Dhaqaalaha Soo Gala Sannad kasta Sanduuqa Horumarinta Somaliland Iyo Sida Gobolada dalka Sadbursigu u Shaasheeyay DAAWO

Hargaysa 29.June 2016 (SDN/QJ):- Sanduuqa Horumarinta Somaliland SDF, Oo Sanadkiiba 64,000,000 US Dollar Lagusoo Rido, Iyo Sida Cadaalada Ka Fog Ee Loogu Qaybiyo Gobolada Jamhuuriyadda Somaliland. Gobolka Maroodi-Jeex 46% Gobolka Togdheer 16% Gobolka Saaxil 14% Gobolka Gebiley 9% Gogolka Awdal 5% Gobolka Sool 5% Gobolka Sanaag 5%

Read More

Hadiyadii Ordogan Ku Dulleeyey Madaxweynihii Hore ee Faransiiska Zarkosy DAAWO

Hargaysa 29.June 2016 (SDN/QJ):- Muddo sanado ah oo kooban ka hor waxaa Magaalada Stanbul ee Dalka turkiga lagu qabtay shir sanadeedka dalalka dhaqaalaha leh ee G20, xiligaas waxaa dalka faransiiska hogaaminayey Madaxweyne Nicoly Zarkosy oo sheegay in uu kaga qaybgelayo shirweynahaasi sifada gudoomiyaha dalalka G 20 maadaama ay xiligaa faransiisku hayeen gudoomiyanimada dalalkaasi.. https://youtu.be/bnKViub36BU

Read More

Gudoomiye C.raxmaan Cirro oo Faahfaahin ka Bixiyey Ujeedada Socdaal uu ugu Maqnaa Waddamada Yurub DAAWO

Hargaysa 29.June 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda ahna Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro oo Mudooyinkii u danbeeyay Socdaal ku joogay qaar ka mid ah Waddamada Yurub oo dalka dib ugu soo laabtay ayaa faahfaahin ka bixiyey Ujeedada Booqashadiisa. https://www.youtube.com/watch?v=7-QMyiJpI2w

Read More

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo Lix Gaadhi kala Wareegay Hay’ada WFP SAWIRO

Hargaysa 29.June 2016 (SDN/QJ):- Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa hay’adda WFP  xafiiskeeda Somaliland kala wareegay Lix gaadhi oo ay hay’addu ugu deeqday hay’adaha dawladda ee ay wada shaqaynta leeyihiin.   Munaasibada deeqda lagula kala wareegay oo ku qabsoontay barxada qasriga Madaxtooyada, ayaa waxa iyaguna ku sugnaa Masuuliyiinta hay’adaha dawladda…

Read More

Hawl Noocee ah ayay Ciidamada Jarmalku ka qabtaan Gudaha Dalka Somalia? DAAWO

Muqdisho 29.June 2016 (SDN/QJ):- Ciidamada dalka Jarmalka oo howlo milatari u jooga gudaha Soomaaliya ayaa soo bandhigay howlaha ay qabtaan iyo caawinta ay u fidiyaan ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed. Wariyeyaasha Barnaamijkan suubiyay ayaa waxay booqanayaan Xarunta ugu weyn ee ciidamada Midowga Yurub ku leedahay gudaha Garoonka Diyaaradaha ee Aden Ade International iyo Wasaaradda Gaashaandigga oo…

Read More

Marxuun Fu’aad: 29 Jir Hammigiisu Geeyay Muqdisho Oo Ku Dhintay Weerarkii Al-shabaab Ee Huteelka Naasa-hablood

Muqdisho 29.June 2016 (SDN/QJ):- Soomaali ka mid ahaa Qurba-joogta fadhigoodu Yahay Magaalada Dubai ee Dalka Isku Tagga Imaaraadka Carabta, ayaa ka mid ahaa ugu yaraan 15 Ruux oo ku dhintay Weerar Sabtidii lagu qaaday Huteel ku yaalla Magaalada Muqdisho.   Fu’aad Cumar Amiin, wuxuu ka qalin-jabiyey Jaamacadda American University ee Magaalada Sharjah waxaanu Shaqaale ka…

Read More

Guddoomiyaha KULMIYE oo koobab iyo billado guddoonsiiyey saddex garoon oo tartamo kubadeed ka socdaan SAWIRO

Hargaysa 29.June 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa koobab iyo billado xisbigu ugu talogalay kooxaha ku guulaysta tartamada bisha barakaysan ee Ramadaan ku wareejiyey guddiyada saddex garoon oo ku yaal caasimadda Hargeysa. Guddoomiyaha iyo xubno hoggaanka sare iyo saraakiil ka tirsan xisbiga oo na ay xubno ka…

Read More

”Qurabjoogta Gobolka Sool Waxaan Leenahay Dhaqaalaha Aad ku Bixinaysaan Dhiiga Daadanaya Ku Bedela Nolosha Bulshada Iyo Ka Shaqaynta Nabada Dalkiina “Jabarji Xasan Saadle

Hargaysa 29.June 2016 (SDN/QJ):- Maxamed Jabarji xasan oo ka mid ah Siyaasiyiinta Gobolka sool ee Somaliland Ayaa ka hadlay Dagaalka ka soconaya deegaanka dharkayngeenyo ee Gobolka Sool Waxaana uu baaq Nabadeed u diray Beelaha Walaalaha eek u dagaalamaya Deegaamadaasi Siyaasigan oo La hadlayay Warbaahinta Waxaa uu Ka xog Waramay Dagaalka ka socoda deegaamada gobolka Sool,Waqabadka…

Read More

Wasiir ka Tirsan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo ka Gilgishay eedo lagu Xidhiidhiyey Ku Lug lahaanshaha Dirirta Dharkeyn Geeyo ee Gobolka Sool

Hargaysa 29.June 2016 (SDN/QJ):- Wasiiru Dawlaha Nabadeynta Goboladda Bariga Somaliland Md Cabdirashiid Xuseen Cabdalle (Gargaar), ayaa faahfaahin ka bixiyey halka ay marayso weftiyo kala duwan oo Wasiiro, guddi guurti iyo Madax dhaqameed goboladda Somaliland ka kala tegay oo ku sugan gobolka Sool si ay uga qayb qaataan  daminta colaada Beelaha walaalaha ah Deegaanka Dharkeyn Geenyo…

Read More

Madaxweynaha dawladda Puntland oo Garoowe kaga qayb galay munaasabad loogu Magac daray Ciidsiinta Agoomaha

Garoowe  29.June 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xarunta Agoomaha Puntland ee Garoowe kaga qayb galay Munaasab loogu magac daray Ciidsiinta Agoomaha, taas oo loogu talo galay in Agoomaha looga farxiyo iyadoo la guddoonsiinayo agabkii ay ku ciidi lahaayeen. Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasaaradda Caddaaladda dawladda Puntland…

Read More

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Waxbarashada Somalia oo la Wareegay Hogaaminta Wasaaradaasi

Muqdisho, June 29, 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Dr Cabdulqaadir Cabdi Xaashi ayaa la wareegay xilka Wasaaradda, waxana munaasabadda Xil-wareejinta oo ka dhacday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ka qeyb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaano Maamulka Wasaaradda Waxbarashada iyo marti sharaf kale.   Wasiiru dawlaha Wasaaradda Waxbarashada Mudane C/laahi Bile…

Read More

Raysal Wasaaraha Britain David Cameron oo Hadal Digniin ah u diray Midowga Yurub

London 29.June 2016 (SDN/QJ):- Raysal wasaaraha Britain David Cameron, ayaa uga digay hogaamiyayaasha Midowga Yurub in Britain aanay ku deg degi doonin wadahadalada inay ka baxdo Midowga Yurub, isagoo dhinaca kale si cad u sheegay in go’aanka shacbigu soconayo oo Aftidu si buuxda u meel maray. Hadalkiisii ugu horeeyay ee uu ka hadlo baarlamaanka tan …

Read More

Khasaaraha Ka Dhashay Laba Qarax oo Caawa Gil Gilay Madaarka Magaalada Istanbul ee Turkiga

Ankara 28.June 2016 (SDN/QJ):-Ugu yaraan 10 qof ayaa dhintay, in kabadan 20 kalena way dhaawacmeen kadib markii qaraxyo ismiidaamin ah ay ka dhaceen garoonka diyaaradaha Ataturk ee magaalada Istanbul. Saraakiisha ayaa sheegay in laba qof oo ismiidaamiyay ay isku qarxeen garoonka. Saraakiisha ayaa sheegaya in boolisku ay rasaas ku fureen labadaasi qof ka hor inta…

Read More

Ururka Xasaradaha Caalamiga ah oo Soo Saaray Warbixin Ka Hadleysa Alshabaab

Muqdisho,28,6,2016 (QJ/SDN) – Ururka falanqeeya xasaradaha caalamiga ah ee International Crisis Group (ICG) ayaa shalay warbixin uu soo saaray wuxuu ugaga hadlay sababaha Al-shabaab aan weli looga guulaysan inkastoo darafyo badan ay la wada dagaalamayaan. ICG ayaa warbixintaa kusheegtay in Al-shabaab walow lala dagaalamayo meelo badan oo awal ay joogeena laga saaray hadana weeraro ay…

Read More

Ciidamada AMISOM oo la sheegay inaysan wax Mushaar ah Qaadan Lixdii Bilood ee lasoo dhaafay

Muqdisho,28,6,2016 (QJ/SDN) – Warbixin ay Diyaarisay Suxufiyad ka Tirsan BBC-d oo ku timid booqasho Muqdisho, ayaa lagu sheegay in Ciidamada ka hawlgala Soomaaliya ee AMISOM aysan mushaar qaadan muddo lixdii bilood ah. Suxufiyadda aaya xustay in Ciidanka AMISOM oo tiradooda gaarayso 22,000 oo Askari in mushaaraadkooda loo hakiyay arrimo la xiriira dhanka xisaabta. Iyadoo Madaxa…

Read More

DAAWO: Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan Isugu Yeedhay Shir-Gudoonka Golaha Wakiilada Iyo Madaxda Axsaabta Qaranka

Hargeysa,28,6,2016 (QJ/SDN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, Isagoo ka duulaya in goorwalba, talo qaran lagu waajaho habsami u socodka doorashada xor iyo xalaala oo wakhtigeedii ku qabsoonta, ayaa maanta oo ah 28-06-2016, wuxu isugu yeedhay shir guddoonka aqalka wakiilada Somaliland, iyo hoggaanka seddexda xisbi qaran, waxanay yeesheen shir qaatay laba saacadood oo…

Read More