Madaxweynaha Somaliland oo Hargeysa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil
HARGEISA (QJ) Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa maanta qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil, Gideon Sa’ar, iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ku jooga Jamhuuriyadda Somaliland. Madaxweynuhu wuxuu uga mahadceliyay dawladda Israa’iil go’aanka geesinimada leh ee ay ku aqoonsatay Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo ku tilmaamay inay leedahay saameyn diblomaasiyadeed, dhaqaale,…
