Xukuumadda Somaliland Oo Soo Bandhigtay Fursado Shaqo Oo 30 Kaalmood Ah Oo Si Furan Loogu Tartamayo DAAWO

Hargaysa 14. May 2017 (SDN/QJ):-Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawlada Somaliland Mudane Sharmaarke Maxamed Geelle ayaa maanta ku dhawaaqay in Xukuumadda Somaliland hayso oo ay bulshada usoo bandhigayso fursado shaqooyin cusub oo ka kooban soddon kaalmood, isla markaana si furan oo caddaalad ah loogu tartami doono fursadahaasi shaqo.

Read More

Madaxweynihii 39 Jirka ahaa ee Dalka Faransiiska oo Maanta Xilkii Loo Dhaariyey,Beri oo uu Raysal Wasaare Magacaabi Doono Iyo Waxa Ugu Muhiimsanaa ee Maanta Lagu Wareejiyey SAWIRO

Paris 14. May 2017 (SDN/QJ):- Manual Macron, oo 39 jir ah ayaa si rasmi ah loogu wareejiyey Madaxweynanimada Dalka faransiiska, ka dib munaasabad balaadhan oo axadii maanta ka dhacday Qasriga Elysée ee Magaalada Paris, waxaana xilkaa wareejiyey Madaxweynahii hantiwadaaga ahaa ee fransua Holland. Macron waxa uu noqonayaa Madaxweynahii ugu da’da yaraa ee soo mara jamhuuriyada…

Read More

“Caalamka Ka Garowsan Mayno Ninna Waanu Soo Hubaynaynaa Si Uu Kuu Qabsado Adna Sii Hurud, Taasina Socon Mayso Nabadna Lagu Heli Maayo….” Muuse Biixi Cabdi DAAWO

Hargaysa 14. May 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa duullaan lagu soo qaaday Jamhuuriyadda Somaliland ku tilmaamay natiijada shirkii dhawaan Soomaaliya loogu qabtay magaalada London ee carriga Ingiriiska, kaas oo lagu lafo-guray sidii cuno-qabaynta looga qaadi lahaa Soomaaliya. Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi oo hadal ka jeediyey xaflad…

Read More

Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo Mar Kale Sidii Caaddada u ahayd Weeraray Xisbiga Waddani iyo Hogaankiisa DAAWO

Hargaysa 14. May 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Md. Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani), ayaa muujiyey sida uu xisbiga KULMIYE ugu guulaystay qancinta iyo soo jiidashada shacabka ku dhaqan deegaannada Somaliland, isla  markaana xisbiga iyo xukuumaddiisu heegan ugu jiraan inay ku tallaabsadaan waxqabad muuqda oo suurtogelin kara inay bulshadu mar labaad xisbiga…

Read More

Hees Cusub Oo Fannaanada SAHRA HALGAN Ugu Dabbaal-degayso Xuska 18-ka May DAAWO

Hargaysa 14. May 2017 (SDN/QJ):- Fannaanada Caanka Sahra Axmed Cabdillaahi (Sahra Halgan), ayaa soo saartay Hees cusub oo ay ugu Talo-galay Dabbaal-degga 26 Guurada Madax-banaanida Somaliland oo Sannad walba la xuso 18-ka bisha May.   Heestan oo uu Curiyey Abwaan Maxamed Caddaani, ayaa waxa Sahra Halgan la qaadaya Marduuf oo ka mid ah Bahda Fanka…

Read More

Wasiir Cali Mareexaan Oo Siyaasiyiinta Ugu Baaqay in Ay Hadalkooda U Meel Dayaan DAAWO

Hargaysa 14. May 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud,Gaadiidka Iyo Guryaynta Mudane Cali Xasan Maxamed ‘’Cali Mareexaan’’ oo ka Hadlayay Munaasibad ay Xilka kula Kala Wareegayeen Maareeyihii Hore ee Hay’adda Horumarinta Waddooyinka Somaliland iyo Maareeyaha Cusub ee dhawaan Madaxweyne Siilaanyo Magacaabay ayaa Talooyin u soo Jeediyey Siyaasiyiinta dalka.

Read More

Wasiirka Deegaanka Oo La Waydiiyey Sababtay Sida Wasiirrada Kale Uga Dhex Muuqan Wayday Ololaha Xisbiga KULMIYE

Hargaysa 14. May 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa ka jawaabtay Su’aal laga waydiiyey Sababta ay sida Wasiirrada kale ee Xukuumadda uga dhex muuqan wayday Ololaha Xisbiga KULMIYE. Wasiir Shukri waxay sheegtay in Ujeeddada uu Madaxweynuhu u Magacaabay tahay inay Bulshada u shaqeyso oo ay isbeddel…

Read More

Gudoomiyaha Gobolka Sool Iyo Wefti uu Hogaaminayo Oo Kormeer Ku Tegay Deegaano Colaad Khasaare Nafeed Sababtay Ku dhex Martay Laba Beelood oo Gobolkaas wada dega & Ciidanka Qaranka oo Xil la Saaray

Laascaanood 14. May 2017 (SDN/QJ):- Wefti balaadhan oo uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Gobolka Sool Cabdi Khayre oo ay Weheliyaan Saraakiisha ugu Saraysa ee Ciidamada Qaranka ee Ku Sugan Gobolka Sool ayaa Kormeer Waxay Ku Mareen Deegaanada Koonfurta Gobolkaasi ee Bilihii la soo Dhaafay dirirtu ku dhex martay Laba Beelood oo Wada Dega Gobolkaasi. Deegaanada Weftigu Socdaalka…

Read More

Ruushka Iyo Imaaraadka Carabtu Saldhigyo Ma ku Wada Yeelan Karaan Magaalo Xeebeedka Berbera + Wefti Ruushka Ka Socda oo Ku Soo Fool Leh Bebera

Jabuuti 14. May 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire, ayaa la kulmay diblomaasiyiin sarsare oo ka socday qunsuliyadda  Ruushku ku leeyahay Jabuuti.   Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda,  waa weftigii  ugu horreeyay ee Ruushka ka socda ee Somaliland cagaha soo dhigay muddo 38 sannadood ah….

Read More

Sool: Cunno Yaraan Soo Wajahday Qoysas Ku Tiirsanaa Taakulada Guddida Gurmadka Abaaraha

Laascaanood 14. May 2017 (SDN/QJ):- Kumanaan qoys oo ku barakacay deegaannada gobolka Sool, isla markaana ku  xoolo beelay abaarta ba’an ee ka jirta dalka ayaa la sheegay in ay soo wajahday cunno yaraan, kuwaasi oo muddooyinkii u dambeeya noloshoodu ay ku tiirsanayd gargaar ay ka helaan guddida gurmada abaaraha Somaliland. Ku dhawaad ilaa sagaal kun…

Read More

Dowlada Somalia Oo Heegan Buuxa Galisay Ciidamada Amaanka Muqdisho, Maxaa Baqashada Keenay? (Warbixin xasaasi ah)

Muqdisho 14. May 2017 (SDN/QJ):- Dowlada Federaalka ee Somalia ayaa heegan buuxa galisay ciidamada Amaanka ka dib markii uu amar ka soo baxay madaxda sare ee dalka. Mas’uuliyiinta hay’adaha amaanka ayaa heegan galiyay ciidamada Amaanka, iyad oo la fulinayo amar ka soo xarunta Madxatooyada.   Ciidamada amaanka ayaa la geeyay inta badan isgoysyada magaalada Mogdisho,…

Read More

Dowlada Mareykanka oo War kasoo saartay Soomaali ee Dalkeeda kasoo Musaafurisay

Washington 14. May 2017 (SDN/QJ):- Qoraal ka soo baxay Waaxda Fulinta arrimaha socdaalka iyo Kastamada ee ICE ayaa lagu xaqiijiyey celinta Muwaadiniin u kala dhalatay Soomaaliya iyo Kenya, kuwaas oo laga kala dejiyey Nairobi iyo Muqdisho. Qoraalka ka soo baxay ICE ayaa lagu sheegay in hay’addoodu ay Maraykanka ka saartay toddoba qof oo u dhashay…

Read More

Faarax oo ah Ninkii Dilay Agaasime Mursal oo Muuqaal uu kaga hadlayo Dilkaas & Dalabkiisa laga soo duubay DAAWO

Muqdisho 14. May 2017 (SDN/QJ):- Faarax Cali Nuur oo ah Ninkii gacantiisa ku dilay Agaasimihii guud ee Maxkamadda sare ee Federaalka Soomaaliya Mursal Cumar Cismaan oo ay Hay’adda Nabad-sugidda Soomaaliya gacanta ku hayso, ayaa sheegay in uu dilkaas isagu geystay dhawr habeen ka hor, iyaga oo ay ku wada sugnaa Guri ay wada degganaayeen oo…

Read More

99 Dal oo Caalamka ah oo Budhcad ay Weerar Ku Soo qaaday Xogihii Ku Kaydsanaa Computerada ay Adeegsadaan

London 14. May 2017 (SDN/QJ):- Weerrar ballaaran oo dhanka internetka oo la rumeysan yahay in loo isticmaalay qalab laga soo xaday Hay’adda Ammaanka Qaran ee Mareykanka ee NSA ayaa waxaa lagu qaaday hay’ado ku kala yaal daafaha dunida. Shirkadda Avast ee ka shaqeysa ammaanka internet-ka ayaa sheegtay in ay aragtay 75,000 oo kiis oo ah…

Read More