CRISIS GROUP oo ka digtay xasilooni-darada Somaliland wajahayso oo alShabaab ka faa’iidayso

Hargeysa. 11 November, 2022. (QJ)- Hay’adda Xasaradaha Dunida ee Crisis Group ayaa warbixin dheer kasoo saartay xaaladda siyaasadeed ee Somaliland iyo khilaafka cakiran ee jira imika. Crisis Group waxay ku baaqaysaa in beesha caalamku ay xal u keento khilaafka jira, maadaama ay dhinacyadu hore ugu fashilmeen wada hadladii ay galeen. Nabadda lagu keenay dhabaha adag…

Read More

Soo dhawayntii ugu ballaadhnayd oo mucaaradka Somaliland Hargeysa loogu sameeyay

Hargeysa. 10 November, 2022. (QJ)- Magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland waxa si aan hore loo arag loogu soo dhaweeyay saraakiisha mucaaradka Somaliland iyadoo murashaxa madaxweyne iyo gudoomiyaha xisbiga Waddani ay weftigaas hor kacayeen. Kumanaan iyo kumanaan ka mid ah taageerayaasha mucaaradka ayaa bariga Hargeysa kusoo dhaweeyay madaxda Xisbiga Waddani. Murashaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani Cabdiraxmaan…

Read More

Muuse Biixi oo bilaabay majare-habaabin kale iyo waxa ay tahay

Hargeysa. 9 November, 2022. (QJ)- Madaxweynaha Somalialnd ayaa mar kale bilaabay in uu majare habaabiyo dhinacyada daneeyayaasha doorashooyinka Somaliland, isagoo dhinac walba war gaar ah u sheegaya. Tusaale ahaan, Beesha Caalamka wuxuu muuse Biixi shalay ku yidhi ” waxaan qabanayaa labada doorasho anoo raacaya jadwalka doorashooyinka, waxaanana ku qabanayaa muddo 9 bilood ah”. balse balan…

Read More

Maxay alShabaab ka tidhi magaca cusub ee ay dawladdu ku baaqday in loogu yeedho

Muqdisho. 9 November, 2022. (QJ)- Kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya ka dagaalanta ayaa diiday u adeegsiga magaca “Khawaarij” ee dowladda federaalka Soomaaliya ay shaacisay– iyada oo ku tilmaamay erey meel ka dhac ah oo macneheedu yahay koox qalloocan oo xag-jir ah, sida ay BBC Monotoring ka soo xigatay warbaahina Al-Furqaan. Dowladda Soomaaliya ayaa mamnuucday adeegsiga magaca Al-Shabaab,…

Read More

AlShabaab oo deegaano kale lagala wareegay iyo faahfaahinta

Muqdisho. 8 November, 2022. (QJ)- Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa Galabta la wareegay gacan ku heynta deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud oo fadhiisin muhiim ah u aheyd Al-shabaab. Dagaal culus ayaa la sheegay iney ciidamada iskaashanaya kula wareegeen deegaanka Wabxo, kadib afar jiho ah oo ay ka galeen ciidanka deegaanka Wabxo,…

Read More

Bangiyada Somaliland oo lacago badan lagala baxay iyo mashaariicda oo istaagay

Hargeysa. 8 November, 2022. (QJ)- Gudaha Somaliland waxa sii kordhaya dadka lacagaha kala baxaya bangiyada iyadoo lacago badan ay dadku la baxayaan kana cabsi qabaan xaaladda dalka wixii ka danbeeya 13 November oo muddo xileedka madaxewynaha ku eg. Madaxda bangiyada qaarkood oo warbaahinta Qurbejoog ay waraysatay waxay noo sheegeen in xaaladdu ku adag tahay isla…

Read More

Beesha Caalamka oo Muuse Biixi fartay in la qabto doorashadii madaxtooyada

Hargeysa. 8 November, 2022. (QJ)- Beesha Caalamka ayaa u sheegtay madaxweynaha Somaliland in loo baahan yahay in la qabto doorashadii madaxtooyada Somaliland, isla markaana xal laga gaadhoo arimaha jira. Beesha Caalamku waxay waydiisay Muuse Biixi mawqifkiisa maadaam wakhtigisu dhammaanayo iyadoo ay soo jeediyeen in xal degdeg la gaadho si doorasho ay uga dhacdo Somaliland. War…

Read More

Dawlada Soomaaliya oo xanibtay lacago ay dhigatay bangiyada dalka

Mogadishu November 07, 2022 (SD) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku guulaysatay inay haatan xanibto akoono maaliyaddeed oo ay kooxda Al-Shabaab ku lahaayeen xawaaladaha iyo bangiyada dalka, sida uu shaaciyey wasiirk ku-xigeenka warfaafinta. Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Caddaala, oo saxaafadda la hadlay ayaa maanta xaqiijiyay in akoonada la xanibay ay ku jirtay lacago faro badna oo kooxda Al-Shabaab…

Read More

Sharaxaad laga bixiyay heshiiska shidaal baarida ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Coastline exploration

Columbus November 06,2022 (QJ) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan sheegtay inay sixiixday heshiisyadii soosaarka shidaalka ee u dhexeeyey dowladda Soomaaliya iyo shirkadda Coastline Exploration, ka dib markii dib loo saxay qodobadii ay dawladdii hore ee Soomaaliya tabashada ka muujisay bishii February ee 2022, xilligaas oo ay dawladda Soomaaliya ku gacansaydhay heshiiska lala galay shirkadda Coastline…

Read More

Waddani oo dhaliishay safarka Agaasime Xergeeye ee dalka Norway

Oslo November 06, 2022 (QJ) – Agaasimaha wasaarada Caafimaadka Somaliland oo boqaanaya dalka Norway ayaa wejahaya eedo la xiriira musuqmaasuqa wasarada iyo safarkiisa. Masuuliyiinta Xisbiga Waddani ayaa qoraal ay kaga hadlayaan safarka Agaasime Xergeeye iyo fadeexada dul hoganaysa saxaafada u gudbiyay. “Ka dib baadhitaano aanu galanay waxaa noo soo baxay in aanu Agaasimaha Guud ee Wasaarada…

Read More

Maxaa kasoo baxay shirkii Muuse Cabdalle oo cabsi hor leh xukuumadda ku noqday

Hargeysa. 6 November, 2022. (QJ)- Shirkii beesha Muuse Cabdalle ee uu kasoo jeedo murashaxa madaxweynaah xisbiga Waddani, Cbadiraxmaan Cirro, ayaa lagu soo afmeeray deegaanka oodanaha ah ee Isku-dar, kaas oo laga galo hal waddao oo kaliya isla markaana aanay ka dhicin moobilada iyo dhammaan ateenada kale. Shirka ayaa xogtiisa aad loo adkeeyay balse warbaahinta Qurbejogo…

Read More

Qorshaha Muuse Biixi ee waxa xigaya wareega Madax-taabashada iyo culaysyada jira

Hargeysa. 6 November, 2022. (QJ)- Madaxweynaha Somaliland ayaya taladu kusoo ururtay kadib Wareega Madax taabashada ee Ururada Siyaasadda oo lasoo afmeeray isla markaana lagu dhawaaqay ururada u gudbay wareega xiga, waxaan hawsha la wareegaya komishanka doorashooyinka. Muuse Biixi ayaan xeer u haynin doorashada ururada ee uu doonayo in lasoo horaysiiyo xili muddo xileedkiisuna uu dhammaanayo…

Read More

Ciidamada Soomaaliya oo deegaano Hiiraan ah kala wareegay al Shabaab

Muqdisho. 6 November, 2022. (QJ)- Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal ciidamada dib u xureynta deegaanka ee Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ku dhexmaray deegaanada Dhoqor iyo Baareey oo dhinaca Koonfureed kaga beegan magaalada Baledweyne ilaa 27 KM, waxaana dagaalka uu yimid kadib markii ciidamada dib u xureynta deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda ay weerar ku…

Read More

Ururada kusoo baxay Wareega Madax-taabashada ururada siyaasadda Somaliland oo la shaaciyay

Hargeysa. 6 November, 2022. (QJ)- Guddida Diwaangelinta iyo Furista Ururada Siyaasadeed ee Somaliland ayaa maanta soo saartay liiska ururada ka gudbay wareega madax taabashada ee ururada siyaasadda, kaas oo todobaadadii lasoo dhaafay lagu tartamaay gudaha Somaliland. Ururada kala ah, Ururka Shacabka, Ururka Waaberi, Ururka Hillaac, Ururka Rejo, Ururka Barwaaqo, Ururka Mideeye, Ururka Ogaal, Ururka Horseed…

Read More

Qarax ismiidaamin ah oo lala beegsaday xero ciidanka lagu tababro

Mogadishu November 05, 2022 (QJ) – Ismiidaamin uu fuliyay ruux waxyaabaha qarxa soo xirtay ayaa goordhaw ka dhacay xerada ciidamada lagu tababaro ee loo yaqaan Nacnac oo ku taalla degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. Ruuxan isqarxiyay ayaa bartilmaansaday dhallinyaro la sheegay saf ugu jireen si ay u galaan gudaha xerada Nacnac si ay halkaasi tababar ciidan…

Read More