Wasiir Socod Barad Ah Oo Ka Tirsan Xukumadda Siilaayo oo Adeerkii Jaahil Siyaasada Ku Fashilmay Ku Tilmaamay iyo Weedho Warbaahinta la isu mariyey DAAWO

Hargaysa 15. October 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Raad-baradka ah ee Dalxiiska ayaa Weeraray Siyaasi Maxamuud Cabdilaahi Xarbi oo adeer ugu toosan, siyaasagan ayaa dhawaan sheegay in uu ka baxay xisbiga kulmiye. https://www.youtube.com/watch?v=kqJ6MvJoXtk https://www.youtube.com/watch?v=KWXszgSZNQ0

Read More

Guddoomiye Axmed-Yaasiin oo ku Taliyay inaan Tartanka Doorashada Loo Fahmin Cadaawad

Hargaysa 15. October 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda  Somaliland, Md.  Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle,  ayaa ku dooday  inaan cadaawad loo arkin  tartanka doorashada madaxtooyada ee Somaliland ka qabsoomaysa 13-ka  bisha Nofember ee fooda innagu soo haysa.  Waxa kaloo uu sheegay inay xisbi ahaan ka go’an tahay inay mar labaad ku guulaystaan…

Read More

Deegaano Laga jaray Degmadda Sheekh oo La Raaciyey Magaaladda Berbera DAAWO

Berbera 15. October 2017 (SDN/QJ):- Mas’uuliyiinta Gobolka Saaxil,Kuwa Degmadda Berbera iyo Mas’uuliyiin kale oo Weheliya ayaa Kormeer ku soo Maray Deegaanada Laalays, Biyooley iyo Deegaanka Tuulo dhibiijo ee Gobolka Saaxil iyagoo Kulamo xogwaraysi ah la yeeshay Bulshada ku dhaqan Jiidahaas. https://www.youtube.com/watch?v=v7rRDsMFNcc&feature=youtu.be

Read More

Xogo Hoose Oo Tibaaxaya In Masuuliyiintii Ugu Tirada Badnayd Ee Ka Soo Jeeda Galbeedka Burco Ay Maalmaha Soo Socda Xukuumadda Iska Casilayaan Kuna Biiraya Xisbiga WADDANI & Xaraarada Siyaasada Dalka oo Halkii u Saraysay Maraysa!!

Hargaysa 15. October 2017 (SDN/QJ):- Warar lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyay in maalmaha soo socda ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iska Casili doonaan Masuuliyiin tiro badan oo ka soo jeeda Beesha Galbeedka Burco Iyo Koonfurta iyo Bariga Hargeysa islamarkaana ay ku biiri doonaan Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI. Wararkan oo aanu ka helnay Illo u dhuun…

Read More

Dawlada Qatar oo Tababar siisay Dublamaasiyiin ka Socday Somalia & Culuunta Lagu Tababaray DAAWO

Doha 15. October 2017 (SDN/QJ):- Diblumaasiyiin ka socday Dawladda Soomaaliya ayaa Tababar loogu soo xidhay magaalada Doha ee Caasimadda dalka Qadar, Waxayna intii uu Tababarku u socday ka Faa’iidaysteen Casharo kala duwan oo la Xidhiidha Siyaasadda Arimaha debeda iyo sida Dalalka Horumaray ay u Maareeyaan. Tababarkan ayaa sidoo kale waxaa ka Faa’iidaystay Diblumaasiyiin ka socday…

Read More

Xarunta Madaxtooyadda Somaliland oo amartay inaan Xildhibaan Axmed Nacnac aanu soo Geli Karin kadib markii uu ka baxay Xisbiga Kulmiye

Hargaysa 15. October 2017 (SDN/QJ):- Madaxtooyada Somaliland ayaa la sheegay in laga mamnuucay in uu gudaha u galo Xildhibaan Axmed Diiriye Nacnac ka dib markii Khamiistii uu ku dhawaaqey in uu ka baxay xisbiga Kulmiye kuna biiray Waddani . Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in go,aankan lagu war galiyey ciidamada amaanka ee ilaaliya madaxtooyada oo…

Read More

Gudoomiyaha Gobolka Saaxil oo ka Hadlay  Qoxoonti ka Yimid  Yemen oo Laga Celiyay  Berbera

Berbera 15. October 2017 (SDN/QJ):- Shan qof oo qoxoonti u dhashay dalka Yemen ayaa doraad dib loogu celiyay markabkii ay saarnaayeen oo ku soo xidhay dekedda Berbera, kuwaasoo weli ku xaniban markabka dushiisa.Kuwaas iskugu jiray dhallinyaro iyo caruur ay diiftii qoxoontinimadu ka muuqatay. Sababta loo celiyay shantan qof ayaa badhsaabka gobolka Saaxil Jaamac Yuusuf Axmed, …

Read More

Hay’adda Xuquuqda Aadamaha oo Qaramada Midoobay u soo Jeedisay Inay Ciidamo gayso Gobolka Rokhina ee Muslimiinta Myanmar

New York 15. October 2017 (SDN/QJ):- Afhayeen u hadlay Hay’adda Qaramada midoobay u qaabilsan ilaalinta xuquuqda Aadamaha ee (Human Rights Watch) Mr: Robet Kolfil, ayaa ku dhawaaqay in ciidamo nabad ilaalin ah loo diro gobolka Rakhiin ee dalka Mayarmar si nabad galyada loo soo celiyo. Mr: Robet Kolfil waxa uu intaasi ku daray in ay…

Read More

Hogaamiyaha Mucaaridka Kenya oo ku adkaystay inuu ka hadhayo Tartanka Doorashadda ee Dabayaaqada Bishan dhici doona

London 15. October 2017 (SDN/QJ):- Hogaamiyaha mucaaridka Kenya ugu awood badan Mr: Rayle Odinge oo ku sugan magaaalda London ee dalka Ingiriiska, ayaa mar kale difaacay go’aankiisa uu kaga baxay tartanka doorashada madaxtinimo ee loo balansan yahay bishan lix iyo labaatan keeda. Mr: Rayle Odinge waxa uu sheegay in doorasho cidda ku guulaysanaysa la sii…

Read More

Sirdoonka Ruushka oo lala Xidhiidhinayo inay Xadeen Siro ku saabsan amniga Guud ee Qaranka Maraykanka!!

Washington 15. October 2017 (SDN/QJ):- Laba wargeys oo ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa baahiyey in sannadkii 2015 ka ay kooxo ka mid ah sirdoonka dhinaca internet ka ee dalka Ruushku ay xadeen siro culus oo ku kaydsanaa kombiyuutarrada aadka loo ilaaliyo ee wakaaladda maniga Qaranka Maraykanka. Wargeyska Wall Street Journal ayaa isaga oo soo…

Read More

Wuxuu Xaaskiisa ka Badbaadiyey Xasuuqii ka Dhacay Las Vegas Hasa yeeshee Isagii ayaa Ku Naf waayay!!

Las Vegas 15. October 2017 (SDN/QJ):- Arbacadii toddobaadkii hore waxaa talefishanka Maraykanka ee NBC u warrantay Haydar Golish oo ah haweenay uu qabay nin ka mid ah dadkii ku dhintay weerarkii dhowaan uu ninka hubaysani dadka badan ku laayey magaalada Laasfeegaas ee dalka Maraykanka. Haydar inta ay warramaysay marar badan ilmada ayaa ay xejin kari…

Read More

Gabadh Geeriyootay Kadib markii ay Shaqaysay 159 Saacadood oo Dheeraad ku ah Saacadihii Shaqada

Japan 15. October 2017 (SDN/QJ):- Saxafiyad u dhalatay dalka Jabbaan oo 31 jir ahayd ayaa afar sano ka hor u dhimatay sababo aan markaas dabiici loo qaatay, laakiin dhowaan ehelkeeda iyo duniduba ogaadeen in sababta dhimashadeedu ay la xidhiidho shaqadeeda warfidiyeennimo, oo ay kala kulantay culays badan oo shaqo. Gabadhan ayaa la ogaaday in bishii u…

Read More

Madaxweyne Adduunka Caan ka ah oo Jaggo  Eedadii Haysay  Ku Bedelay Walaashii!!

Byonyang 15. October 2017 (SDN/QJ):- Mid kamid ah madaxweyneyaasha waqtigan caalamka caanka ka ah ayaa eedadii oo kamid ahayd xubnaha sar sare ee xukuumada wadankiisa ku bedelay walaashii, isaga oo xilkaasi ka qaaday eedadii. Madaxweynaah Kuuriyadda Waqooyi Kim Jong Un ayaa walaashii oo lagu magcaabo Kim Yo Jong  u dalacsiiyey una magcaabay xubin kamid ah …

Read More

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo ka digay saldhiga Turkiga uu ka dhisanayo Soomaaliya

Hargaysa 14. October 2017 (SDN/QJ):-Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng:Faysal Cali Waraabe ayaa ka digay saldhiga Militari ee Turkigu ka dhistay magaaladda Muqdisho ee Soomaaliya, waxaanay sheegay in saldhigaasi khatar ku yahay geeska afrika. Faysal Cali Waraabe ayaa sidaas ka sheegay mar uu maanta ka soo degay madaarka Hargeysa, isagoo ka soo laabtay safar…

Read More

Dad 30 Ka badan oo Ku Dhintay iyo illaa Boqol Qof oo Ku Dhaawacmay Qaraxyo Muqdisho Gilgilay – Warbixin

Muqdisho 14. October 2017 (SDN/QJ):-Ugu yaraan 30 Ruux, ayaa lagu soo warramayaa inay ku nafwaayeen oo ku dhinteen laba Qarax oo ka dhacay Galabta Muqdisho, halka ay Dad Tiradooda lagu sheegay illaa Boqol Ruux oo kale lagu soo warramayo inay ku dhaawacmeen Tiro badan oo kalena ku dhaawacmeen. Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ee Caasimadda…

Read More

Masuuliyiin, Xildhibaano & Odayaal dhimasho & dhaawac uu ka soo gaadhay Qaraxii Zoope ee Magaaladda Muqdisho (Akhriso Magacyadooda)

Muqdisho 14. October 2017 (SDN/QJ):-Waxaa weli isa soo taraya faahfaahinta ku saabsan qaraxii weynaa ee maanta ka dhacay isgoyska Zoope ee magaalada Muqdisho kaasoo galaaftay nolosha dad badan, halka qaar kale oo ka sii badana ay isbitaalada caawa ugu hoyanayaan dhaawacyo kala duwan. Masuuliyiin ka tirsan xukuumada Somalia ayaa ku naf waayey qaraxaas, waxaana ka…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo magacaabay Guddiga Dib-u-habeynta Agaasimeyaasha guud ee Wasaaradaha Dawlada Somalia

Muqdisho 14. October 2017 (SDN/QJ):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta magacaabay guddiga dib-u-habeynta Agaasimeyaasha guud ee Wasaaradaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Guddigan ayaa waxaa hoggaaminaya Ra’iisul Wasaare k/xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), waxana ay isugu jiraan shan (5) Wasiir iyo shan (5) xubnood oo ka imaanaya ururrada…

Read More