“Madaxnimadu Maaha Boob Oo Ciddii Ilaahay Ugu Tallo-galay Way Imanaysaa, Ee Ninkii (Hadhow) Laga Heloow Hannee, Masuuliyadduna Waxay Saaran Tahay Madaxweynaha Jooga…..”
Hargaysa 09.Sep 2016 (SDN/QJ):- Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, ayaa Madaxweynaha, Xukuumadda iyo Xisbiyada Siyaasadda Somaliland u soo jeediyay in marka la gaadho Ololaha Doorashooyinka laga wada shaqeeyo sidii Hawshu ugu socon lahayd Hufnaan, si loo baajiyo Khilaaf horseedi kara Amni-daro. Md. Cabdiraxmaan Aw Cali oo Shalay ka hadlayay…
