War-bixin Xukuumadda ku Eedeysay inay Indhaha ka qarsato Gabood-fallo Dadka La Hayb-soocaa kala kulmaan Qabaa’ilka kale, Booliska & Maxkamadaha oo Musuqmaasuq lagu dhaliilay
Accra 8. February,2016(SDN/QJ):– Warbixin lagaga hadlay korodhka falalka kufsiga ee Somaliland ayaa lagu sheegay in qabaa’ilka waaweyn aanay ixtiraamin dadka la hayb-sooco, maaddaama aan ciqaabo badan la marsiin falalka ay ka galaan. Sida lagu baahiyey warbixin urur lagu magacaabo SIHA, oo ka shaqeeya arrimaha haweenka Geeska Afrika ayaa lagu sheegay in Wasaaradda arrimaha Gudahu…
