Hantidhawrka Guud Oo Amarkii Madaxweynaha Ka Dib Hawlgalo Baadhis Ah Ka Fuliyay Saddex Wasaaradood Iyo Xarumo Dawladeed

Hargaysa 05. May 2017 (SDN/QJ):- Hantidhawrka guud ee qaranka ayaa hawlgalo baadhis oo xisaabeed ka fuliyay wasaarado iyo xarumo hay’adeed oo ah kuwa dawladda dhexe. Warar uu Wargayska Geeska Afrika helay ayaa sheegaya in hantidhawrka guud ee qaranku uu ka dib amarkii madaxweyne Siilaanyo hawlgalo aan laga sii war hayn oo hubin iyo baadhis xisaabeed…

Read More

Wasiir Ka Tirsan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo Shahaado Sharaf Ku Mutaystay Dhiirigelinta Wax akhriska DAAWO

Hargaysa 05. May 2017 (SDN/QJ):- Qaar ka Mid ah Naadiyada Wax akhriska ee Magaalooyinka Hargaysa, Burco Iyo Boorama ayaa Shahaado Sharaf Ku Maamuusay Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud,Gaadiidka Iyo Guryaynta Somaliland Mudane Cali Xasan Maxamed ‘’Cali Mareexaan’’ Doorka uu ka qaato Dhiirigelinta Naadiyadda Wax akhriska.

Read More

Maxkamadda Rafcaanka iyo Maxkamadda Gobolka Hargeysa oo Lix sano ku xukuno ku riday kooxdii fulisay Qaraxii Djabuuti

Hargaysa 05. May 2017 (SDN/QJ):- Maxkamadda gobolka Hargeysa ayaa toddobaadkan Lix sano oo xadhig ah ku riday mid ka mid ah kooxdii ka danbaysay qaraxii kooxda Alshabaab u gaysatay dalka Jabuuti. Ninkan oo lagu magacaabo C/salaan Maxamed Warsame, isla markaana laga soo qabtay Gobolka SOOL, ayaa lagu helay in uu shandadii ay ku jireen Suumamkii…

Read More

Guddoomiyaha Hay’adda Maamul wanaag iyo La-dagaalanka Musuq maasuqa Somaliland oo Iska Casilaya Xilkii uu Madaxweyne Siilaanyo u Igmaday Isagoo Ka Hadlay Musuq Maasuq Baahsan oo dalka ka Jira

Hargaysa 05. May 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyahii hay’adda maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee Somaliland Md.Axmed Muxumed Madar sida oo kale na ka mid ahaa aas aaseyaashii xisbiga KULMIYE, ayaa ku dhawaaqey in uu gebi ahaan ba iska casilay xilkii uu u hayey qaranka Somaliland isaga oo ku sababeeyey in dalku uu ku sugan yahay…

Read More

Sool: Ciidammada Qaranka Oo Degay Saax-dheer & Dharkeyn-geeye Oo Beelo Ku Dagaalameen, Maleeshiyaad Halkaa Laga raray Iyo Dedaallada Nabadaynta Beelaha

Laascaanood 05. May 2017 (SDN/QJ):- Ciidammada Qaranka Somaliland, ayaa bilaabay fulinta Go’aamo Xukuumaddu Xal ugu raadinayso Colaad u dhaxeysa laba beelood oo dhowr jeer ku dagaalamay Deegaanka Dharkeyn-geeyo ee Koonfurta Gobolka Sool. Ciidammada Qaranka oo qodob qodob u fulinaya Go’aammada  Xukuumaddu Xalka kaga gaadhayso Colaadda labada beelood ee Qayaad iyo Baharar-same (Dhulbahante), ayaa waxay ku…

Read More

Shan Qodob oo Golaha Wasiirada Dawlada Federaalku Ku Ogolaadeen Xil Ka Qaadis Lagu Sameeyay Hanti dhawrihii Guud ee Qaranka oo Ka Been Sheegay Sida uu u Dhacay Dilkii Wasiir Cabaas Siraaji

Muqdisho 05. May 2017 (SDN/QJ):-Waxaa Xalay xilkii laga qaaday hanti dhowrka guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale. Shir golaha wasiirada xukuumada Somalia ee xalay ku yeesheen magaalada Muqdisho ayey wararku sheegayaan iney isku raaceen in xilka laga qaado Hanti dhowrka guud ee Qaranka.   Xilka ka qaadistan lagu sameeyey hanti dhowrka guud ayaa lala…

Read More

Maalqabeen Qarka u Saaran inuu Kaalinta Kowaad ee Haybta Adduunka Ka Riixdo Bill Gates!!!

New York 05. May 2017 (SDN/QJ):- Mulkiilaha shirkadda weyn ee Microsoft Bill Gates iyo Jeff Bezos oo madax ka ah shirkadda caanka ah ee Amazon ayaa loollan adag ugu jira, mid kooda loo aqoonsan lahaa in uu yahay qofka ugu maalqabeensan adduunka maanta. Liiska qiimaynta kala horreynta maalqabeennada adduunka ee ay soo saaraan majaladaha Forbes…

Read More

Masaajidkii Ugu Horreeyay Dunida Ee Laga Sameeyo Dhagaxa canbarka oo hadba meel Loo rari karo !

Dubai 05. May 2017 (SDN/QJ):- Magaalada Dubai ee Dalka Imaaraadka Carabta ayaa lagu soo bandhigay Masaajid cusub oo dhawaan la sameeyay oo ka samaysan dhagaxa loo yaqaano Canbarka, waxa kale oo aad u layaab badan in Masaajidkani uu yahay mid guurguuraya oo hadba meeshii la doono la geyn karo. Masaajidkan ayaa noqday kii ugu horreeyay…

Read More

Damaqa ay Lahayd Qisadii Wiilkii u dhashay Yemen Ee Ku Biirey Millateriga Dalka Israa’iil

Qaza 05. May 2017 (SDN/QJ):- Iyadoo Israa’iil u diyaargaroobayso xuska sanadguuradeedii 69 ee ka soo wareegtay markii ay boobka ku qabsatay dhulka Falastiin ee la haysto ayaa dhanka kale warbaahinta Wadankaasi waxa ay maalmahii u dambeeyey baahinaysay warar iyo barnaamijyo ku saabsan qisooyin kala duwan oo ay indhaha dadka ku soo jeedinayso gudaha Israa’iil, gaar…

Read More

Odey Noolaa Qarni Iyo Badh Oo Ilaa Iyo Dhimashadiisiina Cabayey Sigaarka !

Indonesia 05. May 2017 (SDN/QJ):- Cimri dherarku waa hadyad Ilaahay bixiyo, sababaha ugu muhiimsan ee qofka Muslimka ahi ku helona waxa ka mid ah Cibaadada Suuban iyo Qaraabada oo la xidhiidhiyo sida ay Diinteena suuban inoo sheegtay, haddaba Dalka Indonesia waxa ku geeriyooday Odey Da’diisu ahayd 147jir oo la filayo inuu ahaa Qofkii ugu Da’da…

Read More

Nin Gacantiisa Ku Qoray Kitaab Qur’aan Ah Oo Dhererkiisu Yahay 700 mitir & Yuhuunta Wanaagsan ee Ka Muuqata

Qaahira 05. May 2017 (SDN/QJ):-Nin reer Masar ah oo waxbarashada iskuulka dhexda ku joojiyay ayaa rajaynaya in uu taariikh sameeyo kaddib markii uu saddex sano qorayay Kitaab Qur’aan ah oo uu rumaysan yahay in uu yahay kan ugu wayn adduunka oo dhan. Ninkan oo lagu magacaabo Sacad ayaa xardhay oo si qurux badan gacantiisa ugu…

Read More

Dhibaatada Caafimaad ee Qofka Waxaa Lagu Garan Karaa Calaamado ka soo If Baxa Fooda hore ee Wajigiisa & Talooyinka Caafimaad

Washington 05. May 2017 (SDN/QJ):- Horumarka laga sameeyey cilmiga caafimaadku waxa uu ina barayaa in maqaarka aadamuhu uu yahay muraayad laga dheehanayo xaaladda caafimaad ee ka jirta jidhka gudihiisa. Dadka saacado hurdo oo ku filan seexda, biyo ku filan cabba, iskana jira in ay ku talax tagaan cunista cuntooyinka dufanku ku badan yahay, waxa ay…

Read More

“Waddan islaam annakoo joogna oo Carruur Lasoo Hijroonay in Gaaladu Waddanka Hargeysa Xukunto iyo in Muslimiintu Xukunto in Lanoo kala caddeeyo..’’ Hablo Loo Kaxeeyay Dalalka Yurub & Waalid Cabanaya

Hargaysa 04. May 2017 (SDN/QJ):- Ciidamada ammaanka ee Somaliland ayaa hawlgal ka fuliyey goob wax lagu barayey hablo ka soo noqday wadamada qurbaha, halkaasna waxay ka soo qabqabteen hablihii ku sugnaa dugsigaas waxbarasho oo ahaa dugsi xanaano ah ama ardaydu seexdaan. Dugsigan oo waalidiinta hablaha dhalay ay sheegeen in lagu baranayey arrimaha diinta, ayaa ahaa…

Read More

Fadhi Deg Deg ah oo Golaha Wasiiradda Somalia ay Yeesheen,Xil Ka Qaadis ay ku Sameeyeen Hanti Dhawrihii Qaranka oo Lala Xidhiidhiyey Dilkii Wasiir Cabaas

Muqdisho 04. May 2017 (SDN/QJ):- Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa caawa yeeshay kulan deg-deg ah oo uu shir-guddoominayey Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Geeridii Wasiirkii Howlaha Guud iyo arrimaha Amniga dalka. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo xubnaha golaha wasiirada ayaa ugu…

Read More

Maayarku-xigeenka Caasimada iyo Xoghayaha Dawlada Hoose Ee Hargeysa Oo Kormeer Ku Maray Xarunta Dab-damiska iyo Xarumaha Degmada I.Koodbuur iyo 31 May DAAWO

Hargaysa 04. May 2017 (SDN/QJ):- Maayar Ku Xigeenka Caasimadda Hargaysa oo ay Weheliyaan Taliyaha Ciidanka Dab damiska Somaliland iyo Xoghayaha Fulinta Dawlada Hoose ee Hargaysa ayaa Maanta Kormeer ku soo maray Xarunta Dab damiska iyo Laba Xarumood oo Ku Kala yaala laba degmo oo ka tirsan degmooyinka Caasimadda.

Read More

Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo Xadhiga Ka Jaray Xafiiska Ururka Dhallinyarada Tala-wadaag ee Degmada Gacan-Libaax oo Ku Soo Biiray Xisbigaasi DAAWO

Hargaysa 04. May 2017 (SDN/QJ):- Murashaxa Madaxweynaha xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), oo ay wehelinayaan saraakiisha heer iyo weli ba kuwa heer qaran ee Xisbigaasi, ayaa xadhiga ka soo jaray xafiiska dhallinyarada Tal-wadaag ee xaafadda degmada Gacan-Libaax, gaar ahaan xaafadda New Hargeysa. https://www.youtube.com/watch?v=sLARZ4ZXMes&feature=youtu.be

Read More