka hawlaha diiwaangelinta codbixiyayaasha doorashooyinka Somaliland ee Gobolka Awdal oo ay si rasmi ah uga bilaabantay maanta.   Madaxweyne-ku-xigeenka iyo Guddoomiyaha oo hoggaaminaya wefti ballaadhan oo ka tirsan xisbal-xaakimka waxay kormeer ujeeddadiisu ahayd dhiirrigelinta qaadashada…

Read More

Somaliland: Dal Shacbigiisu Ka Quusteen In Dawladoodu Ay Dabaqdo Go’aamada Ay Soo Saarto

Hargaysa 13. February,2016(SDN/QJ):– Rejadii shacbiga  Somaliland ee la xidhiidhay in maceeshadda qaaliga ah wax laga qabanayo, si kor loogu qaado nolosha bulshadda qeybaheeda danyarta ah ayaa ah mid imika  xiisaheedii u sii gudhayo sida xunbada oo kale. Go’aankii xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku dhawaaqday 21 Bishii January 2016, ee ku wajahnaa in la quweeyo lacagta shilinka…

Read More

Dagaalkii Maato Doox ee Cali Khaliif ku Dhawaaqay oo Xalay lagu Miray Dad Rayid ah Iyo Gurmadkii Wasiir Saleebaan Xaglo Toosiye DAAWO

Buuhoodle 13. February,2016(SDN/QJ):– Waxaa Habeenkii Xalay Duleedka Magaaladda Buuhoodle Lagu Laayay Dad ka soo Jeeda Bariga Magaaladda Burco Kuwaas oo dhamaantood ahaa Shacab reer miyi ah Kuna soo hayaamay deegaanka Gobolka Buuhoodle,Waxaana Halkaas ku Geeriyooday Hal Ruux halka laba kalena ku dhaawacmeen. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglo Toosiye ayaa Gurmad ku…

Read More

“Madaxtooyadu Waa Inay Dadka Abaaruhu Heleen Wax Uga Soo Saarto Sanduuqa Gurmadka”

Hargeysa — Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, ayaa ka hadlay abaaraha ka jira deegaano badan oo ka mid ah dalka, waxaanu sheegay inay Xukuumaddu gabtay waajibkii ka saarnaa Shacabka, isla markaana ay ka gaabisay gurmadkii iyo caawintii looga baahnaa. Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi gaar ah siiyey…

Read More