Shirka Golaha Wasiirada Dawlada Federaalka Somalia oo looga hadlay Qorshaha Amniga Qaranka, Abaaraha iyo dardargelinta howlaha dowladda
Muqdisho 15. April 2017 (SDN/QJ):- Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Qorshaha Amniga Qaranka, Abaaraha, iyo dar-dargelinta howlaha dowladda. Ugu horeyn Ra’iisal Wasaaraha ayaa sheegay in golaha looga fadhiyo dardargelinta amniga,…
