”Gabooyaan la hadlayaa,Waxaan Door Biday In Aan Adiga Kula Hadlo Halkaan Ku Daali Lahaa Duul Iyaguba Aan Naf Isu Hayn Oo Qabyaaladu Ka Adkaatey! Cabdi Kariin Axmed Mooge

Hargaysa 27. May 2017 (SDN/QJ):- Wasiir Ku Xigeenkii Hore ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Mudane C.kariin Axmed Mooge ayaa Qoraal uu Ku Faafiyey Degelka uu ku Leeyahay Shabakada Xidhiidhka Bulshada ee Facebook Wuxuu Si Gaar ah ula Hadlay Beesha Gabooye oo inta badan lagula Kaco Xadgudubyo ka Hor imanaya diinteena Suuban ee Islaamka.  ‘’Iyadoo awalba aad…

Read More

“Gabadh Aroos Walba Ka Heesi Jirtay Baa Maalintii Dembe Iyada Lafteedii La Aroosay, Dabadeed Intay Arooskeedii Ciyaar Ka Booday Bey Tidhi…….” Xil. Bashiir Tukaalle

Gebiley 27. May 2017 (SDN/QJ):- Xil. Bashiir Sh. Xuseen Tukaalle oo ka mid ah mudaneyaasha golaha wakiillada Somaliland eekasoo jeeda gobolka Gabiley ayaa sheegay in xisbiga WADDANI oo uu saraakiishiisa sarsare ka mid yahay uu tan iyo aasaaskiisii cudud xooggan ku lahaa gobolka Gabiley oo uu ku tilmaamay in aanu la’aantii saaxadda axsaabta kamid noqdeen…

Read More

Boqol Cisho Iyo Sagaal Dhoof oo Madaxweyne Farmaajo Galay Iyo Wasiirkiisa Arrimaha Dibada Yuusuf Garaad oo Xog Xasaasi ah ka bixiyay Safarada Farmaajo, Qarashka ku baxa & Heshiisyada

Muqdisho 27. May 2017 (SDN/QJ):- Intii aan xilka Wasiirnimo hayay waxaan u dhoofay safarro shaqo oo dhowr ah.  Marka laga reebo shir ay Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Afrika ay isugu yimaadeen oo aan uga qeyb galay magaalada Kigali ee dalka Rwanda, waxay safarradeydu ahaayeen qaar aan Madaxweynaha u raacay safarro shaqo iyo Booqasho Qaran oo…

Read More

Maxkamadda Sare ee Somalia oo Laashay 8 Xildhibaan Oo Madaxweyne Farmaajo Doortay & Mar Kale oo Loo Tartamayo Jagooyinkaas Iyo Magacyadooda AKHRI

Muqdisho 27. May 2017 (SDN/QJ):- Go’aan ka soo baxay Maxkamadda sare ee Soomaaliya ayaa lagu laalay 8 ka mid ah kuraasta aqalka hoose ee baarlamanka Soomaaliya,, waxayna amartay in dib loogu noqdo doorashaadooda.   Warqad kasoo baxday Maxkamadda oo ku taariiikheysan 16-ka bishan May ayey maxkamaddu ku sheegtay in kadib dacwo socotay in ka badan…

Read More

Maxaa Lagu Qaabilayaa Bisha Barakaysan Ee Ramadaan? Iyo Duruus Dhaxal Gal ah Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil DAAWO

Hargaysa 27. May 2017 (SDN/QJ):- Waxaa inoo Bilaabantay Bishii Naxariista,Denbi dhaafka iyo in alle Kor ahaaye adoomihiisa Camalka Wanaagsan la yimaada uu Kaga Xoraynayay Cadaabihiisa daran. Bishan barakada badan ee Ramadaan ayaa ka duwan Bilaha kale ee Sannadka iyadoo dhamaanteedba ah Bil naxariiseed Loona Baahan yahay in Qof kasta oo Muslim ah oo Caafimaad qaba…

Read More

Safiirka Jabuuti U Jooga Soomaaliya Oo Dadka Ku Hadla Afka-Soomaaliga Ku Matalaya Shirka Qallinleyda 3 Qaaradood

Jabuuti 27. May 2017 (SDN/QJ):- Dr. Aadan Xasan Aadan, Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya, ahna Gudoomiyaha Qalinlayda Soomaalida (Somali PEN), ayaa kaga qeybgalay Dalka Senegal  shirweyne ay ka qaybgelayaan ururada ay ku midaysan yihiin Qoreyaasha ka kala socda saddex qaaradood, lagaga hadlayo doorka  Qoreyaasha ee nabad-dhisidda iyo ka hortagga falalka ku dhisan gacan ka hadalka. Gobolka…

Read More

Xogo Khaldan oo aynu Ka Aaminsanahay Caafimaadinta Ilkaha Iyo Muhiimada ay Leedahay in La Bedelo Burushka Lagu Cadaydo

Hargaysa 27. May 2017 (SDN/QJ):- Waxaa jira arrima la xidhiidha caafimaadka ilkaha iyo nadaafaddooda oo aaminsanaantoodu awoow laga soo gaadh uun iska tahay, oo qofku arkay uun bulshadiisa oo sidaas aaminsan isna ku raacay isaga oo aan baadhis cilmi isku deyin. Shabakadda Bright Side ee ka faalloota arrimaha caafimaadka ayaa baahisay xogo ay dadku isla…

Read More

Khubaro Reer Galbeed Ah Oo Timirta Ku Tilmaamay Mucjiso Aan La Qiyaasi Karin Faa’iidadeeda & Waxtarkeeda Xiliyada Ramadaanta

Hargaysa 27. May 2017 (SDN/QJ):- Timirtu waxa ay ka mid tahay, macmacaanada dabiiciga ah gaar ahaana bahda khudrada la raaciyo, waxaanay ka mid tahay, cuntooyinka sida gaar ah bisha barakaysan ee Ramadaan loo isticmaalo, ee ugu mudan cuntooyinka ugu horeeya ee lagu afuro. Asal ahaan waa midho ka baxa dhulka kulul ee carabta, waan geed…

Read More

Cilmi Baadhis Ka Hadlaysa Xiliga Ugu Haboon Ee Haweenayda Uurka Lihi Soomi Karto

Hargaysa 27. May 2017 (SDN/QJ):- Cilmi baadhis caafimaad oo dhawaan laga sameeyay meelo ka mid ah dunidda ayaa daaha ka rogtay in aanu caafimaadka ilmaha uurka ku jira soonku waxba u gaysan haddii cimriga sedkiisu dhaafo afar bilood. Cilmi baadhistan caafimaad oo ay sameeyeen dhakhaatiir u dhashay dalka Turkiga oo ka socday jaamacadda lagu magacaabo…

Read More

Booliska Dawlada Federaalka Somalia oo Markii Kowaad Loogu Deeqay Diyaarada aan Duuliyaha Lahayn SAWIRO

Muqdisho 27. May 2017 (SDN/QJ):- Booliska Soomaaliya ayaa helay markii ugu horeysay dayuuradaha sahanka ee drones-ka loo yaqaan oo aan duuliyaha wadin.   Sarkaal hore uga tirsanaa sirdoonka dalka Mareykanka oo lagu magacaabo Brett Velicovich ayaa Wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in diyaaradahan oo shan ah ay ugu deeqeen booliska Soomaaliyeed si ay ugu…

Read More

Ka Digtoonow Waxyaabaha Dhibaatada Ku Noqon Kara Soonkaaga, Haraad Iyo Gaajo Degdega Ahna Keena

Hargaysa 27. May 2017 (SDN/QJ):- Arrimo badan oo qofku sameeyo ayaa dhibaato ku noqon kara soonka, kuwaas oo la xidhiidha cuntooyinka iyo cabitaanada, gaar ahaan wakhtiyada habeenkii sida afurka, cashada iyo Suxuurta, wakhtiyadaa kala duwan waxa cuntooyinka iyo cabitaanada qaarkood dhibaato ku noqon karaan, soonka maalintii iyo in qofku habeenkii si raaxo leh oo caafimaad…

Read More

Khubaro Maraykan ah oo Baadhitaan Cilmeed Ku Sameeyay Soonka Ku Waajibay Maslimiinta Iyo Maxsuulka uga soo Baxay

Washington 27. May 2017 (SDN/QJ):- Cilmi baadhis caafimaad khabiiro ka tirsan jaamacadaha dalka Maraykanku ku baadheen saamaynta soonku ku leeyahay caafimaadka aadamiga ayaa natiijo aad uga yaabisay oo ay mucjiso ku tilmaameen kaga soo baxday, waxaanay baadhistoodan ku ogaadeen sida qayb kasta oo caafimaadka aadamiga ah uu soonku faa’iido iyo wax tar ugu leeyahay. Jariirada…

Read More

Muslimiinta Magaalo 24-ka Saacadood Aanay Qoraxdu Ka Dhicin Ku Soomaya

London 27. May 2017 (SDN/QJ):- Bisha Barakaysan ee Ramadaan ayaa sanadkan ku soo beegantay xili dunida inteeda badani ku jirto, wakhtiga xagaaga ee ugu kulul saacadaha maalintuna ugu badan yihiin, oo ah wakhti qoraxdu u iilato waqooyiga dunida. Meelo badan oo dunida ah ayaa 20-saacadood maalintu noqotay, waxaanay taasi ka dhigaysaa in wakhtiga soonku aad…

Read More

Hormadii Afaraad ee Laga Soo Masaafuriyey Maraykanka oo Laga Soo Dejiyey Magaaladda Nairobi

Nairobi 27. May 2017 (SDN/QJ):- Dayuurad siday 54 ruux Soomaali ah oo laga soo tarxiilay dalka Maraykanka ayaa Xalay laga soo dejiyey garoonka dayuuradaha Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi. Dadkan laga soo tarxiilay Maraykanka ayaa isugu jira dhalinyaro iyo dad waaweyn waxaana dayuurada lagu soo qaaday dadkan la socday ilaalo hubeysan.   Saraaakiisha Maraykanka ayaa…

Read More