Gudida Arimaha Bulshada Guurtida Oo  Kormeer Ku Tagay Qaybo Ka Mid Mashruuca Biyo Balaadhinta Caasimada Hargeysa DAAWO

Hargaysa 18. December 2017 (SDN/QJ):-Xubno ka mid ah Guddi-hoosaadka Golaha Guurtida gaar ahaan Gudida Arimaha Bulshada iyo Maareeyaha Wakaalada biyaha Hargeysa ayaa, soo kormeeray habsami u socodka barkadaha loogu talogalay in ay caasimada u qaybiyaan Caasimada Hargeysa Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md. Maxamed Cali Daarood oo faahfaahin ka bixiyey kormeerkooda shalay ay ku mareen berkadaha…

Read More

Madaxweyne Muuse Biixi oo Kulan La Qaatay Ugaaska Guud ee Beel-weynta Ciise iyo Xubno Kamid ah Gendaha Beeshaas SAWIRO/DAAWO

Hargaysa 18. December 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan gaar ah la qaatay ugaaska guud ee beelweynta Ciise Ugaas Mustafe Maxamed Ibraahim iyo xubno kamid ah gole-dhaqameedka Gendaha loo yaqaanno ee ay beeshaasi caanka ku tahay. Kulankan oo ka dhacay xarunta aqalka madaxtooyada Somaliland maanta, ayaa waxa madaxweynaha ku wehelinayey madaxweyne…

Read More

Wasiir Maxamuud Xaashi Iyo Wasiiru-dawlihii Madaxtooyada Oo Xilkii Wasaaradda Madaxtooyada Ku Wareejiyey Agaasimaha Guud Ee Madaxtooyada Marwo Khadra Xaaji Gaydh SAWIRO/DAAWO

Hargaysa 18. December 2017 (SDN/QJ):-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Madaxtooyada JSL Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Wasiiru-dawlihii hore ee Madaxtooyada, ahna wasiir ku xigeenka  cusub ee Wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta, Mudane Maxamed Muuse Abees, ayaa xilalkii Wasaaradda Madaxtooyada JSL maanta oo ay taariikhdu tahay 18-12-2017 ku wareejiyey Agaasimaha guud ee Madaxtooyadda marwo Khadra Xaaji Gaydh….

Read More

“Talaabada Ugu Haraysa Ee Aan Barito Qaadayaa Waxaa Weeye In Aan Shaqaalaha Guno U Sameeyo, Waxaanan Ka Tagayaa…” Wasiir Axmed Muumin Seed DAAWO

Hargaysa 18. December 2017 (SDN/QJ):-Wasiirka Cusub ee Horumarinta Wasaaradda Beeraha Somaliland Mudane Axmed Muunin Seed ayaa xilkii Wasiir nimo kala wareegay wasiirkii hore ee wasaaraddaasi waxaanu wasiirka cusubi farxad galiyay shaqaalaha xaruntaasi oo uu u balan qaaday in uu guno u samayn doono ka dibna uu talaabo wanaagsan oo dhinaca horumarinta beeraha ah ay qaadi…

Read More

Wasiiru-dawlihii Wasaaradda Caafimaadka Oo Ka Hadlay Tuhunno Ka Dhashay Gaadiid Burco Lagaga Xidhay Xaglo-toosiye

Hargaysa 18. December 2017 (SDN/QJ):-Ka dib, markii dhowr Maalmood ka hor Magaalada Burco lagu xidhay laba Gaadhi oo Wasiirkii hore ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) u diray Magaalada Laascaanood iyo Dirawalladii wadayba, ayaa waxa soo baxay warar kala gedisan, kuwaasi oo qaarkood sheegayaan in Wasiirku uu Gaadiidkan oo Dawladdu lahayd ula goosanayey…

Read More

Taliska Ciidanka Booliska Somaliland oo Sheegay inay Maxkamad horgaynayaan C.raxmaan Dabcasar DAAWO

Hargaysa 18. December 2017 (SDN/QJ):-Ciidamada Booliska Somaliland waxay sheegeen in ay gacanta ku hayaan Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xaaji (Dabcasar) isla markaana ay maxkamad hor keeni doonnaan. Afhayeenka ciidanka booliska Somaliland Gaashaanle Sare Faysal Xiis Maxamed ayaa sheegay in Dabcasar lagu soo eedeeyay danbi ka dhan ah qarannimada Somaliland. Sidoo kale, Afhayeenka ciidanka boolisku waxa uu waxba…

Read More

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Xilalkii u Kala Wareejiyey Wasiir ku Xigeenkii Hore ee Wasaaradaasi Iyo Wasiir Ku Xigeenka Cusub ee loo Magacaabay DAAWO

Hargaysa 18. December 2017 (SDN/QJ):-Wasiirka Wasaaradda arrimaha Dibadda Somaliland ayaa si rasmi ah Xilkii ugu Kala Wareejiyey Wasiir Ku Xigeenkii Hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iyo Wasiir Ku Xigeenka Cusub ee Madaxweyne Muuse Biixi u Magacaabay Wasaaradaasi.

Read More

Madaxweyne Farmaajo oo Xabsiga Dhigay Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Qorshaha Dawladda Fashilantay!!

Muqdisho 18. December 2017 (SDN/QJ):-Ciidammada Ammaanka ee Dawladda Federaalka, ayaa xalay u dhacay oo xidhay siyaasi ka mid ah kuwa dhalliishan Siyaasadda Dawladda Soomaaliya, waxaana Amarka Xadhiggiisa bixiyey sida la sheeagy Farmaajo iyo Khayre oo Hoggaamintoodu u muuqato mid fashil ku dhammaanaysa. Cabdiraxman Cabdishakuur, ayaa Ciidanka Ammaanka ay xalay ka kaxeeyeen gurigiisa oo Magaaladda ku yaalla. Wax…

Read More

Dhaarintii Shalay ee Golaha Wasiiradda Xukuumadd Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo La soo Bandhigay Galdalooliyinka Sharci ee Ka Muuqday DAAWO

Hargaysa 17. December 2017 (SDN/QJ):-Fadhi ay Shalay ku Kulmeen Xubnaha Golaha Wasiiradda Cusub ee Somaliland oo uu shir gudoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu dhaariyey Xubnaha Golaha Wasiiradda Cusub inay Xafidaan Sirta qaranka. Hadaba dhaarintaasi shalay ee golaha wasiiradda ayaa la sheegay inay ka muuqtay gal daloolo sharci.   https://www.youtube.com/watch?v=pzLg0_9_Lj4

Read More

Shacabka Somaliland Maxay ka yidhaahdeen Xukuumadda uu soo dhisay Madaxweyne Muuse Biixi? DAAWO

Hargaysa 17. December 2017 (SDN/QJ):-Qaar ka tirsan Dadweynaha ku dhaqan inta badan magaalooyinka waawayn ee Somaliland, ayaa Aragtidooda ka dhiibtay Golaha Wasiirrada Xukuumaddiisa cusub ee uu soo magacaabay Khamiistii toddobaadkan Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxaanay Dadka qaarkood soo jeediyeen Talooyin iyo Tabashooyin, iyaga oo muujiyey Rejada ay ka qabaan Hoggaaminta Madaxweyne…

Read More

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya oo Baarlamaanka ka Dalbaday in Xilka laga Qaado Xildhibaanno Dacwad Halisa lagu Oogayo & Magacyadooda DAAWO

Muqdisho 17. December 2017 (SDN/QJ):-Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliya Dr. Axmed Cali Daahir, ayaa Shaaciyey Magacyada laba Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo uu Shir-guddoonka iyo Xildhibaannada Baarlamaanka ka dalbaday in Xasaanadda Xil-dhibaannimo laga xayuubiyo, si loogu oogo Dacwad ka dhan ah Dembi Qaran-dumisnimo iyo Khiyaamo Qaran ah oo uu ku eedeeyey…

Read More

Maxaad ka Taqaannaa Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Somaliland Yuusuf Maxamed? Muxuuse Ballan-qaaday? DAAWO

Hargaysa 17. December 2017 (SDN/QJ):-Yuusuf Maxamed Cabdi Raage, waa Wasiirka cusub ee Horumarinta Wasaaradda Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland uu u magacaabay Khamiistii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa ah Nin Dhalinyarada Aqoonyahanka ah ee Reer Hargeysa ka tirsan. Waxa uu ka soo shaqeeyey 18-kii sano ee u dambeeyey Wasaaradda Maaliyadda, Golaha Wakiillada Somaliland, Hay’ado Madax-bannaan oo Waddani…

Read More

Dadweynaha Reer Burco Maxay Ka yidhaahdeen Wasiirka Madaxweyne Muuse u Magacaabay Horumarinta Maaliyadda? DAAWO

Burco 17. December 2017 (SDN/QJ):-Qaar ka tirsan Dadweynaha ku dhaqan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, ayaa Aragtidooda ka dhiibtay sida ay u arkaan iyo rejada ay ka filayaan Wasiirka cusub ee Horumarinta Maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi oo uu Xilkaas Khamiistii u magacaabay Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Dad kala duwan oo Dhalinyaro…

Read More

Dhaartii Madaxwayne Muuse Biixi Ee Aan Dhaboobin Iyo Muddo 21 Cisho Ah Oo Ka Soo Wareegtay Iyo Masuul Sheegaya DAAWO

Hargaysa 17. December 2017 (SDN/QJ):-Madaxwynaha Cusub ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hor intii aan loo dhaarin kursiga ugu sareeyay taladda somaliland waxay ay goob xabaala  ku kulmeen Musharaxii Xisbiga waddani waxaana  uu Muuse  Biixi isagoo xiligaasi siyaasadaysan u dajinaya xaaladii taagnayd ayaa uu wakhtigaasi dhaar ku maray in uu ka Madaxwayne ahaan…

Read More

Madaxweyne Muuse Biixi oo Magacaabay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Iyo Madaaradda

Hargaysa 17. December 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha JSL Md: Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta digreeto madaxweyne  ku magacaabay duuliye sare Cabdi Maxamed Rodol in uu ahaado maareeyaha Hay’adda Duulista iyo madaarada ee dalka. Digreetada Madaxeynaha ayaa u dhignayd sidan:- Markuu Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad; Xarafka (Kh); Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Hay’adda Duulista iyo…

Read More