Madaxweynaha Turkiga oo Khadka Telefoonka Kula Xidhiidhay Dhigiisa Dalka Iran iyo Waxyaabaha ay Ka Wada Hadleen
Istanbul 29. May 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha dalka Turkiga Rajeb Dayib Ordugaan ayaa sheegay in dalkiisu diyaar u yahay in la wanaajiyo Cilaaqaadka dalkiisu la wadaago dalka Iiraan, ka dib markii wada hadal dhinaca telefoonka ah uu la yeeshay dhigiisa dalka Iiraan Xasan Rooxaani. Madaxweyne Ordugaan waxa uu tilmaamay ahmiyadda ay leedahay xidhiidh dhex mara labada…
