DHEEG: “Xamar Waa Meesha Ugu Liidata, Madaxweynayaashana Xasan Sheekh Ayaa Ugu Liita”

Hargeysa,21,5,2016 (QJ/SDN) – Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg), oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Guurtida ayaa ka hadlay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, waxaanu xildhibaanku sidoo kale jawaab ka bixiyay hadal ka soo yeedhay wasiirka khaarajiga Somaliya Cabdisalaam Hadliye. Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg) oo u waramayay Wargeyska magaalada Hargeysa kasoo baxa ee Geeska Afrika…

Read More

DAAWO: Guddoomiye Ramaax Oo Markale Weeraray Madaxweyne GEELLE kana hadlay Muuqaalkii Suldaan Wabar

Boorama,21,5,2016 (QJ/SDN) – Guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamuud Saleebaan Ramaax, ayaa markale luuqad adag kula hadlay madaxweynaha dalka jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, isagoona sheegay in Jabuuti ay Soomaaliya ka jeceshahay Somaliland. Mr.Ramaax waxa kale oo uu jawaab adag ka bixiyay muuqaal uu dhawaan soo duubay suldaan Wabarkii buuraha gobolka Awdal laga saaray, isagoona sheegay haddii Wabar…

Read More

DAAWO: Sh. Aadan-Siiro Oo Sheegay In Hargeysa Laga Qorayo Dad Ka Qayb-galaya Barlamanka Somalia

Hargeysa,21,5,2016 (QJ/SDN) – Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa ka hadlay Xaaladda Siyaasadeed ee Dalka iyo Muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo Heshiiskii Umaddu wada gaadhay ee lagu dhisay Somaliland, isagoo farta ku fiiqay Dad gudaha Dalka ku sugan oo uu sheegay in ay doonayaan inay Wiiqaan Qaranimada Dalka. Sheekhu waxa uu Khudbaddii…

Read More

Qoraal ka Socda Madaxwaynaha Somaliland oo La Guddoonsiiyay Raysal-wasaaraha Ingriiska

London,20,5,2016 (QJ/SDN) – Warqad Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo beesha caalamka oo la xidhiidha garnaqsiga aqoonsi beesha caalamka ay ka hesho Somaliland,ayaa la gaadhsiiyay raysal wasaaraha dalka Inrgiiska David Cameron maalintii Arbacadii ee beegnayd 25 guurada maalinta qaranimada Somaliland ee 18ka May.sidaana waxa xaqiijisay haweenay ka tirsan baarlamaanka dalka Ingriiska oo magaceeda la yidhaah Kerry…

Read More

Burburka diyaaraddii Egyptair oo la helay

Qaahira,20,5,2016 (QJ/SDN) – Milatariga dalka Masar ayaa sheegaya in ay heleen qaybo ka mid ah burburkii diyaaradda Egyptair ee shalay ku burburtay bariga badda Mediterranean-ka. Warbixin qoraal ah oo ka soo baxday ciidanka qalabka sida ee dalkaasi ayaa lagu sheegay in qalabkii ay siteen dadkii rakaabka ahaa ee diyaaradda saarnaa iyo qaybo ka mid ah…

Read More

“Hadaanu nahay Xildhibaanada Kenya ka Yimi Waxay dawlada Somalia nooga Digtay Imaatinka Somaliland,Balse anaga ayaa Door bidnay inaanu Somaliland nimaadno” Xildhibaan Kenya ka Socda DAAWO

Hargaysa 20.May 2016 (SDN/QJ):- Xildhibaano ka tirsan golaha Baarlamaanka Kenya oo Salaasadii soo gadhay Caasimada Somaliland ee Hargaysa ayaa sheegay in Xukuumada Somalia ay uga Digtay inay tagaan somalilnd hasa yeeshee Wuxuu xusay inay iyagu door bideen Sidii ay indhahooda ugu soo arki lahaayeen Somaliland isla markaana ugala qayb qaadan lahaayeen Xuskii Munaasibadii 18 May….

Read More

Fanaanka Codka Halaasiga leh ee Maxamed BK oo ka hadlay Asbaabta looga saaray Kooxdii uu ka Tirsanaa ee Xidigaha Geeska DAAWO

Hargaysa 20.May 2016 (SDN/QJ):- Koox Fanneedka Xidigaha Geeska ayaa Maalin Afaraadkii Qoraal ay soo Saareen Waxay ku Sheegeen inay Kooxda Dibada uga Saareen Fannaanka Maxamed Siciid BK. Hadaba Alfanaan Maxamed Siciid BK ayaa Markii U Horeysya Ka Hadlay Sababta Kooxda Xiddiga Geeska Ee Uu Ka Tirsanaa Looga saaray. https://www.youtube.com/watch?v=bf25UMrKD2c

Read More

Kulan Dhex Maray Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Ucid iyo Ururka Aqoon yahanka Jaamacadaha iyo Waxyaabaha uu daaranaa

Hargaysa 20.May 2016 (SDN/QJ):- Murrashaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa kulan is-xogwaraysi ah la yeeshay Ururka dhalinyarada aqoonyahanka jaamacadaha KAABE PUBLIC HEALTH,kadib markii ay marti-qaad u fidiyeen.   Kulan oo si heer sare ah loo soo agaasimay, isla markaana lagu qabtay Huteelka KAAH EE Magaalada, isla markaana ay u-jeedadiisu ahayd is xogwaraysi xaaladaha…

Read More

Boorama: Guddoomiyaha KULMIYE oo Booqasho Xusuus ah ku Tagay Dugsi uu ka Baxay ka baxay 46 sanno ka hor

Boorama 20.May 2016 (SDN/QJ):-  Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweyne ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa booqasho ay ku dheehan tahay xusuus iyo xiiso uu u qabo ku tagay dhismihii dugsigii sare ee Camuud oo hadda ah Jaamacadda Camuud, kaasi oo uu ka baxay muddo hadda laga joogo 46 sannadood. Guddoomiye Muuse Biixi oo…

Read More

Jaaliyada Somaliland ee Sweden oo Dibad bax ugu Dabaal degay Xuska 18 May iyo Qodobo ay u Gudbiyeen Baarlamanka iyo Dawlada Sweden SAWIRO

Stockholm 20,May 2016 (SDN/QJ):- ayaa si balaadhan looga xusay 25-guurada ka soo wareegtay maalinta Somaliland la soo noqotay xornimadeeda. Dabaal degan ay isugu soo baxeen jaaliyadaha reer Somaliland ee Sweden ayaa isugu jiray, mudaharaad, shir iyo kulamo gaar gaar ah oo ay la yeesheen wasaarada arrimaha dibada Sweden iyo guddida arrimaha dibada u qaabilsan baarlamaanka…

Read More

Jabuuti Miyaynu Collownay Qalinkii Dr. Xuseen Muxumed Maxamed (Xuseen Xoog)

Hargaysa 20.May 2016 (SDN/QJ):- Waxa maalmahanba aynu arkaynay dareen cadho leh oo ka muuqday shacabka reer Soomaaliland, kaas oo ka dhashay, siday sheegeen, hab-maamuus hooseeya oo uu kala kulmay Madaxweynahoodu xafladdii caleemo saarka ee Madaxweynaha Jabuuti oo lagu marti qaaday, iyadoo qaarkood is-xejin kari waayeen oo ay cabbireenba cadhadooda. Dadkaa waxa ka mid ahaa masuuliyiin…

Read More

Stadium Mogadishu: Dawladda China waxay mudan tahay inaan barinno ee maahan inaan amarno!

Muqdisho 20.May 2016 (SDN/QJ):- Waxaa maalmahan danbe socday qorshe lagu doonayay in dawladda Soomaaliya kula soo wareegto garoonka cayaaraha ee Stadium Muqdisho oo muddo 25 sano ah bur bursanaa, sanadihii ugu danbeeyayna hoyi u ahayd ciidamada nabad ilaalinta Africa ee Muqdisho ku sugan.   Haddaba wafdi ballaaran oo ka socda dawladda Federaalka Soomaaliya oo uu…

Read More

Gabadh ka Mid ah Boqollaal Hablood oo Boko Haram Afduubtay oo la helay iyadoo ilmo dhashay

Sambisa 20.May 2016 (SDN/QJ):- Wararka ka imaanaya Woqooyi-Bari ee dalka Nigeria, ayaa sheegaya in la soo badbaadiyay mid ka mid ah Gabdho laga afduubtay deegaanka Chibok muddo haatan laga joogo labo sano oo ay Kooxda Boko Haram haystaan muddadaas. Gabadhani oo lagu magacaabo Aamina Cali Nkeki, ayaa laga helay keynta Sambisa oo ah meel Malleeshiyaadka…

Read More

Haweeneeyda Ugu Cimriga Dheer Caalamka Oo Weli Gashaanti Ah Kana Sheekaysay Rajadeeda Inay Hesho Nin U Qalma

Washington 20.May 2016 (SDN/QJ):- Emma Morano, waa Haweeneey u dhalatay dalka Italy, waxaa la sheegay inay tahay Haweeneeyda ugu cimriga dheer Caalamkan aan hadda ku nool nahay sida uu sheegay machadla lagu ururiyo arrimaha layaabka leh, misna go’aansatay inay muddo dheer ku noolaato gabadhnimo (Gashaanti) kadib markii ay ku guul darraystay isku daygeedii ugu horraysay…

Read More