Wararkii u dambeeyey ee Baadhista Qaraxii Manchester, Booliska UK oo Diiday Dalab uga yimi Dhiggooda USA

Manchester  25. May 2017 (SDN/QJ):- Ciidammada Booliska ee wada baadhitaanka weerar Qarax ahaa oo Isniintii toddobaadkan ka dhacay magaalada Manchester ee dalka Britain, ayaa joojiyay inay xogta baadhitaanka la waaagaan dhiggooda Mareykanka, ka dib markii Warbaahinta loo dusiyay Macluumaad ku saabsan baadhista weli socota. Mas’uuliyiinta UK ayaa caro ka muujiyay sawirrada muujinaya haraaga waxyaabihii loo…

Read More

Raysal-wasaaraha Soomaaliya iyo Ku-xigeenkiisa oo ka qayb-qaatay Ololaha Nadaafadda Muqdisho + Sawirro

Muqdisho 25. May 2017 (SDN/QJ):- Ra’iisal-wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo ku-xigeenkiisa Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ay weheliyeen Golaha Wasiirrada Xubno ka tirsan iyo Masuuliyiinta dawladda qaarkood, ayaa maanta ka qaybgalay Olalaha Nadaafadda Caasimadda Muqdisho, si ay Bulshada ugu dhiirrigeliyaan kor u qaadista Nadaafadda magaalada. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, ku-xigeenkiisa Mahdi Guuleed,…

Read More

Madaxweyne ku xigeenka Oo Maanta xadhiga ka jaray bandhiga Premier Bank Qaybtiisa Somaliland DAAWO/SAWIRO

Hargaysa 25. May 2017 (SDN/QJ):- Masuuliyiin ka Tirsan Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland oo uu hogaaminayey Madaxweyne ku xigeenka dalka Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici ayaa maanta xadhiga ka jaray baanka  gaarka loo leeyahay Premier Bank qaybtiisa Somaliland. Munaasibad balaadhan oo ka dhacday xarunta Bandhigaasi ee Caasimada Hargeysa ayaa lagaga hadlay muhiimada baankani uu dalka ku soo kordhin doono,…

Read More

“Dadkii Odhan Jiray Gobolka Gabiley Waxa Uu U Xidhan Yahay Kulmiye Oo Kaliya, Waxaan Leeyahay Waydinkaa Arka Oo Gobolku Waxa Uu Doonayaa Isbadal” Taageerayaasha Gabiley Ee Ku Soo Biiray Waddani SAWIRO

Gabiley 25. May 2017 (SDN/QJ):- Taageerayaal isbadal doon ah oo ku soo biiray xisbiga Waddani oo ka soo jeeda gobolka Gabiley ayaa maanta munaasibad balaadhan loogu qabtay magaalada Gabiley, waxaana kala soo qaybgaleen masuuliyiinta xisbiga Waddani oo uu horkacayo musharaxa Madaxweyne ku xigeenka xisbiga Waddani Mudane Maxamed Cali Cabdi, Xoghayaha Xisbiga, Gudoomiyaha Ololaha Xisbiga Waddani,…

Read More

Wasiirka Waxbarashada Somaliland Oo Ka Hadlay Sida uu u Arko Baadhitaano Wasaaradiisa Lagu Samaynayo!!

Hargaysa 25. May 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Cabdilaahi Ibraahim Habane (Cabdilaahi Dheere), ayaa ka hadlay baadhitaan ay Wasaaraddiisa ku sameeyeen  Guddida Maamul Wanaaga iyo la dagaalanka musuq-maasuqa, waxaanu sheegay inay caadi tahay oo wax dhib ahi aanu ku jirin in  Guddida Maamul Wanaaga iyo la dagaalanka musuq-maasuqa,Wasaaradda Waxbarashada iyo Wasaaraddaha kaleba ay…

Read More

Madaxweynaha Somaliland oo Cafis u Fidiyey Sama-fale/Wariye Cabdimaalik Sh. Muuse Coldoon AKHRI

Hargaysa 25. May 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Somaliland Md.Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa cafis u fidiyey Sama-fale/Weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo muddooyinkii dambe ku xidhnaa jeelka weyn ee Hargeysa ka dib markii lagu soo eedeeyey in uu sameeyey falal liddi ku ah qaranimada Somaliland isla mar ahaantaana uu ka qeyb-galay ololahii siyaasaddeed ee Madaxweynaha dalka Somaliland Mr.Farmaajo…

Read More

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo Dilaalin Ku Tilmaamay Dad Dhawaan Xisbiga Kulmiye Ku Biiray DAAWO

Hargaysa 25. May 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha iyo murashaxa xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa tilmaamay inuu yahay murashaxa ku haboon ee dalka ka saari kara marxalada uu maanta marayo. Md. Faysal oo shalay hadal ka jeediyay xaflad loo sameeyay taageerayaal cusub oo shalay ku biiray xisbiga UCID, wuxuu ka jawaabay dadweyne dhawaan sheegay inay ku…

Read More

Xukuumadda Somaliland oo Diiday Mucaawino Lacageed oo Dhan 2 Boqol oo Kun oo Dollar oo Dawladda Federaalku kaga qayb qaadanayso Ka Soo Kabashada Abaaraha & Weriye Cabdi Maalik Coldoon oo La Sii daayay DAAWO

Hargaysa 25. May 2017 (SDN/QJ):- Fadhigii Maanta ee Golaha Wasiiradda Somaliland oo uu Shir Gudoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa Golaha Wasiiraddu Waxay Ganafka ku Dhufteen Qaadhaan Lacageed oo Dhan Laba Boqol Oo Kun oo Dollar oo Dawladda Federaalku Somalia kaga qayb qaadanaysay Gurmadka ka soo Kabashada abaaraha. https://www.youtube.com/watch?v=3IADhJGCaGg&feature=youtu.be

Read More

Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawlada Somaliland oo Ku Talaabsaday Musuq Maasuq Ku Wajahan Is daba Marin Shaqaale Shaqo Loo Tartamay ku Guulaystay DAAWO

Hargaysa 25. May 2017 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Sharmaake Axmed Muxumed ayaa Duudsiyey Muwaadin u Tartamay Shaqo ku Saabsan Mashruuca Dib Habaynta Shaqaalaha Dawlada Kaas oo Guushiisa Laga Sheegay Telefishanka Qaranka Somaliland Sidoo Kalena Lagu Baahiyey Qaar Ka Mid ah Wargaysyada ka soo Baxa Caasimadda Hargaysa. Mustafe C.raxmaan Habane ayaa ka soo gudbay dhamaanba…

Read More

Qaramada Midoobay Oo Sheegtay Inaan Wada Hadalada Somaliland Iyo Somalia la Furayn ilaa Doorashada Madaxtooyada Somaliland Qabsoonto

New York 25. May 2017 (SDN/QJ):- Qaramada Midoobay ayaa aaminsan inaanay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya furmi karin, ilaa ay doorashada Somaliland ee madaxtooyadu qabsoonto bisha November ee sannadkan, waxaanay doonayaan inay wada hadalada bilaabmaan dawladda Madaxweyne Farmaajo iyo dawladda Somaliland ka dhalan doonta doorashada November, ka dib. Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya…

Read More

Baarlamaanka Somalia oo Madaxweyne Farmaajo Ka Dalbaday inuu Cadeeyo Mawqifkiisa Saldhiga Mileteri ee Berbera

Muqdisho 25. May 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa si rasimi ah uga gudbiyay madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo raysalwasaarahiisa inuu jawaab ka soo bixiyo heshiiska ay wada galeen Somaliland iyo dalka Imaaradka Carabta ee la xidhiidha dekeda iyo madaarka magaalada Berbera. Waxa uu guddoomiyaha golaha shacabka ee dalka Somaliya…

Read More

Nin miino ku Xidhayey Xarunta Jaamacadda Multi-media oo Gacanta Lagu Dhigay

Nairobi 25. May 2017 (SDN/QJ):- Ciidanka Booliska Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay Joseph Kamau Ngugi oo 26 jir ah kana soo jeeda Gobolka Embu. Ninkan ayaa waxay ku eedeeyeen Boolisku markii ay qabanayeen inuu gacmaha kula jiray miino uu ku xirayay Jaamacadda Multi-media ee Magaalada Nairobi. Ciidamadii miino baarka ayaa dibeda…

Read More

Al-shabaab Oo Sheegatay Qarax Xalay Ka Dhacay Duleedka Dekedda Muqdisho Iyo DAACISH Oo Soo Bandhigtay Nin Boosaaso Isku Qarxiyey

Muqdisho, 25 Meey, 2017-(SDN/QJ): – Qarax xooggan, ayaa gelinkii dambe ee Shalay ka dhacay maqaaxi ku taala ka soo horjeedka Dekedda Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya. General Axmed Xasan Maalin, oo ah Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir, ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan 5 qof ay ku dhinteen qaraxaasii, halka toban kalena ay ku dhaawacmeen….

Read More

‘’Ninkaas Waxa lagaga Cabanayo ayaan La Yaabay ee la Leeyahay Gaalo ayaad Hablihiina Siisaan anagana Diin naguma Siinaysaan,Waxaan Weydiin Lahaa Ma Waxay Diintu Idiin Xalaalaysay…’’ Oday Xasan Cabdi Khayre oo Beelaha Gabooye Fariin u diray DAAWO

Hargaysa 24. May 2017 (SDN/QJ):- Waxaa baraha Bulshadu ku wada xidhiidho si aad ah looga doodayaa qadiyad ka dhalatay Gabadh Sheegtay in Waalidkeed u diideen nin ay Calmatay oo ka soo Jeeda Beesha Gabooye oo ay si qarsoodi ah isugu mehersanaayeen Mudo 3 Bilood gaadhaysa. Oday Xasan Cabdi Khayre oo ay ehelo yihiin odayga dhalay…

Read More

Xisbiga Kulmiye oo 15 Jirsaday & Gudoomiye Muuse Biixi oo Tooshka Ku Ifiyey Marxaladihii uu Soo Maray (Mucaarid Iyo Muxaafid) Iyo Higsigiisu Halka uu Ku Jihaysan Yahay DAAWO

Hargaysa 24. May 2017 (SDN/QJ):- Xisbiga Talada Somaliland haya ee Kulmiye ayaa Maalintii Shalay Xusay 15 Guurada ka soo Wareegtay Aasaaskii Xisbiga Kulmiye oo ku astaysan 23-kii Bishii May Sannadkii 2002-dii. Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in ururinta afkaarta bulshada reer Somaliland muhiimad weyn u leedahay…

Read More

“Arrintani Waxay Ahayd Go’aan Madaxweynuhu Uu Soo Saaray, Isagoo Ka Duulaya Ummaddan iyo Qarankan Uu Odayga U Yahay In Fursadaha Shaqo Loo Qaybiyo” Wasiirka Madaxtooyada JSL DAAWO

Hargaysa 24. May 2017 (SDN/QJ):- Wasiiro ka tirsan xukuumadda iyo masuuliyiin kale ayaa waxa si balaadhan ugu soo dhaweeyey caasimada Somaliland ee Hargeysa, dhalinyaro ka kooban soddon shaqaale cusub oo ku soo baxay imtixaan ay hay’adda shaqaalaha dawladdu ka qaaday in ka badan laba boqol oo shaqaale ah, kuwaasi oo ay ka soo baxeen (30)…

Read More