Xisbiga Kulmiye oo Maanta Soo Dhawayn u Sameeyay Taageerayaal Ka Soo Digo Rogtay Xisbiga Waddani Kana Hadlay 15 Guurada Aasaaska Xisbiga Kulmiye SAWIRO

Hargaysa 23. May 2017 (SDN/QJ):-Xisbiga KULMIYE, ayaa soo dhawayn ballaadhan u sameeyey taageerayaal uu hoggaaminayo siyaasiga caanka ah ee Xasan Cabdi Maxamuud (Xasan Xaydh) oo ka soo digo-rogtay xisbiga WADDANI. Xaflad bilicsan oo xisbiga KULMIYE ku qaabilay taageerayaashan cusub oo lagu qabtay huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa maanta, waxa ka qaybgalay Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa…

Read More

Madaxweynaha Somalia Farmaajo oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Dalka Jabuuti Kadib Markii uu Ka Soo Kicitimay Waddanka Boqortooyadda Sucuudiga DAAWO

Jabuuti 23. May 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo booqasho rasmi uga bilaabatay dalka Jabuuti ayaa galabta la kulmay dhiggiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle. Madaxweyne Geelle ayaa Madaxweyne Farmaajo ku soo dhoweeyay qasriga Madaxtooyada, halkaasoo salaan sharaf uga qaatay Ciidanka Jamhuuriga. Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xiriirka soo jireenka ee labada dal u dhaxeeya…

Read More

Hargaysa: Gabadh Loo Diiday Inay Guursato Nin Ka Soo Jeeda Beesha Gabooye,Dal Delaad Lagu Sameeyay + Xisbiga Waddani Oo Cambaareeyay & Xukumadda Oo ka Hadashay!! DAAWO

Hargaysa 23. May 2017 (SDN/QJ):- Waa Mid ka Mid ah Dhaqamada Guracan ee Bulsho Dhan oo Sheekh, Shariif,Aqoon Yahan iyo Hal door taliyaba leh oo La Faquuqo lana Takooro, Wuxuu Hab dhaqanka Khaldan ee ummadan lagu hayaa uu ka jiraa dhamaan deegaanada ay degaan Bulshada Somalidu. Hoodo Mukhtaar Yuusuf waxay Calmatay oo ay Guursatay nin…

Read More

“Haddaynu KULMYE Nahay Waxaynu Ogolnahay Tartan Xalaal Ah, Xisbiyada Qaranka Ee Aynu Tartamayno Waxaynu Ka Ogolnahay Tartan Xalaal Waxa Innaga Reebban Cayda, Aflagaadada Iyo Xisbi Kale Wax Ka Sheega..’’ Gudoomiye Muuse Biixi DAAWO

Hargaysa 23. May 2017 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Murashaxa Jagadda Madaxweyne ee Xisbigaas Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa Xadhiga ka Jaray Xafiiska Xisbiga Kulmiye ku Yeelanayo Bariga Magaaladda Hargaysa. Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi waxa uu bulshada u sharraxay ahdaafta iyo mabaad’iida guud ee xisbiga KULMIYE leeyahay, kuwaas oo ay taageerayaashu ka midaysanyihiin, waxaannu yidhi,…

Read More

“Madaxweyne, Waxaan Markhaati Ka Ahay Hirgelintaada Haybadda Ciidamada Qalabka Sidaa Inay Kuu Tahay Astaan Kuugu Xardhan Baalka Taariikhdaada……” Xoghayaha Cadaaladda WADDANI

Hargaysa 23. May 2017 (SDN/QJ):- Xoghayaha Cadaaladda ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Gar-yaqaan Barkhad Jaamac Xirsi, ayaa Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ku amaanay tabaca uu geliyey Ciidammada kala duwan ee Qalabka sida. Xoghayaha Cadaaladda ee Xisbiga WADDANI oo hore u ahaa La Taliyaha Arrimaha Bulshada ee Madaxweyne Siilaanyo, ayaa qoraal uu…

Read More

Ma Jiro Nidaam Hufan oo Lagu Ogaan Karo Lacagaha Qaadhaan Uruurinta ee Xaafaha Magaalooyinka Dalka laga Gurayo ‘’Albaab Ilaa Albaab’’ (WARBIXIN)

Hargaysa 23. May 2017 (SDN/QJ):- Waxaa Magaalooyinka Dalka ka socda Qaadhaan Uruurin ay Bulshada qaybaheeda kala duwan ka qayb qaadanayso taas oo loogu talo galay inay qayb ka noqoto Dhaqaalaha loo qorsheeyay in Lagaga Soo kabto laguna Xooleeyo Xoola dhaqatada Somaliland ee Ku Caydhoobay Abaartii adkayd ee dalka soo martay. Inkasta oo Isku daygani yahay…

Read More

‘’Waar Shacabka Somaliland Haday Ku Taageeraan Aniga Iyo Siilaanyo Waan Heshiin Karnaa’’ Maxay Ka Wada Hadleen Prof Cali Khaliif & Madaxweyne Siilaanyo DAAWO/DHAGAYSO

Hargaysa 23. May 2017 (SDN/QJ):- Hogaamiyaha Kooxda Khaatumo Prof Cali Khaliif Galaydh ayaa Kulan Gaar ah Wuxuu Qasriga Madaxtooyadda ee Hargays kula Qaatay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo. Prof Galaydh ayaa si af gobaadsi ah u sheegay inuu Hargaysa u Yimid kadib Markii uu ka duuli kari waayay Magaaladda Buuhoodle Isla markaana uu Jeclaystay inuu…

Read More

Hal Qof Oo Laascaanood Ku Dhaawacmay Iyo Booliiska Oo Xidh-Xidhay Odayaal Lagu Eedeeyay Inay Ka Soo Horjeedaan Qorshe Xukuumaddu Ku Heshiisiinayso Beelo Walaalo Ah

Laascaanood 23. May 2017 (SDN/QJ):- Ciidammada Booliiska ee ka hawl-gala Magaalada Laascaanood oo kaashanaya Kuwa Milletariga ayaa la sheegay inay Xidh-xidheen Odayaal ka soo jeeda laba Beelood oo Dhowr jeer oo hore Dagaalo ku dhex mareen Deegaanka Dharkeyn-geeye ee Koonfurta Gobolka Sool. Ciidammada Booliiska ayaa la sheegay inay Odayaashan oo tiradoodu badan tahay xidheen, ka…

Read More

Taxanihii Qisaska Nolosha Iyo Tusmadii Xusuus Qor Dhakhtar-Ilkood ‘Murugada Waxaa Maydha Samo-Falka”’ Kala Soco Qurbejoog DAAWO

Hargaysa 23. May 2017 (SDN/QJ):- Waa Qormadii Taxanaha ahayd ee Xusuus Dhakhtar Ilkood oo ay inoo Soo diyaariso Drs Hibaaq C.raxmaan Buubaal oo ah Dhakhtarad Aqoon durugsan u leh Xanuunada Ilkaha kana Shaqaysa Magaalada Hargaysa.   Waxay Taxanahan inoogu soo bandhigaysaa Khibrad ay ka heshay Mudadii ay ka shaqaynaysay Mihnada dhakhtarnimo,Waxaana si Joogto ah Taxanahan…

Read More

Haweenay Magaaladda Burco ugu Geeriyootay Kadib Markii Roob Shalay Galab ka da’ay uu Gidaar Ku soo Dumiyey iyo Qof Kale oo Dhaawac ah DAAWO

Burco 23. May 2017 (SDN/QJ):-Allah ha u naxariistee  hooyo Aamina Cali Nuur ayaa ku geeriyootay roob xoog lahaa oo muddo kooban ka da’ayey magaalada burco Gaar ahaan Gelinkii Danbe. Marxuumada ayaa Geeriyootay Kadib Markuu roobku ku soo Dumiyey dhismayaal uu ka mid yahay gidaarka Garoonka kubada cagta ee Alamsay Stadium ee Magaalada Burco, gidaarkaas oo…

Read More

Xoghayaha Dawlada Hoose ee Hargaysa oo Shaqada Ka Joojiyey Mas’uul la Sheegay Inuu Dukumanti Dawladeed Ku hor Jarjaray!!

Hargaysa 23. May 2017 (SDN/QJ):- Xoghayaha fullinta Dawladda Hoose ee Caasimadda Hargaysa, Cali Xasan Cawaale, ayaa Shaqadii ka joojiyay Agaasimihii maamulka Dawladda Hoose, Maxamed Maxamuud (Maxamed Roodhi), kadib markii sida lagu eedeeyay uu ku dhaqaaqay falal isugu jira Anshax-darro iyo Musuq-maasuq sida noo caddeeyeen Saraakiil ka tirsan Maamulka dawladda hoose ee magaaladda Hargaysa. Agaasime Roodhi,…

Read More

Xukuumadda Federaalka Somalia oo Ku Eedaysay Maamul Goboleedka Punt Land inay Ka Baxeen Heshiis ay Wada Galeen DAAWO

Muqdisho 23. May 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Kalluumeysiga Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Cabdi Xaashi ayaa ku eedeeyay maamul goboleedka Puntland in ay fashiliyeen shir muhiim ahaa oo ay uga qeyb gali lahaayeen Jaziirada Seychelles. C/raxmaan Cabdi Xaashi ayaa sheegay in ujeedka shirka Seychelles uu ahaa in lagu saxiixo heshiiskii qabyada ahaa ee la gaaray, maamulka Punt land…

Read More

Madaxweyne Farmaajo Oo Kulan la qaatay Madaxweynaha Maraykanka Mr Donald Trump Iyo Waxyaabihii laga wada Hadlay DAAWO

Riyadh 23. May 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo ku sugan dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa halkaasi kulan kooban kula qaatay Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump.   Kulanka kooban ee dhax maray labada Madaxweyne ayaa intiisa badan looga hadlay dagaalka kooxda Al Shabaab ka wado Soomaaliya iyo sidii Dowlada Mareykanka gacan uga…

Read More

Wasiir Ka Tirsan Dawladda Federaalka Somalia oo Luuqad adag Kula Hadlay Xildhibaano Sheegay inay Maamuus ka Xayuubin Ku samayn doonaan Madaxweyne Farmaajo

Muqdisho 23. May 2017 (SDN/QJ):- Waxaa baryahaan bilowday guux ay wadeen dhowr qof oo siyaasiyiin ah oo ka waday dalka dibaddiisa shir albaabada u xiran yihiin kuna dhawaaqeen in uu cadadkooda ahaa 80 siyaasiyiin ah, kuwaasoo diiday in la sawiro shirkooda. Goob jooge xildhabaan ah oo shirka u tagay inuu u kuur galo hadafka laga…

Read More

Al-shabaab Oo Soo Bandhigtay Muuqaalka Askari Kenyan Ah Oo Ka Mid Ah 11 U Afduuban

Ceel-Cade 23. May 2017 (SDN/QJ):- Kooxda Al-shabaab, ayaa Shalay baahisay muuqaalka askari ka tirsanaa ciidamadda Kiiniya oo  bishii January ee sanadkii hore ay nolol ku qabteen, ka dib markii ay weerareen saldhig ay ku lahaayeen degaanka Ceelcadde ee gobolka gedo ee Dalka Soomaaliya. Askarigan oo lagu magacaabay Alfred Danyi wuxuu ka mid ahaa 11 askari…

Read More

Waddan Mamnuucay In Heesta Calanka Loo Adeegsado Xafladaha Iyo Xayeysiisyada

China 23. May 2017 (SDN/QJ):- Dalka Shiinaha ayaa mamnuucay in heesta calanka loo adeegsado xafladaha sida aroosyada ama kuwa gaarka, sida lagu qoray go’aamo baarlaamnku ansixin doono Go’aamada cusub ee Shiinaha ayaa lagu sheegay inay waajib ku tahay qof kastoo jooga goobta laga qaadayo heesta calanka inuu si qiiro leh ula socdo qiimaheeda, una qadariyo….

Read More

Boqorka Dalka Holland Oo Shaqo Aan Shacabkiisu Ogeyn Qaban Jiray Mudo 21 Sano ah

Holland 23. May 2017 (SDN/QJ):- Boqorka dalka Holland, Willem-Alexander ayaa la sheegay inuu muddo 21 sannadood si qarsoodi ah ugula shaqeyn jiray shirkadda Diyaaradaha KLM duuliye diyaaradeed, aanu shacabka dalkaasi ogeyn. Boqorka Holland ayaa qisadan markii ugu horeysay doraad ku sheegay wareysi telefishanka Holland la yeeshay inuu shaqada duuliyenimada oo hiwaayadiisa ahayd ku caawin jiray…

Read More