Gudoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex Iyo Saraakiil ka Tirsan Wasaaradda Caafimaadka oo ka Hadlay Faafitaanka Cudurka Shuban Biyoodka DAAWO

Hargaysa 04. April 2017 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex oo ay Weheliyaan Madax Ka Tirsan Wasaaradda Caafimaadka oo Kulan Warbaahineed Ku qabtay Xafiiska Maamulka Gobolka ayaa Talooyin Caafimaad u soo Jeediyay qaybaha Bulshada ooo ku Wajahan Shuban ka dilaacay Deegaano ka tirsan Somaliland Kaas oo ay Suurto gal tahay inuu Soo fido.

Read More

Duruufta ay Ku Shaqeeyaan Hawl Wadeenadda Ka Hawl Gala Warbaahinta Qaranka Somaliland Iyo Awaamiir Is burinaya oo Keliftay in Weriyeyaal Shaqada ka Tagaan DAAWO

Hargaysa 04. April 2017 (SDN/QJ):- Warbaahinta ay Xukuumaddu Maamusho ayaa loo arkaa Mid aan u Shaqayn Sidii la rabay Isla markaana Qarisa Xaalado badan oo Somaliland Ku Gadaaman iyadoo ay ugu wacan tahay in aanay Jirin Siyaasad Cad oo Lagu Shaqeeyo Taasina ay Keento in Kolba Mas’uulka haya Xilka Warfaafintu uu aragtidiisa Ku Sarjaro hannaanka…

Read More

Wasaaradda Macdanta Oo Bixisay Ruqsad Ciidda Dooxooyinka Gobolka Selel Loogu Dhoofiyo Dalka Jabuuti, Cabashada Dadweynaha & Xog-warranka Maamulka

Hargaysa 04. April 2017 (SDN/QJ):- Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland, ayaa bixisay Ruqsad Shirkad laga leeyahay Dalka Jabuuti ay Ciidda Niista ah ee loo isticmaalo Dhismaha Guryaha kaga guranayso Dooxooyinka Gobolka Selel ee Somaliland. Gaadiidka waaweyn oo ah nooca loo yaqaanno Iska-Rogooyinka, ayaa si maalin leh Biyo-mareennada ama Dooxooyinka Gobolka Selel ee u dhow Xuduudka…

Read More

Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Oo Gurmad U Dirtay Buuhoodle, Markii 48 Saacadood Gudahood Uu Shuban-biyood Ku Dilay 9 Qof

Hargaysa 04. April 2017 (SDN/QJ):- Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, ayaa xaqiijisay in 48-kii Saacadood ee u dambeeyay uu Cudurka Shuban-biyoodku Magaalada Buuhoodle ku dilay 9 Qof. Wasiiru-Dawladaha Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Maxamuud Aadan Jaamac, ayaa sheegay in Cudurkan oo ka dhashay Abaarta sii daba-dheeraatay uu sababay dhimashada 9 Qof muddo 48 Saacadood gudahood ah, laakiin ay Wasaarad…

Read More

Gudoomiyaha Baarlamanka Somalia Mr Jawaari oo Cadeeyay in Baarlamanka La Hor Keenayo Mooshin Ku Saabsan Saldhiga Mileteri ee Imaaraadku ka Samaysanayo Magaaladda Berbera & Wefti Sare oo Imaaraadka ah oo La Filayo inay Maanta Berbera Yimaadaan

Muqdisho 04. April 2017 (SDN/QJ):-Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sh. Cismaan jawaari ayaa ku dhawaaqay xilliga rasmiga ah ee Baarlamaanka la horgeyn doono ama loo qeybin doono mooshinka ka dhanka ah heshiiska Berbera. Mooshinkan ayaa Loo Qorsheeyay in Golaha Shacabka La hor keeno Maalinta Arbacada ee beri si ay Xildhibaanadu uga doodaan Saldhigga Militari ee uu…

Read More

Somaliland oo Sii daysay 10 Maxbuus oo u Xidhnaa Fal Budhcad Baddeednimo una Dhashay Somalia

Hargaysa 04. April 2017 (SDN/QJ):- Wasaaradda caddaalada ee JSL ayaa amartay in la sii daayo maxaabiis budhcad badeednimo u xidhnaa oo u dhashay wadankaasi Soomaaliya, kuna xidhnaa dalkan JSL.   Sida lagu cadeeyey warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay wasiirka wasaaradda caddaalada Md: Axmed Faarax Cadare, warsaxaafadeedkan waxaa lagu sheegay in maxaabiistan oo tiradoodu gaadhayso 10…

Read More

Itoobiya Oo Dhamaystirtay 57% Ka Mid Ah Biyo-xidheen Ay Ka Waddo Webiga NIIL & Ujeeddada Xaflad Loogu Qabtay Hargeysa

Hargaysa 04. April 2017 (SDN/QJ):- Safiirka dalka Itoobiya u fadhiya jamhuuriyadda Somaliland Brig Gen. Berhe Tesfay ayaa shaaca in shacabka Itoobiya xaqiijiyeen awoodda ay u leeyahiin isticmaalka biyaha webiga ABBAY. Mr. Tesfay oo shalay ka hadlay munaasibad loo qabtay sannadguuradii lixaad ee ka soo wareegtay bilowga mashruuca biyo-xidheenka ABBAY oo  halku-dhigga sannadkan loo qaatay “Sidaan…

Read More

Taliska Sare ee Booliska Kenya oo Shaaciyey inay Baadhis Dhab ah Ku hayaan Laba Dhallinyaro ah oo Si Arxan Daran ay ugu Toogteen Badhtamaha Xaafada Isli ee Magaaladda Nairobi & Arrimo ay Shaki Geliyeen DAAWO 

Nairobi 04. April 2017 (SDN/QJ):- Afhayeenka Ciidanka Booliska Kenya, Charles Owino  ayaa Sheegay in Baadhis lagu hayo Laba Dhallinyaro ah oo si Badheedh ah ay ugu Dhex Dileen Xaafadda Isli ee Magaaladda Nairobi Askar ka Tirsan Ciidanka Loo Yaqaan Flying Squad-ka, Iyadoo Muuqaal Laga duubay Markii uu Mid ka Tirsan Askartu Si Badheedh ah u…

Read More

Laba Xildhibaan oo Ka Mid ah Golaha Deegaanka ee Burco oo Shaaciyey inay Ka Baxeen Xisbiga Kulmiye oo ay ka Tirsanaayeen,Maxaa Ku Kelifay? DAAWO

Burco 04. April 2017 (SDN/QJ):- Wararka ka imanaya degmada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa sheegay in ay laba ka mid ah xildhibaanadii ka soo baxay xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye ay shaaca ka qaadeen in ay gebi ahaanba iska casileen xisbiga KULMIYE. Labadan xildhibaan oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Deegaanka degmada Burco ayaa…

Read More

Maxkamadda Sare ee Ciidamadda Qalabka Sida ee Somaliland oo Xukuno Dil Iyo Xadhig ah ku Riday Askari Dilay Marxuun Dhintay & Xubin Gacan siiyay

Hargaysa 04. April 2017 (SDN/QJ):- Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka sida ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Xukun  dil Toogasho ah waxa ay ku xukuntay Askari hore uga tirsana Ciidanka Qaranka, Siciid Saleebaan shire, oo 35-jir ah, ka dib markii ay cadaatay inuu  dilay Marxuum Bile Sugule Maxamed.     Askarigan oo Dilka ku geystay Magaaladda Laascaanood,…

Read More

Heshiis lagu Wareejinayo Dekadda Boosaaso oo lagu saxiixayo dalka Imaaraatka Carabta

Dubai 04. April 2017 (SDN/QJ):- Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland saacadaha soo socdo u safri doono dalka Imaaraatka Carabta si uu soo saxiixo heshiis uu ku wareejinayo Dekadda magaalada Boosaaso. Cabdiweli Gaas iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa kusii jeeda dalka Imaaraatka Carabta, waxa uuna Madaxweynaha Puntland soo saxiixi doonaa heshiis ay…

Read More

Wasaaradda Duulista Somaliland oo Kaashanaysa Hay’ada Africa Relief oo Kaalmo Raashin ah u Qaybiyey Qoysas Ku Nool Deegaanka Uubaale DAAWO

Hargaysa 04. April 2017 (SDN/QJ):- Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka ayaa Markii labaad u qaybisay Dadka Danyarta ah ee Ku dhaqan Deegaanka Uubaale Raashin deeq ah Kaas oo ay ka Faa’iidaysteen Boqol Qoys. Kaalmadan Raashinka ah oo ay Ku deeqday Hay’ada “African Relief” Kadib Codsi ay Wasaaradda Duulistu u Gudbisay oo ku wajahan Sidii…

Read More

Maamul Goboleedka Punt Land Oo Dhaliilo u Jeediyey Xukuumadda Madaxweyne Farmaajo

Garowe 04. April 2017 (SDN/QJ):-Maamulka Puntland ayaa durba bilawday dhaliisha ay u jeediyaan Dowlada Federaalka Soomaaliya, waxa ayna markan dowlada cusub ku dhaliileyn in aysan si cadaalad ah u qeybin gar gaarka loogu tala galay dadka ay abaarta saameysay. Madaxweyne kuxigeenka Puntland Eng.Cabdixakiim Camey oo Warbaahinta la hadlay ayaa dowlada Federaalka Soomaaliya ku dhaliilay in…

Read More

Haweenay Laxaadka Aragtida Ka Naafo Ah Oo Ku Guuleysatay Cunto Karinta Adduunka

Hargaysa 04. April 2017 (SDN/QJ):- Haddii aad aaminsaneyd in dadka naafada ahi aanay gaadhi Karin guul, taasi waa fikrad loo baahan yahay inaad maskaxdaada ka saarto. Tani waa gabadh Indhoole ah laakiin noqotay gabadha ugu haysata cunto karinta dunida. Gabadhaasi iyo horumarkeeda ayaa fikradaada ka dhigaya mid aan run ahayn oo ka hor imanaysa nolosha…

Read More

Murashaxa Xisbiga WADDANI Oo Kulan La Yeeshay Baarlamaanka Dalka Sweden+SAWIRRO

Stockholm 03.April 2017 (SDN/QJ):-Murashaxa Xisbiga WADDANI ee jagada Madaxweynaha Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo waftigii uu hoggaaminayay ayaa kulan la qaatay Baarlamanaka Dalka Sweden . Kulankan oo ka dhacay xarunta Baarlamaanka Sweden wuxuu Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysa taas oo ay ugu weynayd xaalada abaaraha ku habsaday Dalka Somaliland iyo…

Read More

Soomaaliya: Ra’iisul-wasaaraha oo Soo Saaray Amar Lagu Xoojinayo Isticaalka Afsoomaaliga

Muqdisho 03. April 2017 (SDN/QJ):-Raisul wasaaraha xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa soo saaray amar ku socda wasaaradaha iyo heyadaha kale eee dowlada Soomaaliya. Wareegto ka soo baxay xafiskiisa ayuu lagu faray dhamaan hey’addaha dowladda inay qoraaladooda rasmiga ah ku qoraan Af-Soomaali. Tallaabadan ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ku tilmaamay mid lagu xoojinayo af-Soomaaliga oo muddooyinkii u dambeeyay adeegsigiisu…

Read More