Baarlamaanka Ingiriiska Oo Wasiir Ka Tirsan Xukuumadooda Weydiiyay Inuu Dawlada Somaliland, Imaaraadka Iyo Sucuudiga Kala Hadley Saldhiga Milatari Ee Berbera

London 02. March 2017 (SDN/QJ):- Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska, ayaa xukuumadooda Ingiriiska weydiiyay inay wax wada hadalo ah kala yeelatay masuuliyiinta Somaliland, Imaaraadka Carabta amaba Sucuudiga arrintan ku saabsan saldhiga milatari ee Berbera laga siinayo Imaaraadka Carabta.   Xildhibaan Stephen Doughty oo ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska oo ah xildhibaan taageera qaddiyadda Somaliland, ayaa wasiirka…

Read More

Muddo-Kordhinta Guurtida Oo Xaraaradeedu Liidato, Mallafsigii Madaxtooyada Iyo Xisbiyada Looga Bartay Oo Maqan Iyo Sayladdii Mudaneyaasha Lagu Kala Iibsan Jirey Oo Hagaastay

Hargaysa 02. March 2017 (SDN/QJ):- Muddo-kordhinta ay xilligan golaha Guurtida Somaliland gacanta ku hayaan ee loo samayn doono goleyaasha fulinta iyo wakiillada, ayaa noqotay middii ugu xiisaha liidatay ee abid soo marta dalka, waxana meesha ka maqan xaraaraddii iyo xiisihii ay lahaan jireen kuwii ka horreeyey ee sidan oo kale loogu sameeyey xukuumaddihii kala duwanaa…

Read More

Khudbadii Raysal Wasaaraha Cusub ee Somalia uu Shalay ka Hor Jeediyey Fadhigii Shalay ee uu Ku Hantay Kalsoonida Baarlamanka & Balanqaadyadiisa Waxqabad DAAWO

Muqdisho 02. March 2017 (SDN/QJ):- Ra’iisul wasaaraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa Barlamaanka uga mahadceliyey, una ballan-qaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan uu u soo dhisi doono Xukuumada kaddib wadatashiga shacabiga, sidoo kale Ra’iisul wasaaraha waxa u guud mar ku sameeyey qodobo ay diiradda saari doonto Xukuumaddiisa soo socota. https://www.youtube.com/watch?v=eKtN6ksn5Pk

Read More

Adeeg Caafimaad oo Lacag La’aan ah oo Dhinaca Indhaha ah oo Laga Fuliyey Cisbitaalka Guud ee Hargaysa & Ku Dhawaad 5 Kun oo Qof oo Ka Faa’iidaystay DAAWO

Hargaysa 02. March 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasiiradda Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglo Toosiye ayaa soo Kormeeray Mashruuc adeeg Caafimaad oo dhinaca Indhaha ah oo ay Ka Faa’iidaysteen dad gaadhaya 5 Kun oo Qof oo Laga Fuliyey Cisbitaalka Guud ee Hargaysa.

Read More

Sir La Soo Bandhigay oo Laga Duubay Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Kana Hadlay Cida uu Xisbiga Ku Wareejinayo,Xisbiga Cidii Hore u Lahayd & Qoondada Beelaha uu u Meel Dhigay DHAGAYSO

Hargaysa 02. March 2017 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ahna Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xiligan Mudane Faysal Cali Waraabe ayaa la soo Bandhigay Cod Si Qarsoodi ah looga duubay oo uu Ku Sharaxayo Xisbiga Ucid Cida Hogaankiisa La Wareegi doonta Iyo Saami Qaybsi uu Beelaha Somaliland Qaarkood Siiyay.

Read More

Dawlada Somaliland oo Mastaafurisay Laba Xubnood oo Ka Mid ah Shaqaalaha Hay’adda DRC Kadib Markii ay Ku Xadgudbeen diinta Islaamka DAAWO

Hargaysa 02. March 2017 (SDN/QJ):- Xukuumadda Somaliland ayaa Shaaca Ka Qaaday inay Dalka Ka Mastaafurisay Laba Xubnood oo ka Mid ah Shaqaalaha Hay’adda DRC Kadib Markii ay Ku Gafeen Diinta Islaamka,Sidaana Waxaa Saxaafadda u Sheegay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Mudane Maxamed Ibraahin Aadan ‘’Qabyo Tire’’.

Read More

Idaacada BBC-da oo isla todobaad gudihii khaladkii ugu weynaa ka gashay dawladda Somaliland DHAGAYSO

London 02. March 2017 (SDN/QJ):- Idaacada Bbc,da Laanteeda Afka Somaliga oo mudooyinkii ugu dambeeyey ay si wayn u saluugsanaayeen qaabka ay u shaqayso Shacabka Somaliland,   Marka kale ayaa waxa ay gobol ka mid ah Somaliland ku sheegtey Dalka Somaliya gobolkani oo ah gobolka Awdal ayaa waxay sheegtey in ay qayb ka tahay Somaliya. iyada…

Read More

Cudurka Jadeecada Oo Deegaanka Qorilugud Hal Qof Ku Dilay, Daraasiin Kale Oo U Jiifa Iyo Doorkii Wasaaradda Caafimaadka Oo Gaabis Ah DAAWO

Qorilugud 02. March 2017 (SDN/QJ):- Hal qof, ayaa u geeriyooday xanuunka Jadeecada oo faro baas ku haya dadweynaha ku dhaqan degmada Qorilugud ee gobolka Buuhoodle, waxana ujiifa dad tiradoodu lagu sheegay ilaa 300(saddex boqol) oo qof. Dadkan oo  intood  badan laga soo qaaday deegaannada Miyiga, ayaa waxa ay la deris yihiin xaalad adag, waxana ay…

Read More

Sawir Laga Qaaday Kacbada Barakaysan 63 Sano Ka Hor Oo Muujinaya Quruxda Iyo Haybadeeda!

Makah 02. March 2017 (SDN/QJ):- Waxa jira sawiro aad u muhiim ah oo muujinaya taariikho aad u badan iyo sidoo kalena waxa uu sawirka taariikhiga ahi ina tusinayaa is badalka ballaadhan ee ka socda Dunida guudkeeda. Sawirkan Kacbada Barakaysan ayaa waxa la qaaday muddo 63 sano ka hor ah waxaana waqtigaasi ka talinayay Boqor Cabdilcasiis,…

Read More

Gabadh Dhashay 69 Carruura Oo Geeriyootay Iyada Oo 40 Jir Ah !

Gaza 02. March 2017 (SDN/QJ):- Haweenay u dhalatay Dalka Falastiin ayaa waxay dhashay 69 carruur sida uu warbaahinta u sheegay Ninkeeda oo qariyay magaciisa waxaanay gabadhani ku noolayda magaalada Gaza ee Dalka Falastiin, waxaanay geeriyootay maalintii Axadii ee toddobaadkii hore. Warbixintan oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay shabakada Gaza Al’aan ayaa waxay sheegtay in gabadhan…

Read More

“Wasiir Cadaaniyoow Munaafiqadda Iskadda, Habeenkiina Xisbi Baad Tahay Maalintii na Xisbi Kale.”.Xoghayaha Caddaaladda ee Waddani DAAWO

Hargaysa 01. March 2017 (SDN/QJ):-Xoghayaha cadaaladda Xisbiga WADDANI Md.Barkhad Jaamac Xirsi Batuun, ayaa si adag uga hadlay hadalo deel-qaaf oo ka soo yeedhay wasiirka wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo wacyi-gelinta Somaliland oo hadalo been abuur ah ku soo eedeeyey Xisbiga WADDANI, waxaana uu sheegay in wasiirka warfaafintu uu yahay munaafaq aan la garaneyn cidda uu taageersan…

Read More

Taxanihii Qisaska Nolosha Iyo Tusmadii Xusuus Qor Dhakhtar-Ilkood ‘’Qaad Dariiqa Rajada”’ Kala Soco Qurbejoog DAAWO

Hargaysa 01. March 2017 (SDN/QJ):- Waa Qormadii Taxanaha ahayd ee Xusuus Dhakhtar Ilkood oo ay inoo Soo diyaariso Drs Hibaaq C.raxmaan Buubaal oo ah Dhakhtarad Aqoon durugsan u leh Xanuunada Ilkaha kana Shaqaysa Magaalada Hargaysa. Waxay Taxanahan inoogu soo bandhigaysaa Khibrad ay ka heshay Mudadii ay ka shaqaynaysay Mihnada dhakhtarnimo,Waxaana si Joogto ah Taxanahan idiinku…

Read More

‘’Nasiib darro Gudoomiyaha Guurtidu mudadii sharciga ahayd wuu ka warwareegay in Golaha oo Fadhiyay uu hordhigo si uu uga kaguto waajibkiisa dastuuriga ah, waxa bilaabmay political vacuum’’ Cali Guray

Hargaysa 01. March 2017 (SDN/QJ):-Ka dib saqbadhkii xalay Somaliland waxay gashay meel la’aan(Vacuum) uu Gudoomiyaha Guurtidu si badheedh iyo ula kac ah u geliyay markii ugu horeysay taariikhda Somaliland ilaa 1991kii. Madaxwaynuhu Maxkammadda sare wuxu u gudbiyay qoraal uu ku lifaaqan yahay muddo kordhintii lagu wada heshiiyay,Waxaa Sidaas Qoraalkan Ku Bilaabay Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf…

Read More

Baarlamaanka Somalia oo Si La Yaab Leh Codka Kalsoonida u Siiyay Raysal Wasaaraha Cusub ee Somalia ee Madaxweyne Farmaajo Magacaabay

Muqdisho 01. March 2017 (SDN/QJ):- Waxaa maanta si rasmi ah xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho uga furmay kalfadhiga 1-aad ee Baralamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana si rasmi ah u furay Kalfadhiga Madaxweynaha Soomaaliya. Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo kulanka furay ayaa Xildhibaanada Aqalka hoose ka codsaday in ay codka kalsoonida siiyaan Ra’isul Wasaraha cusub ee…

Read More