Hay’adda UNESCO Oo Diiday In Laas-geel Lagu Daro Goobaha Caalamka Ee Lagu Xafido Aasaarta Qadiimiga Ah
Hargeysa,27,6,2016 (QJ/SDN) – Warbixin lagu baahiyey wargeyska Modern Ghana, ayaa lagaga hadlay xaalada muuqaalada ku xardhan deegaanka Laas-geel, waxaana lagu bilaabay:“Qarniyo ayaa ka dambeeyey muuqaalada casaan iyo cadaanka ee ku xardhan buuraha Somaliland kana mid yihiin lo’ deerro, gerri, iyo ugaadhsato leeb iyo qaanso wata. Wakhtigan sawirrada Laas-geel ee ku yaal dalka aan aqoonsiga haysan…
