Guddida Joogtada ah ee Golaha Wakiillada oo Sheegtay in ay Go’aammo ka soo Saari Doonaan Cashuur Dawladda Hoose Ku Kordhisay Warshad Layid Biyaha iyo Sharaabka

Hargaysa 26.June 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Guddida Joogtada ah ee Golaha Wakiillada Ibraahim Mahdi Buubaa, ayaa sheegay in guddidiisu go’aanno ka soo saari doonto cashuur ay dawladda hoose ee Hargeysi ku kordhiyeen warshadlayda soo saarta biyaha iyo sharaabka oo cabasho ka muujiyey arrintaas.   Guddoomiye Ibraahim Mahdi Buubaa oo warbaahinta la hadlay, kadib kulan ay la…

Read More

Maxkamada Gobolka Haw doo Xukuno ku riday Dad dadka Tahriibiya iyo Kuwo Waxyeelo u geystay Jidka Hargaysa iyo Balli Gubadle Xidhiidhiya

Hargaysa 26.June 2016 (SDN/QJ):- Maxkamada gobolka Bali-gubadle ayaa xukuno kala duwan ku riday dad isugu  jira kuwa wax tahriibiya iyo kuwo waxyeelo u gaystay wada laamiga ah ee isku xidha Bali-gubadle iyo Hargaysa.   Waxa ay maxkamada gobolka ee Bali-gubadle xukun ku riday Axmed Nuur Axmed Mooge oo dad tahriibayaal ah si sharci daro ah…

Read More

Xaflada balaadhan oo loogu dabaal degayo sanad guurada 56aad ee dhalashada Jamhuuriyadda Somaliland, laguna saaray calanka Somaliland ayaa lagu qabtay fagaaraha qasriga Madaxtooyada

Hargeysa 26.June 2016 (SDN/QJ):- Munaasibadan oo lagu marti qaaday masuuliyiinta qaranka ugu saraysa, oo ka kala socda saddexda golle qaran, xukuumadda, guurtida, wakiilada, Asxaabta qaranka iyo marti sharaf ka kala socotay dalalka ay Somaliland saaxiibka iyo kuwa deriskaba ayaa noqotay mid la isku arkay oo xuddun looga dhigay taariikhda ay Somaliland soo martay muddadaa 56ka…

Read More

Madaxwayne African ah oo Wiilkiisa u magacaabay Madaxwayne ku xigeenkiisa Kaas oo dunida ka yaabiyay

Hargaysa 26.June 2016 (SDN/QJ):-  Madaxweynaha dalka Equatorial Guinea oo ku yaal badhtamaha qaaradda Afrika Mr. Teadoro Obiang’s Nguema, ayaa wiilkiisa curad oo la yidhaa Teodoro Obiang’ Mangue u magacaabay inuu noqdo Madaxweyne-ku-xigeenkiisa.   Madaxweyne Teadoro waxa uu wiilkiisa u magacabay Madaxweyne-ku-xigeenka labaad ee dalka, kadib markii qaab-dhismeedka dawladdiisa la beddelay, lana sameeyey hab cusub.  …

Read More

Xaflad Balaadhan oo Lagu Xusayo Munaasibada 26 June oo Caawa ka Qabsoontay Qasriga Madaxtooyada Iyo Nuxurka Khudbadii Madaxweynaha

Hargaysa 25.June 2016 (SDN/QJ):- Waxaa Caawa Qasriga Madaxtooyada lagu qabtay Munaasibad la Xidhiidha Xuska 56 Guuradii ka soo Wareegtay Markii ay Jamhuuriyadda Somaliland Xornimadeeda ka qaadatay Boqortooyadii Ingiriiska. Munaasibadan Qaran Waxaa ka qayb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,Shirgudoonada Golayaasha Qaranka,Madax ka Tirsan Xisbiyada Qaranka,Mas’uuliyiin iyo Marti Sharaf kale. Waxaa Munaasibadaas lagu Soo bandhigay Taariikhda Somaliland ee…

Read More

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Wefti uu Hogaaminayo oo Burco Kulamo kula qaatay Hogaanka Dhaqanka ee Deegaanka Jaamac Dubad SAWIRO

Burco 25.June 2016 (SDN/QJ):-Wafti  balaadhan  oo uu hogaaminayo Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Cali Maxamed Waran Cadde   oo maalintii  Shalay   Gaadhay   Magaalo Madaxda Gobolka Togdheer ee Burco   ayaa  caawa    guriga  martida ee  magaalada Burco  kulan  Afur iyo Casho  Sharafa  kula yeesha  Madax dhaqameedka wax garadka iyo  cuqaasha  kala Duwan ee Somaliland. Waftidan uu  hogaaminayo…

Read More

Qarax Ismiidaamin Ah Oo Goordhaweyd Ka Dhacay Hotel Naasa-Hablood ee Magaalada Muqdisho

Muqdisho,25,6,2016 (QJ/SDN) – Qarax Ismiidaamin ah ayaa goor-dhaw waxaa lala beegsaday Hoteel Naasa Hablood One oo ku yaalla Isgoyska lambar Afar ee Magaalada Muqdisho ee Xarunta Somalia. Weerarka ayaa loo Adeegsaday Gaari Waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay, iyadoo Qaraxa kaddibna la maqlay rasaas aad u xooggan, illaa haddana lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkan. Sidoo…

Read More

Dagaal Markale Ka Qarxay Deegaanka Dharkayn-Geeyo Ee Gobolka Sool iyo Dad Ku Dhintay

Laascaanood,25,6,2016 (QJ/SDN) – Ugu yaraan Toddoba qof ayaa ku geeriyooday halka ay 10-kalena ku dhaawacmeen dagaal dhex-maray laba Beelood oo ka dhacay Deegaanka Dharkeyn-geenyo ee Hoos-tagta Degmada Gaashaamo ee Ismaamulka Soomaalida dalka Itoobiya. Dagaalka ayaa yimid kaddib markii odayaasha labada dhinac ee dagaallamay ay ku fashilmeen inay heshiis ka gaaraan wadahadallo ku saabsanaa dagaal billowgii…

Read More

Ingiriiskii Oo Sagootiyey EU, Mustaqbalka Midnimada Dhinac Kasta Oo Su’aalo Ka Taagan Yihiin

London,25,6,2016 (QJ/SDN) – Dadkii Ingiriis waa ay hadleen, waxa aanay caddeeyeen doonistoodda ah in ay ka baxaan Midowga Yurub. Waa go’aan taariikhi ah, iyo dhacdo ugub ku ah Midowaga Yurub oo tan iyo sannadkii 1957kii markii la aasaasay ku hawlanaan jiray kala hufidda codsiyada dalalka doonaya in ay xubno ka noqdaan, laakiin dalka Ingiriiska oo…

Read More

FAYSAL CALI WARAABE: “Ma Jirto Sabab aynu Ugu Dabbaal-degno 26-june Ee Illaahay Ha U Naxariisto”

Hargeysa,25,6,2016 (QJ/SDN) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa tilmaamay inaanay  Meesha ku jirin in Shacabka Somaliland ay Xusaan Maalinta 26june taas oo ku sifeeyay maalin aan Shacabka Somaliland mudnaan u ahayn Balse ay tahay maalintani maalin Somaliland la aasay. Dhanka kale, Faysal Cali Waraabe waxa uu ka hadlay Boqortooyada…

Read More

Sheekh Aadan Siiro Oo Ka Hadlay Ahmiyadda Sakada Iyo Is Casilaadda David Cameron

Hargeysa,25,6,2016 (QJ/SDN) – Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay Ahmiyadda ay leedahay Sakada oo sideeda loo bixiyaa iyo doorka ay qaadan karto haddii la mideeyo oo Dadka Muslimka ah ee Baahan si qorsheysan loo siiyo. Sheekh Aadan-Siiro waxa kale oo uu khudbaddiisa kaga hadlay Nidaamka Dhaqaale ee…

Read More

Wasiirro ka Tirsan Xukuumadda Somalia oo laga qaaday xilalkii iyadoo lagu bedelay wasiiro cusub

Muqdisho ,25,6,2016(QJ/SDN) – Wasiirradii Caafimaadka iyo Waxbarashada Somalia ayaa shalay xilalkii laga qaaday iyadoo lagu badalay laba wasiir oo cusub. Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xeer uu soo saaray ku aqbaley xil ka qaadis uu Ra’iisul Wasaaraha ku sameeyey laba xubnood oo ka tirsanaa Golaha Wasiirada. Labada wasiir ee xilalka laga qaaday ayaa kala…

Read More

SAWIRRO: Ganacsato Soomaaliyeed oo dhaawacyo iyo boob loogu geystay dalka Koonfur Afrika

Pretoria,25,6,2016 (QJ/SDN) – Tuulooyin hoos yimaada magaala madaxda Dalka K/Afrika ee Pretoria oo maalmihii ugu dambeyay boob iyo barakac loogu geystay ganacsatada Qoxootiga ku ah dalkaasi ayaa hadda deggan, waxaana jira dhalinyaro dhaawacyo soo gaareen intii ay socdeen rabshadahaasi. Tuulooyinka boobka loo geystay oo gaarya ilaa shan Tuulo ayaa waxaa Ganacsato Soomaaliyeed ay ku lahaayeen…

Read More

UK Oo Ka Baxday Midowga Yurub

London,24,6,2016 (QJ/SDN) – Iyadoo ay Weli socoto tirinta codadka  maalintii shalay ay u dareereen Shacabka UK taas oo ay go’aan kaga gaadhayaan In Britain ay ka sii mid ahaato Midowga Yurub ama ay ka baxdo  ayaa ilaa hadda waxa ku horeeya oo hogaaminaya Kooxda u Ololaynaysa in UK ay ka baxdo Xubinimada Midowga Yurub. Waxa…

Read More

Somaliland Oo Sheegtay Inay DDSI kala Hadashay Xadhiga Wariye Mukhtaar Nuux Ibraahim

Gabiley,24,6,2016 (QJ/SDN) – Dawladda Somaliland, ayaa Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya xidhiidh kala samaysay Xadhigga Weriye Saddex Maalmood ka hor Ciidammada Liyuu Booliisku ka kexeysteen Daanta Itoobiya ee Degmada Wajaale, kaasi oo ahaa Suxufiga Gobolka Gabiley uga soo warrama Telefiishanka HCTV. Xadhigga Weriyahan oo Magaciisu yahay Mukhtaar Nuux Ibraahim, ayaa Dawladda Somaliland ka shaqeynaysaa sidii Ismaamulka Soomaalida…

Read More

Maamulka Puntland Oo Albaabada iskugu Dhuftay Idaacadda DALJIR Oo Deegaanadooda Ka Hawl-gasha

Boosaaso,24,6,2016 (QJ/SDN) – Maamulka Puntland ayaa caawa Albaabada u laabay Xarumihii uu Radio Daljir ku lahaa Magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso, waxaana la sheegay in xariggooda loo cuskaday amar kasoo baxay Taliyiaha Booliiska Puntland, Jen. C/qaadir Shire Faarax [Ereg]. Xarigga Xarumaha Radio Daljir, ayaa kusoo beegmayaa, iyadoo Shalay ay Xukuumadda Puntland soo saartay qoraal ay uga…

Read More