Baanka Adduunka: Dhaqaalaha Afrika ma samaynayo kobocii Laga Filayey 2016.
Hargaysa 17.April 2016 (SDN/QJ):- Bankiga Adduunka ayaa hoos u dhigay kobocii dhaqaale ee sanadkan 2016 laga filayey dalalka saxaaraha ka hooseeya ee Qaaradda Afrika , isagoo Bankigu hadda saadaaliyey in kobocu ku ekaan doono 3.3%, halkii bishii Oktober 2015 la sii saadaaliyey in dhaqaalaha qaaradda afrika uu sanadka 2016 samayn doono korodh 4.4% ah. Isbedelkan…
