Garab uu Hogaamiyo Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee Kooxda Khaatumo oo Ka Hor Yimid Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Somaliland & Baaq ay Bulshada u direen DAAWO

Buuhoodle 19.Aug 2016 (SDN/QJ):- Garab la Baxay Badbaado Qaran oo ka tirsan Kooxda Khaatumo kana soo Hor jeeda Wada Hadalka uu Prof Cali Khaliif Galaydh la Furay Somaliland ayaa Baaq u diray Bulshada ku dhaqan Deegaamadooda. Garabkan isku Magacaabay Badbaado Qaran Waxaa Hogaaminaya Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kooxda Khaatumo Waxaanay Sheegeen inay ka soo hor…

Read More

Wajigii Qarsoonaa ee Isku Shaandhayntii Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Mahadhooyinka ay Reebtay ee illaa Imika Hadal haynteedu Taagan tahay!!

Hargaysa 19.Aug 2016 (SDN/QJ):- Isku shaan-dhayntii uu Madaxweynaha Somaliland wax ka badalka ku sameeyey qaar ka mid ah laamaha dawladda Somaliland ee uu maamulo toddobaadkan ayaa waxa ay bulshada ka dhex dhalisay doodo badan iyo dareeno hoose oo shacabka reer Somaliland gudo iyo dibadba waxa isaga waydiiyeen marka la eego mahadhooyinka ay reebtay oo wali…

Read More

Afhayeenka Garabka Isbahaysiga KULMIYE Oo Ka Hadlay Sababta Ay Siyaasiyiin Ka mid Ahi Uga Baxeen Garabka Uguna Biireen Xukuumadda DAAWO

Hargaysa 19.Aug 2016 (SDN/QJ):- Afhayeenka garabka isbahaysiga KULMIYE horena u ahaa wasiirkii hore ee wasaarada cadaalada Somaliland Xuseen Axmed Caydiid ayaa ka hadlay sababaha ay siyaasiyiin kamid ahi ay uga uga baxeen garabka uguna kala biireen xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddaba,sidoo kalena waxa uu ka hadlay dalab uga yimi masuuliyiin ka socda xukuumadda iyo xisbigaba.

Read More

Waraysi Xiiso Badan oo Prof Maxamed Siciid Gees Kaga Hadlay Wada Hadalka Somaliland Iyo Khaatumo Iyo Qodobo kale DAAWO

Hargaysa 19.Aug 2016 (SDN/QJ):- Wasiirkii hore ee maaliyada iyo arrimaha dibedda ee Somaliland prof. Maxamed Siciid Gees oo wareysi gaara HCTV ku siiyay magaaladda Hargeysa ayaa ka hadlay guud ahaan xaalada nabadgelyo iyo siyaasad ee dalka iyo sidoo kale wadahadaladii u dhexeeyay Somaliland iyo Somalia. Ugu horeyn wariyaha telefiishenka HCTV Aadan Cabdi Ciidle oo waraysigan…

Read More

Dardarta Diiwaan Galinta Codbixiyayaasha Doorashooyinka Somaliland Oo Ka Istaadhantay Gobolka Sool +Gudoomiye Ku Xigeenka Golaha Wakiilada Oo Gaadhey Laascanood DAAWO

Laascaanood 19.Aug 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Golaha Wakiiladda Mudane Baashe Maxamed Faarax iyo Wefti uu Hogaaminayo ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Xarunta Gobolka Sool ee Magaalada Laascaanood Iyadoo maalmaha fooda inagu soo haya Gobolka Sool iyo Buuhoodle ay ka bilaabmi doonto Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha.

Read More

“Warancade Waxa uu ii Sheegay in uu Isagu Dalbaday in Loo Magacaabo Safiirka Itoobiya,Balse Waxaa u eekayd Inuu Wakhti Hore is Casilo,Maadaama Xilalkiisii la Rifay ” Xildhibaan Xoog DAAWO

Hargaysa 19.Aug 2016 (SDN/QJ):- Xildhibaan C.raxmaan Xoog oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiiladda ayaa Sheegay in Madaxweyne Axmed Siilaanyo Isku Shaandhaytiisii u danbaysay iyo Kuwii ka Horeeyayba aanu Simin Xubnaha Golihiisa Xukuumada Isla markaana ay taas Marag u tahay Sida ay Kuraastooda u haystaan Wasiirada ka soo jeeda beeshiisa. Waxaa kale oo Xildhibaan Xoog…

Read More

Shir Dhaqameedkii Beelaha Koonfurta Hargaysa iyo Galbeedka Burco,Aragtidii Markii Hore laga aaminsanaa iyo Isbedelada ku Yimid DAAWO

Hargaysa 19.Aug 2016 (SDN/QJ):- Waxaa Sabtidii Todobaadka Tegay ka Dhacay Magaalada Hargaysa Shir ay Isugu Yimaadeen Qaar ka Mid ah Haldoorka Beelaha Koonfurta Hargaysa Iyo Galbeedka Magaalada Burco. Inkasta oo ay Shirkan qaadaceen Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland oo uu Sheegay inuu Salka ku hayo Is Xulufaysi siyaasadeed Isla markaana Xoog loo hadal hayay inuu…

Read More

“Anigu Duudmo Kuma Maqni, Ismanna Casilin..” Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Mr Qabo

Burco 19.Aug 2016 (SDN/QJ):- Badhasaabka gobolka togdheer Maxamed Ibraahim Aadan “Qabo” ayaa beeniyay warar been abuur ah oo ay ka baahiyeen warbaahinta qarkood isla markaana sheegaya inuu gudoomiyuhu istaaqalad u gudbiyay madaxwaynaha somaliland taasoo ku saabsan inuu iska casilay xilka gudoomiyaha gobolka togdheer, Gudoomiyaha oo warbaahintu wax ka waydiisay inuu iska casilay xilka gudoomiyenimo ayaa…

Read More

Cali Guray oo Iftiimiyey Sababta Garabka Isbedel doonka Kulmiye ay uga Cago Jiidayaan in Labada Xisbi Mucaarid Midkood ku Biiraan

Hargaysa 19.Aug 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiye Ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid Cali Maxamed Yuusuf ‘’Cali Guray’’ ayaa Sheegay in Garabka Isbahaysiga Dimuquraadi doonka ah ee Xisbiga Kulmiye uu ku Taageersan yahay Siyaasadooda Qunyar Socodka ah ee ay ku Kala Xulanayaan Labada Xisbi Mucaarid ka ay Jaal la noqonayaan,Isagoo dhinaca kalena sheegay in Axsaabta Mucaaridka ah…

Read More

Madaxweyne Siilaanyo: Wasaaradda Duulista Ma Laaxin Baa Galay? Asaraarka dhex Yaala Wasaarada Duulista!!!

Hargaysa 19.Aug 2016 (SDN/QJ):- Toban Bilood gudahood wasaaradda duulista iyo hawada wuxuu Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay wasiirkii saddexaad, waxaana wasiirada duulista lagu bedelaa dhawr bilood gudahood marka uu xilka hayo. Bishii Oktoobar 2015, wuxuu Madaxweyne Siilaanyo wasiirka duulista iyo hawada u magacaabay Cismaan Cabdillaahi Saxardiid oo bedelay wasiirkii hore Maxamuud Xaashi Cabdi oo noqday wasiirka…

Read More

“Xisbiga Waddani Shantii Gobol ee Diiwaangelintu ka Dhacday Olole ayuu ka sameeyay Wuxuu Isticimaalay Dhaqaalihii,Gaadiidkii Iyo Shaqaalihii Baarlamanka” Jiir Cali Madoobe

Hargaysa 19.Aug 2016 (SDN/QJ):- Md Jiir Cali-madoobe, oo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid u Magaacabay Xilka Gudoomiye Ku Xigeenka 3aad ee Xisbigaas oo Weli Muran ka Taagan yahay Sharcinimadiisa ayaa eedo kulul dusha u saaray xisbiga WADDANI, isagoo caddeeyey inay  caado ka dhigteen olole aan wakhtigiisii la gaadhin oo ay ugu dhuumanayaan arrinta diiwaangelinta. Jiir Cali-madoobe oo…

Read More

“Gaadiid Iska Daayoo Waxa La Isku Qabsan doonaa Dad Nool, Haddii Kiiskaa La Furo..” Cuqaal ka Tirsan Koonfurta Hargaysa oo Sida Fiinta uga Qayliyey Kiis Maxkamada Sare Yaala

Hargaysa 19.Aug 2016 (SDN/QJ):- Cuqaal iyo Odayaal ka tirsan Beesha Koonfurta Hargeysa, ayaa ka digay Kiis ay sheegeen inuu Maxkamadda Sare ee Somaliland hor-yaallo, kaasoo ay sheegeen inuu ka mid yahay Kiisas dalka ka dhacay wixii ka horreeyey 1994-kii, isla markaana la iska saamaxay, kaasoo ay sheegeen haddii Maxkamaddu furto inay ka dhalan doonto dhibaato…

Read More

“Isku Shaandhayntan u Danbaysay ee Madaxweyne Siilaanyo Sameeyay Waa Dhuuxii Dawladnimo oo daatay’’

Hargaysa 19.Aug 2016 (SDN/QJ):- Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Cabdirashiid Xasan Mataan iyo xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka mid ah xisbiga mucaaridka ah ee Ucid ayaa ka hadlay isku shandhayntii ugu dambeeysay ee uu Madaxweynuhu ku sameeyo Xukuumaddiisa. Waxaanay masuuliyiintani sheegeen in isku shaandhayntii u dambaysay muujinayso in dhuuxii dawladnimi sii daadanayo, iyagoo…

Read More

“Xukuumadda Shacabkeedii Soo Doortay Qancin Kari wayday, Sidee ayay Qarannimadeena…..”-Guddoomiyihii Hore ee Sonyo Dr. Culimo

Hargaysa 19.Aug 2016 (SDN/QJ):- Hargaysa Guddoomiyihii hore ee dallada dhalinyaradda Somaliland ee SONYO Dr. Maxamed-Culimo, ayaa ka hadlay isku shaan-dhayntii uu Madaxweynaha Somaliland ku sameeyay golihiisa Xukuumadda iyo weliba qaar ka mida guddoomiyeyaasha gobollada iyo Taliyeyaasha Ciiddamada qaarkood, taasoo uu ku macneeyay inaanay xal u noqon Karin cabashooyinka bulshadda ee is-biirsadday. Dr. Maxamed-culimo oo arrintaas…

Read More

Murashixiinta Jagada Madaxweyne Ku Xigeen ee Xisbiga Waddani oo Galay Ololayaal Xoogan Iyo Shirar Duceedyo ay ku qabteen Hargaysa Iyo Burco

Hargaysa 19.Aug 2016 (SDN/QJ):- Wakhti uu kaabiga innagu soo hayo Shirweynihii Golaha Dhexe ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI oo la filayo in uu caasimadda Hargeysa ka qabsoomo 1-da Bisha Oktoobar ee innagu soo aaddan, waxa kaambayn adag iyo loollan aad u kululi ka taagan yahay Mansabka Musharraxa Madaxweyne ku xigeen iyada oo Guddoomiye ku…

Read More

Haweenay Beesha Dhexe Ah Oo Isku-sharraxday Madaxweyne Ku-xigeenka Xisbiga WADDANI

Hargaysa 19.Aug 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Garabka Haweenka Xisbiga WADDANI ee Waqooyiga Maraykanka ahna Safiirka Wareega ee Xisbigaas Marwo Suhuur Xasan Abiib, ayaa Shaaca ka qaadday inay u sharraxan tahay Madaxweyne Ku-xigeenka Xisbiga WADDANI oo dhawaan la filayo in la qabto Shirkiisii Golaha dhexe ee lagu dooranayo Musharrixiinta Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka.   Waxay Suhuur Xasan ka…

Read More