Nasashada Jimcaha iyo Gabay uu Weriye Cali Seenyo Ku Cabiray Qabyaalada Qurbaha Taala DAAWO

Hargaysa 27,May 2016 (SDN/QJ):- Waxaanu Nasashada Jimcaha iyo Shabakada Qurbejoog Idiinku soo Gudbinaynaa Gabay ka hadlaya Qabyaalada Qurbaha Taala Wuxuu Gabaygani la Magac Baxay Qabribay isaga Shuuqayaan Qoonka Debeduu Waxaa Curiyey Abwaan iyo Weriye Cali Aadan Raabi “Cali Seenyo” Wuxuu Sifaha uu qaatay Gabaygu ka dhigay in Dadka Qurbaha Joogaa ay Xabaalo ku Jiraan hadana…

Read More

“Waan ku Qanacsan Nahay In Imaaraadka Carabtu Maal-gashi Ku Sameeyo Somaliland, Intuu Ku Samayn Lahaa Eritrea” Wasiirka Gaadiidka Itoobiya

Addis Ababa 27,May 2016 (SDN/QJ):-  Xukuumadda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday inay si weyn u soo dhoweynayaan heshiiska maalgashiga dekedda Berbera ee 9-kii Bishan May dhex maray dawladda  Somaliland iyo shirkada DP World ee xarunteedu tahay dalka Imaaraadka Carabta.   Heshiis Shirkada DP World ku maal-gelinayso hanti dhan US 442 Million dollar casriyeynta marsadda Berbera,…

Read More

“Heshiiska Dekedda Berbera Wuxuu La Mid Yahay Kii TOTAL, Siilaanyo-na Taariikhda Ayuu Ku Gelayaa..” Faysal Cali Waraabe

Hargaysa 27,May 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa difaacay Heshiiska Maalgelinta Dekedda Berbera ee ay dhawaan kala saxeexdeen Xukuumadda Somaliland iyo Shirkadda Caalamiga ah ee DP World.   Faysal oo ka hadlayey Munaasibad lagu qabtay Hargeysa, ayaa Dadweynaha u soo jeediyay inay ka fikiraan waxa Maal-gelinta Dekedda Berbera…

Read More

Shaqaalaha Dekeda Berbera Oo Xaalad Kacsan Ku Jira Kadib Markii Ay Ogaadeen Qodob U Quus Goynaya Oo Ku Jira Heshiiska Shirkadda Dekeda Lagu Wareejijnayo

Berbera 27,May 2016 (SDN/QJ):- Shaqaalaha kala duwan ee ka hawlagala Dekeda Berbera ayaa labadii maalmood ee u dambeeyay xaalad kacsan ku jira kadib markii ay wax ogaadeen heshiiska ay kala saxeexdeen Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Shirkada lagu wareejinayo Dekeda Berbera ee DP-WORLD,kaasi oo mugdi galinaya sii joogitaankooda Dekeda inay ka sii shaqeeyaan marka ay Shirkadani…

Read More

Sababaha Dhalin Kara Dagaal sadexaad oo Dunida ka dhaca, DAAWO

Hargaysa 27,May 2016 (SDN/QJ):- In badan oo dadweynaha dunida ka mid ah ayaa aaminsan in caalamkeenu uu khatar ugu jiro dhicitaanka dagaalweyne sadexaad oo khasaarihiisu in uu ka bato mooyaane aanu ka yaraan doonin kii dagaalweynayaashii koowaad iyo labaad ee dunida, hadaba sidee ayuu dagaalkaasi ku bilaaban karaa?sidee baase khilaafaadka siyaasadeed iyo ka caqiido ee…

Read More

Rabshadaha Dhallinyaradu Ka Sameeyaan Caasimadda Hargeysa Oo Soo Kordhaya Iyo  Roondada Booliiska Ee Habeenkii

Hargaysa 27,May 2016 (SDN/QJ):- Ciidammada Ammaanka, ayaa kordhiyey Hawl-galo ayay kaga hor-tagayaan Rabshado Dhallinyarada Xaafadaha Magaalada Hargeysa qaarkood ku kacaan Habeen Walba.   Rabshadaha Dhallinyarada sameeyaan oo iskugu jira Baadhasho ay ku kala kacaan Dadka keli kelida u socda Habeenkii oo ay ka qaataan Moobillada iyo wixii Hanti ah ee ay sitaan, ayaa soo kordhay…

Read More

Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland oo Waxqabad la’aanteedii Ku darsatay Hagardaamaynta Iyo Xagal daacinta Tartamo Caalami ah oo Somaliland ka qayb galayso

Hargaysa 27,May 2016 (SDN/QJ):- Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland ayaa xagal daacinaysa tartan kubadeed caalami ah oo fursad weyn u ahaa qaranka Somaliland kadib markii Agaasimaha Guud ee Wasaaraddan Mudane Dhabeeye iyo Guddoomiyaha xidhiidhka kubadda cagtu waraaqo u direen Xidhiidhka kubadda cagta ee CONIFA oo ahaa kii isagu qaban qaabinayay tartanka caalamiga ah ee…

Read More

Kooxdii Kowaad ee Tartanka Xulka Qaranka Somaliland ee Ka Qaybgalaya Ciyaaraha Ruushka oo Gaadhay iyo Hoggaanka Kooxda Somaliland Oo Caddeeyey Ujeeddada ay uga qayb gelayaan tartanka Abkhazia

Abkhazia 27,May 2016 (SDN/QJ):- Hormadii ama qaybtii koowaad ee xulka qaranka Jamhuuriyada Somaliland, ayaa niskii danbe ee xalay  ka degay caasimada wadanka Abkhazia ee Sukhumi, halkaas oo ay kaga qayb galli doonaan tartanka koobka aduunka ee wadamada aan la aqoonsanayn. Xulka kubbada cagta qaranka Somaliland, ee ka qayb galaya tartanka oo qaybi ka imanaysay qaarada Yurub…

Read More

Xubno ka Tirsan Golaha Wasiirada Somaliland oo Magaalada Beer ee Gobolka Togdheer kaga qaybgalay Caleemo saar Suldaan Cusub DAAWO

Beer 26.May 2016 (SDN/QJ ):  Wasiirka Madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi iyo wafti ka tirsan Xukuumadda Somaliland oo uu hogaaminayey ayaa maanta Degmada Beer ee gobolka Todheer ka qayb galay munaasibad balaadhan oo laga caleemo saaray Suldaanka Guud ee beesha Ibraahin Sheekh Isaxaaq (Sanbuur). Munaasibada Suldaanka oo ahayd mid si wayn loo agaasimay isla markaana…

Read More

Maraykanka Oo Ka Digay Weerarro Argagixiso Oo Al-shabaab Maagan Tahay, Muwaadiniintiisa Oo Uu Uga Digay Inay U Safraan Soomaaliya Iyo Somaliland

Washington 26.May 2016 (SDN/QJ):- Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa uga digtay Muwaadiniinta Mareykanka ah inay booqdaan Waddanka Soomaaliya  oo Somaliland ku jirto,sababo ay ku xustay hanjabaado dhanka ammaanka ah oo ka imanaya kooxda Al-shabaab ee xidhidhka la leh Al-Qaacida. Sidoo kalena waxay muwaadiniinta Mareykanka ah ku wargelisay in ay ogaadaan khatarta afduubyada dhamaan gudaha Somalia…

Read More

Hargeysa:-Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo Maanta Qaatay Kaadhkii Diiwaan-gelinta Codbixiyeyaasha Somaliland+SAWIRO

Hargaysa 26.May 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta si rasmi ah goobta diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha Doorashooyinka ee Khayriyadda Hargeysa iskaga soo diiwaan-geliyey sida oo kalena soo qaatay kaadhkii diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha Somaliland oo bishii ugu dambeysay ka socday gobalka Maroodi-jeex. Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa waxa qaadashada kaadhka diiwaan-gelinta…

Read More

Golaha Wasiirada oo Taageeray Xeerkii dhawaan lagu Meel-mariyay Hanaanka Doorashada 2016

Muqdisho, 26,5,2016 (QJ/SDN) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho, ayaa waxay kusoo dhaweeyeen Go’aankii Madaxweynaha DF uu ku Meel-mariyay dhawaan Hannaanka Doorashada dalka ee sannadkan 2016-ka, iyagoo Sidoo kalena ka Hadlay Fatahaadaha ku dhuftay Baladweyne, isla markaana Meel-mariyay Danjirayaal cusub oo la magacaabay. Wasiir-u-dowlaha Wasaaradda Amniga Somalia, Daa’uud Maxamed –…

Read More

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka oo Guddi u saaray Wax ka-qabashada xaalada Beledweyne

Muqdisho, 26,5,2016 (QJ/SDN) – Iyadoo ay isa soo tarayaan dadaalada loogu jiro sidii loo Caawin lahaa Dadka ku barakacay fatahaadda iyo dagaallada magaalada Beledweyne, ayaa waxaa jira Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo Guddi u saaray sidii kaalmo deg deg ah loola gaari dadka dhibaateysan. Xildhibaaan C/qaadir Sheekh Xanafi oo ka tirsan Mudanayaasha Baarlamaanka, ayaa…

Read More

Madaxweyne Xasan oo ka Gudoomay Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub ee Uganda

Muqdisho, 26,5,2016 (QJ/SDN) – Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta ka Guddoomay Warqadihii Aqoonsiga danjiraha cusub ee Uganda, Prof Sam Tulya Muhika. Xasan Sheekh ayaa danjiraha u xaqiijiyay inay dowladda Somalia si buuxda ugala shaqeyn doonto Danjiraha, una fududeyn doonto gudashadiisa waajibkiisa danjirenimo inta uu xilka hayo. Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Safiirka,…

Read More

SAFIIRKA JABUUTI: Shacabka ku nool degmada Beledweyne Marxalad Adag ayay ku sugan yihiin

Muqdisho,26,5,2016 (QJ/SDN) – Danjiraha Jabuuti u jooga Somalia Dayib Dubad Rooble oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dowladda Jabuuti si dhaw ula socto xaalada adag oo ay wajahayaan shacabka ku dhaqan magaalada Beledweyne. Safiirka, ayaa sheegay in Dowladda Jabuuti si dhab ah isku bar bartaagi doonaan Shacabka dhibaateysan, isaga oo intaa ku darray in…

Read More

Ciidammo ka tirsan kuwa Puntland oo Khasaare uu kasoo Gaaray Qarax Miino oo lala beegsaday

Garowe, 26,5,2016 (QJ/SDN) – Laba Askari oo ka Tirsan Ciidamada Puntland, ayaa ku geeriyooday, shan kalena way ku dhaawacmeen qarax miino lagula eegtay gaari dagaal oo ay ciidamadan wateen duleedka Magaalada Boosaaso ee xarunta Puntland. Wararka ayaa sheegaya in Gaariga Dagaal ay la socdeen ciidanka Puntland uu ku sii jeeday Buuraha-Galgala, halkaas oo ay fariisimmo…

Read More

MADAXWEYNAHA SOMALIA: Midowga Afrika Kaalin weyn ayuu ka Qaatay Taageerada Somalia

Muqdisho, 26,5,2016 (GM) – Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud, ayaa sheegay in Midowga Africa ay kaalintii looga baahnaa ka qaadatay taageerada Soomaaliya, waayihii adkaa ee waddanka uu soo maray. Khudbad uu Madaxweynaha Soomaaliya ka jeediyay Xaflad lagu maamuusayay maalinta Qaaradda Afrika oo ku beegan aas aaskii Ururka Midnimada Afrika oo markii dambe loo bixiyey African…

Read More

halkan ka daawo sawiro Teemaka kubada Cagta ee Somaliland oo soo dhawayn balaran loogu sameyey wadanka Abkhasiya oo ay kaga qayb galayaan Ciyaaro Caalamiya

London26May(QJ.SD)Teemaka kubada cagta ee somaliland oo ka qayb gali doona ciyaraha wadamada Aqoonsi raadiska ayaa waxa lagu soo dhwayey wadanka ABkhasiya Teemka oo uu hogaaminyo Ciyaartooga Cabdiraxmaan Cali Basalo ayaa isaga oo ku sugan wadanka abkhaasiya u waramey shabakada qurbejoog ayaa waxa  u sheegay inu ku farxsan yahay sida diran ee loo soo dhaweyey iyo…

Read More

Maayarka Magaalada Berbera oo Fara Cididood kaga Badbaaday Dil Qorshaysan iyo Mid ka Mid ah Ilaaladiisa oo Geeriyooday DAAWO

Berbera 26.May 2016 (SDN/QJ):- Nin Hubaysan ayaa Maanta Magaalada Berbera ku Khaarajiyey Mid ka Mid ah Ilaalada Maayarka Magaalada Berbera Cabdi Shakuur Waxaana la Sheegay inuu Maayarka Berbera Fara Cididood kaga badbaaday Isku daygan Dil. Ciidanka Booliska ayaa Sheegay inay Gacanta ku hayaan Gacan ku dhiiglihii falkaas gaystay. https://www.youtube.com/watch?v=k-oYgjOMdho&feature=youtu.be  

Read More

Xukuumadda oo Ku Guul daraysatay Gacan-siinta Fannaanka Qaran ee Hal abuur Maxamed Cabdi Basbaas oo Xaaladiisu CulusTahay Iyo Balanqaadkii Madaxtooyada oo Beenoobay DAAWO

Hargaysa 26.May 2016 (SDN/QJ):- Hal abuur Maxamed Cabdi Basbaas wuxuu ka mid yahay Shakhsiyaadka Tirada Yar ee Fanka iyo Masraxa Soomaalida ku soo dhex jiray Tan iyo Markii Somaliland Xoriyadeeda ka qaadatay Gumaystihii Ingiriiska,Wuxuu Abwaan iyo Majaajilayste Maxamed Cabdi Basbaas uu ka mid ahaa Fannaaniintii kaalinta muga leh ka soo qaatay halgankii dib u xoraynta…

Read More