Mudaharaad gilgiley Degmada Saylac, Booliska oo Rasaas Nool Adeegsaday & baaq loo diray Xukuumadda Somaliland Iyo Maamulka oo ka hadlay DHAGAYSO

Saylac, 5. February,2016(SDN/QJ):– Dadweyne u badan dhallinyaro, ayaa Shalay dibad-bax Rabshado wata ka dhigay Magaalada Saylac ee Xarunta Gobolka Selel ee Somaliland. Dadka dibad-baxa dhigay oo ka soo horjeeda Maamulaha kastamka Saylac Mr. Faysal dheere, ayaa Taayiro ku gubay barxadda hore ee Xarunta Kastamka Saylac, waxayna isku dhaceen Dadkaasi Ciidammada Booliska ee ilaalada ka ah…

Read More

“Adduunyadda lama arag nin la doonayo in goobtii uu dhisay ee gawaadhidda la dhiganaayey ee parkingka inta lagu qabsaddo oo cid kale layska siiyo” Murashax Jamaal Cali Xuseen

Hargaysa 5. February,2016(SDN/QJ):– Musharraxa Madaxweynaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen,ayaa cambaareeyay xadhiga Ganacsade Cumar Caydiid oo xukuumadu ku xidhay magaalada Hargaysa, islamarkaana xukuumada ugu baaqay ilaalinta xuquuqda muwaadinka,si deg deg ahna xoriyadiisii loogu soo celiyo ganacsade Cumar Caydiid,Hadaba Musharax Jmaal oo qoraal uu arintaa kaga hadlayo soo saaray waxaanu yidhi:- Sidaa waxa…

Read More

Cusbitaalka Ugu Cimriga Dheer Geyiga Soomaalida Ee Lagu Xakameeyo Xannuunka Ku Badan Dalka Iyo Dalalka Saxaaraha Ka Hooseeya  Oo Sanadkan Ku Guuleystay Inay Hoos U Dhigaan Fiditaankiisii

Hargaysa  5. February,2016(SDN/QJ):–  Agaasimaha cisbitaalka qaaxada (TB-da) ee Magaalada Hargeysa Dr. Cismaan Cabdi Maygaag ayaa sheegay in hoos u dhac weyni ku yimi heerkii uu dalka Somaliland ka taagnaa xanuunka Qaaxada sanadkan dhamaaday.ee 2015-ka. Agaasimaha cisbitaalka qaaxaddu  waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi uu siiyay warbaahinta qaranka, sidoo kalena waxa uu ka warbixiyay xaalada guud…

Read More

Gudoomiyaha Hay’adda Diiwaanka Sakada Somaliland oo Kulan la qaatay Madaxweynaha Hay’adda ugu Weyn ee Mucaawinadda Dalka Kuwait

Kuwait  5. February,2016(SDN/QJ):–  Guddoomiyaha Hay’adda Diiwaanka Sakada ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Siciid Maxamed Faarax, ayaa kulan ballaadhan la yeeshay Madaxweynaha hay’adda caalamiga ah ee AXYAA TURRAATH oo laga leeyahay dalka Kuwait oo uu socdaal shaqo ku joogo. Dr. Siciid oo safar shaqo ugu baxay waddamada Khaliijka Carabta, gaar ahaan dalalka Imaaraadka iyo Kuwait, waxa uu…

Read More

Maamul Goboleedka Jubbaland Oo Shaaciyey Inay Qaadi-doonaan Dagaal Ka Dhan Ah Al-Shabaab

Kismaayo 5. February,2016(SDN/QJ):–  Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa sheegay in ay isku diyaariyeen hawl-gallo ka dhan ah Al-shabaab, kaasoo dhawaan ay ku qaadayaan deegaannada ay ka maamulaan Gobollada Jubbooyinka. Axmed Madoobe ayaa intaa ku daray inay qorshahan muddo fog ka baaraan-dagayeen, isla markaana maalmaha soo aaddan la qaadi doonaan talaabooyinka Al-shabaab looga…

Read More

Wararkii u dambeeyay Xaalada Sheekh Maxamed Umal oo Qaliin Culus ku Galey Dalka Hindiya

Delhi  5. February,2016(SDN/QJ):– Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka mida cullimada waaweyn ee dhulka Soomaalidu degto oo xaalad caafimaad u jiifay cisbitaal ku yaala Dalka Hindiya ayaa xaaladiisa caafimaad kasoo raynaysaa kadib marki uu galay qaliin culus oo lagu sameeyay. Sheekh Umal oo qoraal kooban ku baahiyay degalka uu ku leeyahay barta ay bulshadu ku…

Read More

Iskaashatada Caanaha ee Suuqa Gobanimo oo W. Xannaanada Xoolaha & Dawladda Hoose ka Ashkateeyay Ganacsato Dacaayado ka fidiyey Nadaafadda Caanaha

Hargaysa 5. February,2016(SDN/QJ):– Iskaashada Caanaha ee Suuqa Gobanimo ee Magaalada Hargeysa, ayaa cabasho ka muujiyey Dacaayado ay sheegeen inay Tayada iyo Nadaafadda Caanaha ay iibiyaan ka fidiyeen Xubno Magaalada Hargeysa ka furtay Meherado si gaar ah loogu iibiyo Caanaha Geela. Haweenka Iskaashatada Caanaha ee Barwaaqo, ayaa sheegay in Ragga leh Meheradaha lagu iibiyo Caanaha Geella…

Read More

Xannuun Cusub Oo Aan Talaal Iyo Daawo Lahayn Oo Ku Faafay Laatiin Ameerika Iyo Qallinkii Suxufi Cabdilaahi Wayab

Hargaysa 5. February,2016(SDN/QJ):– Waxa dalalka Laatiin Ameerika iyo kuwa ku yaal Jasaa’irka Karabbiinka haleelay FEYRAS[Virus] loo yaqaan ZIKA oo la ogaaday inay ka qaadeen qaniiyada Kaneecada ku nool jiidaha kullaylaha. Feyraskan ZIKA oo aan weli tallaal iyo daweyn rasmiya midna loo helay waxa ay waxyeeladiisa oo aad u culus ku kooban tahay dumarka oo kaliya,…

Read More

Gang Rape in Somaliland

A Report by the Strategic Initiative for Women in the Horn of Africa (SIHA)  This report outlines Somaliland’s historical development and the clan structures existing in Somaliland. It furthermore sheds light on Somaliland’s plural legal system and reflects upon it from a women’s rights perspective. It touches upon the existing engendered gerontocracy and the accompanying…

Read More

Suxufiyiinta Caanka Ah Ee Xasan Maxamed Yuusuf & Axmed Cismaan Batuun Oo Isku Weeraray Maansooyin Jacbur Ah {AKHRISO}

Hargeysa — Abwaan Axmed Cismaan Batuun oo ka mid ah wariyeyaasha ugu caansan dalka, gaar ahaan idaacadda gaamurtay ee Radio Hargeysa ayaa curiyey Maanso Jacbur ah oo aad u qosol badan oo magaceeda la yidhaa LAPTOP, waxaanu ku yidhi kuna bilabay sidan: LAPTOP nin haystaa DESKTOP ma doonoo intuu CHARGER qaatuu Marba FIISH la tegiyoo Boorso…

Read More

Shirka Golaha Wasiirada ee Dawladda Federaalka oo looga hadlay Shilkii Diyaaradda Daallo

Muqdisho, February 4, 2016 (SDN/QJ):-Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Mudane Maxamed Cumar Carteh, waxaana kulankan looga hadlay qodobo kala duwan oo kamid tahay shilkii Diyaaradii Daallo ee ka duushay Muqdisho kuna siijeeday Jabuuti iyo Ammaanka guud ee dalka. Golaha Wasiirada ayaa…

Read More

Xaalada Abaareed Ee Deegaanka Baki Oo Sababtay Inay Dadkii Iyo Daanyeerkii Wada dagaalamaan {DHAGEYSO}

HARGEYSA—Mudooyinkanba ayaa xaalad abareed waxa ay ka taagnayd deegaanada galbeedka Somaliland, taasi oo si aad ah u saameysay dadka iyo xoolaha. Magaalada Baki oo ka tirsan gobolka Awdal, ayaa waxaa iska horimaad uu ku dhex maray boqolaal daanyeer oo soo weeraray beeraha degmadaasi iyo dadka deegaanka oo iyaguna ka difaacayay daanyeerkaasi inuu ka waxyeeleeyo beerahooda….

Read More

Aqoonyahan Mohamed Hagi oo si aqooni ku dheehan tahay uga hadlay xadhiga ganacsade Cumar Caydiid

London Feb 04,2016(SDN/QJ)-Aqoonyahan Mohamed Hagi oo ku takhasusay culuunta dawlad wanaaga ayaa si cilmiyeysan uga waramay xariga ay xukuumada Somaliland u geysatay ganacsade Cumar Ceydiid. “Xadhigga ganacsade Cumar Caydiid, waa mid runtii aad looga xumaado. Ceeb bay dawladnimada ku tahay in sharciga iyada laga ga Cawdo. Xuquuq ka qaadidda qof muwaadin ah oo waliba maal-galiye…

Read More

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo ka aamusay Xadhiga Ganacsade Cumar Caydiid, maxey tahay sababtu?

Hargeysa Feb 04,2016(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo looga bartay ka hadalka kolba xaaladaha dalka jira khaasatan khalaadaadka ay xukuumadihii isaga danbeeyay talada dalka Ayaan ila aiyo haatan si mug leh uga waramin xadhiga aan sharciga loo marin ee loo geystay Ganacsade Cumar Caydiid. Cumar Ceydiid ayaa ciidamo ka tirsan Booliska Hargeysa oo aan…

Read More

Madaxweyne Siilaanyo oo Maanta Magaaladda Burco Xadhiga kaga Jaray Wershad Samayn doonta Saabuunta adag SAWIRO

Hargaysa 4. February,2016(SDN/QJ):- Madaxweynaha  Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo oo maalmihii u danbeeyey ku sugnaa gobolka togdheer ayaa maanta kormeer iyo xadhig ka jarid ku soo maray Wersheda Saabuunta ee Ileys.   Intii lagu gudo jirtay kormeerka wersheda saabuunaha kala duwan waxa madaxweynaha warbiximo kala duwan ka siinayey gudoomiyaha shirkada saabuunaha ee Ileys Mudane…

Read More

Garabka Labaad ee Madaxweyne Siilaanyo siiyey Qayb ka Mid ah Dhulka Tiyaatarka oo Soo Bandhigay Qoraaladii Sharci ee Dhulkaas lagu siiyey DAAWO

Hargaysa 4. February,2016(SDN/QJ):- Garabka kale ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo siisay Qayb ka Mid ah Dhulka Tiyaatarkii hore ee Caasimadda Hargaysa ee uu Maalgashaday Ganacsade Cumar Caydiid oo Maanta Warbaahinta la hadlay ayaa soo bandhigay Sharciyadda loo siiyey dhulkaasi. Salaadiintan oo saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa si hufan u faahfaahiyey nidaamkii dhulkan loogu wareejiyey, waxana…

Read More

Salaadiinta Iyo Waxgaradka Beesha Koonfurta Hargaysa oo Sheegtay inay Ilaalinayaan Nabadgalyada Dalka,Dhaliilna u Soo Jeediyay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo DAAWO

Hargaysa 4. February,2016(SDN/QJ):-Salaadiin,Madax dhaqameed iyo aqoon yahano kale oo ka soo Jeeda Koonfurta Hargaysa ayaa Kulan ay maanta yeesheen Waxay ku sheegeen in Nabadgalyadu tahay Shayga ugu qaalisan ee dalku haysto loona baahan yahay in lagu faro adaygo. Salaadiinta,Madax dhaqameedka iyo Aqoon yahanka Beesha Ciidagale ee Koonfurta Hargaysa Waxay si adag uga Hadleen Xadhiga Ganacsade…

Read More

Wada hadaladii Suuriya oo la hakiyay iyo Qayb ka Mid ah Mucaaridka oo Diiday ka qayb galka Shirkaas

Hargaysa 4. February,2016(SDN/QJ):- Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in si ku meel gaar ah loo joojiyo wadahadaladii ka socday Geneva, ee looga gol lahaa in lagu soo afjaro dagaalka Suuriya. Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Suuriya, Staffan de Mistura, ayaa ku adkeysanaya heshiiska wada-xaajoodka Geneva, in uusan guuldareysan, dibna loo furayo 25-ka bisha February….

Read More

Gudoomiye Cirro oo Saldhiga Ibraahin Koodbuur ku Booqday Ganacsade Cumar Caydiid DAAWO

Hargaysa 4. February,2016(SDN/QJ):– Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda ahna Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Mudane Cabdiraxmaan Maxamed C.laahi Cirro ayaa Maanta Saldhiga Ibraahin Koodbuur ee Magaaladda Hargaysa Waxa uu ku Booqday  Ganacsade Cumar Caydiid Axmed oo ah Hantiilaha Maalgashanayay Tiyaatarkii Hore ee Magaaladda Hargaysa oo doraad laamaha amaanku Xidheen.  

Read More