SAWIRRO: Xukuumadda Somaliland Oo Ku Fashilantay Inay Dayac-tirto Wadada Madaarka Hargeysa

Hargeysa ,25,5,2016(QJ/SDN) – Waddada wayn ee ka timaada madaarka Caasimadda Hargeysa ee Cigaal ayaa waxa sanadihii u danbeeyay ay ahayd mid dayac baahsani ka muuqdo, iyadoona aanay jirin illaa hadda cid wax ka qabatay dayaca ka muuqday waddadaasi oo ah mid muhiim u ah bilicda iyo dhaqaalaha magaalada. Waddadani ayaa ah tan ugu muhiimsan caasimadda…

Read More

MADAXWEYNE XASAN: Qoxootiga oo si khasab ah lagu celiyo waxay keeni kartaa Dhibaato weyn

Muqdisho,25,,5,2016 (QJ/SDN) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dhibaatooyin waaweyn ay keeneyso arinta Kenya ay ka dhawaajisay ee ah in qaxootiga Soomaaliyeed ay dib ugu celinayso Soomaaliya si qasab ah. Dhawaan ayay ahayd markii dawlada Kenya ay ka dhawaajisay inay xireyso ama albaabada isugu dhufanayso xeryaha Dhadhaab iyo Kakuma  kuwaasoo ay…

Read More

Cusbitaalka International Oo Xaflad U Qabtay Arday Dhamaystay Tababar Muddo Lix Bilooda U Socday

Hargeysa,25,5,2016 (QJ/SDN) – Shalay Maamulka cusbitaalka Hargeisa International  Hospital, ayaa xaflad u qabtay ay ku  maamuusayeen Arday Dhamaysatay Tababar usocday muddo lix bilooda.  Xafladda waxaa kasoo qayb galay maamulka kulliyadda shaafi, macalimiinta, maamulka cusbitaalka, maamul kasocday hargeisa Nursing school,  shaqaalaha iyo hawlwadeenada dhaktarka Hargeisa Hospital. Xafladda waxaa ugu horeyn kahadlay maamulka cusbitaalka Hargeisa Hospital Dr.Abdul…

Read More

“Waa loo dhamaa Go’aankii Dib ula soo noqoshada Madax bannaanida Jamhuuriyada Somaliland” Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye DAAWO

Hargaysa 25.May 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha xisbul-xaakimka KULMIYE, ahna musharraxa madaxweynenimo ee xisbigaas Md Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay muhiimadda ay Somaliland u leedahay midnimada iyo isku duubnimada shacabku, waxana uu sheegay in wada-jirka shacabku door laxaad leh ka qaadan karo tallaabooyinka qaranka horumarkiisa lagu hinidisayo. Waxa kaloo uu ka hadlay siyaasiyiin shaki geliyey…

Read More

“Boobe Anigaa Ku Diiday” Mujaahid Cali Guray oo Khilaafay Aragtidii Boobe ee 18 May

Hargaysa 25.May 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiye Ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid Cali Maxamed Yuusuf Cali Guray ayaa Naqdiyey Hadal ka soo Yeedhay Boobe Yuusuf Ducaale oo ku adkaystay inaan la bedeli Karin Maalinta Madax bannaanida Somaliland ee 18 May. Qoraalka Cali Guray ayaa u dhignaa Sidan “26kii Juun 1960kii may ahayn maalin maalmaha ku jirtay…

Read More

”Tartan Madaxwayne ayaynu ku ogayn Xisbiga Waddaniye ,Waxa ridista maayarka burco iyo waddani isa sudhay, umadda ayaa ka jawaabi doonta” Wasiir Cali Mareexaan DAAWO

Burco 25.May 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud,Gaadiidka iyo Guryaynta Somaliland Mudane Cali Xasan Maxamed “Cali Mareexaan” ayaa dhinac isaga leexiyey eedayn uga Timid Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo Sheegay in Wasiirku Huriyey Khilaafkii Soo kale dhexgalay Xildhibaanada golaha deegaanka ee Burco.

Read More

“Mudane Wasiir Waxaan kula Socodsiinayaa in Warbaahinta Madaxa bannaani ay ka horayso ta dawlada ee aad Maamusho Sababtoo ah….” Weriye Axmed Siciid Cige DAAWO

Hargaysa 25.May 2016 (SDN/QJ):- Weriyaha Idaacada BBC laanteeda Afka Somaliga ee Somaliland Suxufi Axmed Siciid Cige ayaa sheegay in Warbaahinta Madaxa bannaani ay ka horayso ta ay dawladu maamusho. Weriyahan ayaa hadalkan ka jeediyey Kulan Casho sharaf ah oo Wasiirka Warfaafintu u sameeyay Warbaahinta kala duwan ee Somaliland isla markaana uu ku maamuusayay qaabkii ay…

Read More

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Mas’uulka ugu Sareeya ee Shirkada Dubia Port iyo Wefti uu Hogaaminayo oo Booqasho ku Yimid Hargaysa Qodobada laga Wada hadlay DAAWO/SAWIRO

Hargeysa 24.May 2016 (SDN/QJ):- Madaxwaynaha  Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane  Axmed Maxamed  Silaanyo, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabiley Masuuliyiinta iyo Shaqaalaha shirkada Dekeda caalamiga ah ee DP World oo uu horkacayo agaasimaha guud ee Shirkadaasi Sultan Ahmed Bin Sulayem, weftigaas oo saaka ka soo degay madaarka diyaarahada ee   Berbera, soona kormeeray dekeda Berbera, ka dibna u…

Read More

Kooxda Xidigaha Geeska oo Cadeeyay inay soo Afjareen Khilaafkii soo Kala Dhex Galay Iyo Weedhihii ay Jeediyeen DAAWO

Hargeysa 24.May 2016 (SDN/QJ):- Kooxda fanaaniinta Xidigaha Geeska ayaa waxa ay sheegeen Maanta in ay gabi ahaanba soo afjareen khilaaf kooxda ka dhex taagnaa mudooyinkii ugu danbeeyey. Shirkan Jaraaid oo ay kooxdu ku qabatay Xarunta Wasaarada Warfaafinta dhaqanka iyo wacyi galinta waxay goobtaasi ku shaaciyeen in ay doorteen hogaan Cusub,sidoo kale ay kooxda laga saaray…

Read More

Heshiiskii Xukuumadu la Gashay Shirkada Dubai World,Soo ifbaxa Shirkad kale oo Saami ku leh Iyo Qodobo Mugdi Gelinaya Xaqiiqada Heshiiskan Akhri

Hargeysa 24.May 2016 (SDN/QJ):- Hordhaca Heshiiskan Dhawaan ay Xukuumada Somaliland la Saxeexatay Shirkada Dubai World Port ee Ka dhacay Dalka Isu Taga Imaaraadka ayaa Muujinaya Galdaloolooyin dhinacyo kala duwan ah. Hadaba heshiiskan oo dhinacyo badan taabanaya isla markaana ay masuuliyiintii xukuumada ee shirkan ka qayb galay ay shacabka siyaabo kala duwan ugu Sharaxeen, halka ayna…

Read More

Madaxweyne SIILAANYO Oo Beesha Caalamka Ugu Baaqay Inay Aqoonsadaan Somaliland

Hargeysa,24,5,2016 (QJ/SDN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa beesha caalamka ugu baaqay in la gaadhay wakhtigii la aqoonsan lahaa Somaliland. Madaxweyne Siilaanyo, ayaa qormo uu qoray oo lagu baahiyay warbaahinta loo yaqaano dailymaverick.co.za, wuxuu ku sheegay in shacabka reer Somaliland muujiyeen dedaal iyo horumar, balse ay ilaa hadda sugayaan taageerada beesha caalamka. “Toddobaadkii…

Read More

Wargeyska Indian Ocean Oo Warbixin Ka Qoray Heshiiska Somaliland Iyo Imaaraadka Carabta Ee Dekedda Berbera

Hargeysa,24,52016 (QJ/SDN) – Wargeyska Indian Ocean Newsletter, ayaa warbixin faahfaahsan ka qoray heshiiska dhex maray Somaliland iyo Shirkada DP World ee ku saabsan dekedda Berbera. Wargeyska, ayaa cadadkiisii u dambeeyay wuxuu warbixintiisa ku sheegay inuu xogo faahfaahsan ka helay heshiiska Somaliland iyo DP World, wuxuu ku sheegay in wada hadalo muddo sannado ah u socday…

Read More

AMB. CAWIL: ‘’Cabdullaahi Yuusuf oo aan bedbaadiyey markii uu ka goostay Soomaaliya’’ – Qormo

Sidii aan ‘Qormadaydii hore’ kaga hadlay, inqilaabkii ay qorsheeyeen Kornayl Maxamed Xasan “Cirro” iyo Kornayl Cabdullaahi Yuusuf Axmed wuxu noqon lahaaba wuu fashilmay, wuxuuna soo celiyey kalsoonidii Maxamed Siyaad Barre isaga oo daboolay niyad-xumadii wakhtigaas jirtay ee dhinaca ciidanka iyo tii dadweynaha labadaba. Kacaankii Soomaaliya ka talinayey wakhtigaa tamartiisu hoos ayay u dhacday. Wuxuu sumcad-xumo iyo…

Read More

AXMED MADOOBE: Waa in loo Is-taago sidii loo Joojin lahaa Colaaadaha ka Taagan Baladweyne

Kismaayo,24,5,2016 (QJ/SDN) – Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe], ayaa ku baaqay in si dhaqso ah loo joojiyo Colaadda ka Taagan magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaasoo maalmihii la soo Dhaafay ay ku dagaallamayeen malleeshiyo beeleed wada-daga deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan. Axmed Madoobe oo warbaahinta kula hadlayay Kismaayo, ayaa sheegay inuusan…

Read More

Kooxo Waddaado aan la aqoonsan oo dhawrkii Habeen ee u danbeeyay Hargaysa ku Qaybiyay Waraaqo Xambaarsan Jihaadka iyo Nacaybka Gaalada

Hargaysa 24.May 2016 (SDN/QJ):- Kooxo wadaado ah oo aan la aqoosan Cidda ay ka tirsan yihiin ayaa habeennadii ugu dambeeyey meelo kala duwan oo caasimadda Hargeysa ah dhallinyarada ku bar-tilmaameedsanayay,kuwaasi oo qofkii dhallinyaro ah ee ay arkaan u dhiibayey nuqullo waraaqo ah oo ka kooban sagaal bog oo ku qoran Af-soomaali iyada oo nuxurka waraaqahaasi…

Read More

Hub La Damacsanaa in Lagu Weeraro Kenya oo Lagu Qabtay Soomaaliya

Kismaayo,24,5,2016 (QJ/SDN) – Ciidamada Milatariga ee dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen hub la damacsanaa in si qarsoodi ah gudaha loogu soo galiyo Kenya isla markaana la doonayay in loo adeegsado weeraro laga fuliyo magaalooyinka ku yaalla xadka kala qeybiya Kenya iyo Soomaliya. Wasiir ku xigeenka amniga ee maamul goboleedka Jubaland Cabdirashiid…

Read More

Pakistan oo Mareykanka ku eedeysay inuu ku xad gudbayo madaxbanaanideeda

Karaji,24,5,2016 (QJ/SDN) – Dowladda Pakistan ayaa eedeyn kulul dusha uga tuurtay dowladda Mareykanka, iyadoo cambaareysay howlgallada Milatari ee ay xukuumadda Washington ka sameyso gudaha dalka Pakistan. War kasoo baxay xukuumadda Islamabad ayaa lagu sheegay in duqeyntii ay diyaaradaha drones-ka Mareykanka ka geysteen dhulka Pakistan gudihiisa ay xad gudub ku tahay sharafta iyo madax banaanida dalka…

Read More

Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya: Go’aanka Lagu Xiraayo Xeryaha Dhadhaab waa Kama Dambeys

Nairobi,24,5,2016 (QJ/SDN) – Madaxweyne ku-xigeenka Kenya William Ruto ayaa sheegay in go’aanka lagu xiraayo xeryaha Dhadhaab ee dawlada Kenya ay dhawaan gaadhay uu yahay kama dambeys iyo mid aanan laga noqon doonin. Ruto oo ka hadlaayay Shirweynaha Gargaarka Caalamka ee Istanbul Turkiga ka socda shalay ayaa beesha caalamka u sheegay in dadka doonaya inay caawiyaan…

Read More