Moosinka Xajka: Iibka Xoolaha ee Sayladdaha Somaliland iyo Muwaadiniin Cabasho ka Muujiyay Ganacsade Al-jaabiri DAAWO

Hargaysa 30.August 2016 (SDN/QJ):-Iyadoo suuqyada Xoolaha lagu iibsanayo ee Somaliland laga dareemayo iib ka xoolaha kala duwan ee loo dhoofinayo Xajka ayaa waxaa soo baxayso cabasho laga muujinayo Ganacsadaha carabka ee Adhiga ka iibsanaya Xoolo Dhaqatada Soomaalida. Qaar ka mida ah xoollo dhaqada iyo gaadiidka daabulla xoolaha ayaa sheegay in ay ka cabanayaan Ganacsadaha carabka…

Read More

Somaliland: Xaqiiqooyin Soo Baxay oo Tilmaamaya in Doorashooyinka Madaxtooyada Iyo Golaha Wakiillada La Kala Qaaday

Hargaysa 30.August 2016 (SDN/QJ):-Xukuumadda Somaliland, ayaa kala qaadday Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada oo qorshuhu ahaa in si wada jir ah loo qabto bisha Saddexaad ee Sannadka 2017-ka.   Ma jiro War rasmiya oo ka soo baxay Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo oo sheegaya in la kala qaaday Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada, laakiin Wasiirka…

Read More

Warbixin: Muhiimadda Casriyeynta Dekedda Magaalada Berbera DHAGAYSO

Hargaysa 30.August 2016 (SDN/QJ):- Dekadda Barbara ee waxay kumannaan sano xarun u aheyd ganacsato iyo kalluumeyso, waxana ay dhacdaa Gacanka Cadmeedgaar ahaan halka laga galo dhanka koofureed ee Badda Cas. Bishii August, baarlamaanka Somaliland ayaa ansixiyey heshiis qabya ah oo uu maamulku la galay shirkada DP World oo ah shirkad xarunteedu tahay dekadda magaalada Dubai….

Read More

Dadweynaha Magaalada Boorama ayaa si adag uga Jawaabay hadalkii ka soo Yeedhay Wasiir Faratoon DAAWO

Boorama 30.August 2016 (SDN/QJ):-Qaybaha Bulshada ee Ku Nool Xarunta Gobolka Awdal ee Magaalada Boorama ayaa ka falceliyey Wareegtadii uu Doraad soo Saaray Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mudane Yaasiin Maxamud Xiir Faratoon ee uu Ku Sheegay in Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha laga qaban doono Deegaanada Muranku ka Taagan yahay ee Guban iyo Ceel Sheekh. https://www.youtube.com/watch?v=2qVg-qv_NQA&feature=youtu.be

Read More

“Ragga Mujaahidnimo Ku Faanaya Ee Maxamed Kaahin Ka Mid Yahay Waa Kuwii Markii Aan Anna Faqashta Ahaa Habeen Walba Xabbadda Isku Ridaynay”….Wasiirka Shaqada Somaliland

Hargaysa 30.August 2016 (SDN/QJ):-Wasiirka Cusub Ee Wasaaradda Qoyska Iyo Arrimaha Bulshada Somaliland horena u ahaan jiray Wasiirka Wasaaradaha Xanaaanada Xoolaha iyo Duulista Md. Cumar Sheekh Maxamed Faarax (Cumar-yare) oo ka mid ah ahaa xubno Wasiirro ah oo ka qayb galay xaflad loogu wanqalayay Degmada Gumburaha oo dhawaan Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay Degmo cusub ayaa waxa…

Read More

Hargaysa: Macallin Ardaydii uu Wax soo Baray Ku Abaal mariyeen inay u dhisaan Dugsi Casri ah

Hargaysa 30.August 2016 (SDN/QJ):- C.laahi Muuse Qaalib Waa Mid ka Mid ah Shakhsiyaadka Aqoonta Somaliland iyo dhismaheeda Kaalinta Muga leh ka soo qaatay Isla markaana soo saaray Barbaar Cilmiga aqoonta xambaarsan. C.laahi Muuse Qaalib Wuxuu si qoto dheer u faahfaahiyey Sooyaalkiisii Nololeed iyo Kii Taariikheed iyo Waxqabadkii uu Bulshadiisa u fidiyey Iyo Weliba Qaabkii uu…

Read More

Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi oo Kulan la qaatay Safiirka Uk u Qaabilsan Somaliland Iyo Somalia Iyo Arrimo Xasaaasi ah oo Laga Wada hadlay

Hargaysa 30.August 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha xisbul-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Mudane, Muuse Biixi Cabdi, waxa uu la kulmay Safiirka dawladda Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Harriet Mathews iyo wefti ay hoggaaminayo oo booqasho ku yimi dalka Somaliland. Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi oo uu weheliyo Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee…

Read More

Haweenka oo ka walaacsan Doorashada Soomaaliya 2016 Iyo Wasiirka Haweenka ee Federaalka oo Iftiimisay Sababta Walaacan Keentay DHAGAYSO

Muqdisho 30.August 2016 (SDN/QJ):-Wasiirka wasaarada haweenka dawlada federalka Soomaaliya marwo Sahro Maxamed Cali Samatar ayaa kula la qaadatay raysal wasaaraha Soomaaliya iyadoo kala hadashay doorka siyaasada ee haweenka Soomaaliyeed.   Sahro ayaa sheegtay maalmo qura inay ka hareen doorashadii Soomaaliya islamarkaana aysan muuqaan dhaq-dhaqaaq olole haweenka ah kaas oo haweenku uu door ugu yeelanayo siyaasada…

Read More

Ciidamada amaanka oo gacanta ku dhigay rag la tuhunsanyahay in ay katirsan yihiin Al-shabaab

Muqdisho 30.August 2016 (SDN/QJ):-Afhayeenka wasaaradda amniga xukuumadda Soomaaliya C/kaamil Macalin Shukri oo lahadlay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA, ayaa sheegay in howlgal ciidamada amaanka ay ka sameeyeen degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir lagu qab qabtay labo nin oo la tuhunsanyahay in ay katirsan yihiin maleeshiyaadka Al-shabaab.   Afhayeenka ayaa sheegay in labada nin laga…

Read More

Cabdilaahi Yuusuf Iyo Xusuus Qorkiisa Isku Dhicii Isaga Iyo Itoobiya & Ka Faa’iidaysigii Ururkii SNM

Hargaysa 30.August 2016 (SDN/QJ):-Buuga Halgan iyo Hagar daamo oo uu Qoray Madaxweynihii Geeriyooday ee Somalia iyo Hogaamiyihii Jabhadii SSDF C.laahi Yuusuf Axmed ayaa ka Sheekeeyay Khilaafyo Culus oo Ururkiisii Iyo SNM soo Kala Dhex maray iyo Sidii ay isugu dhaceen Isaga iyo Taliskii Itoobiya. Midda koowaad waxay ku saabsanayd wada haddalada ay kula jirto Siyaad…

Read More

Muj. Xasan guure oo Qeexay Hummaag Ladh Ku soo Kiciyey Shacbiga JSL oo ku Ladhnaa Aaskii Gen. Cali Samatar Muqdisho Loogu Sameeyey iyo Xujo Lagu Shaqlay Meydkiisa

Hargaysa 30.August 2016 (SDN/QJ):-Guddoomiyaha Madasha wadatashiga iyo Toosinta Qaranka Somalialnd Mujaahid Xasan Guure Jaamac,  ayaa Madaxweynaha Dawladda Somaliland ugu baaqay in uu  qaban-qaabiyo shirweyne qaran oo meel isugu keenna dhammaan beellaha walaallaha ah ee wada degan dalkan Somaliland, kaasi oo ajandihiisu yahay sidii looga wada tashan lahaa isla markaana loo qiimayn lahaa marxalladaha dhaqan-dhaqaalle iyo…

Read More

Ururka Qareenada Somaliland ( Solla), oo Canbaareeyay Xadhiga Siciid Maxamuud Gahery, Uguna Baaqay Dawlada inay Xoriyadiisii u soo Celiso

Hargaysa 30.August 2016 (SDN/QJ):- Waxa 20/ August/2016 magaalada Hargeysa  booliksu ku xidheen Abwaan Siciid Maxamuud Gehayr oo ah nin dhalinyaro ah, oo abwaan iyo qoraa  ah. Waaxaanu xadhigiisu daba socday, kadib markii barta bulshadu ku xidhiidho ee Facebook-ga loo yaqaano, si is daba joog ah loogu baahiyay qoraalo ku soo baxay magaciisa, oo ka hadlaaya…

Read More

Xarunta Xuquuqal Oo Walaac ka Muujisay Xadhiga Qoraa Ku Xidhan Hargeysa

Hargaysa 30.August 2016 (SDN/QJ):-Waxa 20kii August 2016 lagu xidhay magaalada Hargeysa Siciid Maxamuud Gahayr oo ah nin qoraa ah. Siciid xadhigiisa waxa lala xidhiidhiyay qoraalo uu qoray oo ay ka mid yihiin kuwo baraha bulshadalagu qoray.   Waxa af-hayeen u hadlay Booliisku sheegay in loo haysto Siciid “falal nabad gelyo darro ah oo wax u…

Read More

AKHRI oo NAF Isgeli. Talooyin Ku Wajahan Qaabka aad Dad Tiro badan uga Hor Khudbadayn Karto DAAWO

Hargaysa 30.August 2016 (SDN/QJ):-Sidee ayaad Iskaga Yareyn kartaa Khajilaadda iyo Naxdinta Marka Ad Dad Ka Hor Hadleyso Haddii ad aragto 5 caruur ah oo gaadhi dabada heysta ood u yeedho, ood u khudbadeyso adoo odhanaya, mar danbe ha u noqonina, waxan ad sameyneysaan waa ceeb. Fariido noqda oo wax barta. Markad caruurtaa la hadleyso, ma…

Read More

Shirka Guddiga Fulinta ee xisbiga KULMIYE iyo qodobada lagaga wadahadlay DAAWO

Hargaysa 29.August 2016 (SDN/QJ):- Guddida Fulinta ee Xisbul-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ayaa yeeshay shirkiisa caadiga ahaa oo labadii toddobaadba hal mar qabsooma, waxaana lagu gorfeeyey qodobo dhawr ah oo xaaladda dalka iyo arrimaha xisbiga ku saabsan. Shirkan oo ka qabsoomay xarunta guud ee xisbiga maanta, isla markaana uu shirguddoominayey Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi…

Read More

“Imika Laba Xisbi Xaakim Baa Jira, Aniguun Baa Mucaarid Ah, Markaa Xisbi Xaakimyadda Iyo Mucaaradka Lama Tartansiinyo” Gudoomiye Faysal Cali Waraabe DAAWO

Hargaysa 29.August 2016 (SDN/QJ):-Gudoomiyaha xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa hadal dheer oo uu ka jeediyay madal lagu daah furayay buug la qoray taariikhdii marxuum Maxamed X Ibraahin Cigaal, kaga hadlay arrimo kala duwan oo ka qaybgalayaashii munaasibadaasi ay qosol iyo sacab kaga jawaabayeen. Faysal Cali Waraabe oo ugu horayn ka hadlaya xisbiyadda siyaasadda wuxuu…

Read More