AL-Shabaabta ka dagaalamaysa Puntland oo Afduubay Qoysas Reer Guuraa ah DHAGAYSO

Garowe 20.March 2016 (SDN/QJ):- Kooxda Alshabaab ee ka Dagaalamaysa deegaanada Maamul Goboleedka Puntland ayaa Qafaashay qaar ka mid ah dadka ku dhaqan Deegaanka Suuj. Qaar kamid ah dadka deegaanka suuj  oo horay gacanta ugu galay Al-Shabaab ayaa kasoo baxsaday waxaana wararku ay shegayaan in ciidamada Puntland ay u soo galeen. Wararka qaar oo Niskii danbe…

Read More

“25 Sannadood-baynu qaylinaynaa, Cid aynu dhibnay ma jirto, waa maxay waxa la innagu haystaa, waa ayo Cidda aynu ku duulnay , Waa ayo Cidda aynu waxyeelaynaa?” Sheekh Aadan Siiro

Hargaysa 20.March 2016 (SDN/QJ):- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Aadan-Siira), ayaa ka hadlay Xaaladaha kala duwan ee Somaliland mareyso, waxaanu Hoggaanka Dalka iyo Dadka jecel horumarka Dalkooda ugu baaqay in la feejignaado. Sheekh Aadan-Siiro ayaa  sheegay in Maraykanka iyo Isreal go’aamiyeen in Dagaal lala galo Islaamiyiinta Suniga ah oo Somaliland ku jirto, sidaa daraadeedna Cidda…

Read More

”Shacabka Puntland waa inay ka qayb qataan Dagaalka Lagula Jiro Al-Shabab ” Sheekh C/raxmaan Qoordheer DHAGAYSO

Garowe 20.March 2016 (SDN/QJ):-Culumada gobolka Mudug ayaa markii ugu horaysay waxay ka hadashay dagaalada dawlada Puntland ay kula jirto Al-Shabaab waxayna shacabka ugu baaqeen inay ka qayb qataan hawlgalada lagula dagaalamayo.   Shiikh Cabdiraxmaan Salaad diire oo kamid ah culumadda gobolka Mudug ayaa sheegay shacabka gobolada Puntland in laga doonayo ka qayb qaadashad shacabka ee…

Read More

EUda iyo Turkiga oo markale isku dayaya inay saxeexaan Heshiiska Qaxootiga oo Muran ka taaganyahay

Brussels, 20,March,2016(SDN/QJ):-Maalintii shalay ayaa magaalada Brussels waxaa  ku kulmay Madaxda EU-da iyo Turkiga iyagoo ka hadlay  inay dhameystiraan heshiiska xal u helida qaxootiga badan ee ka imaanaya dalka Turkiga. Madaxda dawladaha Midowga Yurub ayaa xalay wakhti danbe ku gaadhay kulankoodii u gaarka ahaa oo ay ku dhameystirayeen qodobada heshiiskan, waxaana lagu wadaa in saacadaha soo…

Read More

Kadib Afar Cisho oo dagaal Socdo iyo Saraakil Puntland ah oo Retuers u sheegay inay Shabab ka dilen, 60 askari, gacanta sarana ay leeyihiin

Garowe 19.March 2016 (SDN/QJ):- Saxaafadda caalamka ayaa isha ku haysa dagaallada ka soconaya Puntland ee lagula jiro kooxo diimeed weerar kusoo qaaday xeebaha dheer ee Puntland. Wakaaladda Wararka ee Reuters oo soo xiganaysa saraakiil ciidamada ah ayaa qortay inay ciidamada Puntland illaa hadda gacanta sare leeyihiin. Dawladda Puntland waxay sheegtay in ay dileen isku gayn…

Read More

62 Qof oo ku Dhintay Diyaarad ku Burburtay Ruushka Iyo Maamulka Shirkada Fly Dubai oo Tacsi diray

Dubai  19.March 2016 (SDN/QJ):- Diyaarad ka soo duushay magaalada Dubai ee Isutagga Imaaradka Carabta, ayaa burburtay xilli ay doonaysay inay ku degto garoon diyaaradeed oo ku yaalla magaalo ka tirsan dalka Ruushka, waxaana halkaas ku geeriyooday illaa 62 qof oo ahaa dadkii diyaaraddaas saarnaa. Masuuliyiinta, ayaa sheegay in diyaaraddan oo nooceedu ahaa Boeing 737 isla markaana…

Read More

Shir-Gudoonka Golaha Wakiilada Oo Isku Bedel Ku Sameeyey Gudiyada Golahaasi Iyo Kalfadhigii 30aad Oo Saaka Furmay

Hargaysa 19.March 2016 (SDN/QJ):- Waxa Maanta si rasmi ah u furmay kalfadhigii 30aad ee Golaha wakiilada JSL, Fadhigan oo uu shir gudoominayay Gudoomiyaha Golaha wakiilada mudane Cabdiraxmaan Max’ed Cabdillaahi (Cirro) ayaa waxa mudanayaasha loogu qaybiyey Ajandaha Kalfadhigan si ay u soo akhriyaan. Sidoo kale Shirgudoonka Golaha wakiilada JSL ayaa  isku bedel xildhibaano ku sameeyey Gudiyadii …

Read More

Wasiir Cali Sandule oo Baabuurkii Ugu Deeqay In Loogu Shaqeeyo Abaaraha Gobolka Awdal ka Taagan DAAWO.

Boorama 19.March 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Mudane Cali Xasan Maxamud “Cali Sandule” ayaa mar uu maanta Booqasho ku tegay Xarunta Gobolka Awdal ee Boorama Waxa uu si rasmi ah Gaadhigiisi ugu wareejiyey Isuduwaha wasaarada Shaqada iyo arrimaha Bulshada ee Gobolkaasi si uu Baabuurkani qayb uga qaato Gurmadka loo fidinayo dadka ku…

Read More

Askar 8 Sanno ku Jiray Gacanta dawlada Eretria oo dib loogu celiyey Dalkooda Jabuuti Iyo Dhacdo la Yaableh oo ay Sameeyeen DAAWO

Jabuuti 19.March 2016 (SDN/QJ):- Waxaa Dalka Jabuuti dib loogu celiyey afar askari oo mudo sideed sanno ah Gacanta ugu jiray Taliska Eretria ,soo daynta askartan waxaa qayb libaaxle ka qaatay dawladda Qatar. Xubnaha askarta ah ayaa markii diyaaradii ay la socdeen soo cago dhigatay Madaarka Jabuuti ayaa Waxay u Suujuudeen Ilaahay iyagoo dhunkaday Ciida. https://www.youtube.com/watch?v=RL4XvHUinj8

Read More

Wasiiro ka tirsan xukuumadda oo baajiyey shirar iska soo horjeeda oo lagu khal-khal galinayo saldanada Subulaha illaa Saaxil

Hargaysa 19.March 2016 (SDN/QJ):- Wasiiradda ka soo jeeda Galbeedka, Waqooyiga iyo Koonfurta Hargeysa ayaa saaka baajiyey shir lagu taageeri lahaa Suldaan Xasan Suldaan C/laahi, kaasoo ka dhici lahaa Hotel Xaraf ee Hargeysa, kadib markii ay balanqaadeen inay joojinayaan shir ay xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye soo abaabuleen oo ay berry ku caleemo saari lahaayeen Suldaan kale…

Read More

“Sideedadaba madaxweynuhu markasta oo uu dibadda u baxayo ma kaxaysto wasiirka arrimaha dibadda…” Wasiir Sacad

Hargaysa 19.March 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa sheegay inaanay jirin sabab qarsoon oo uu uga hadhay weftiga Madaxweyne Siilaanyo ee dalka Kuwait safarka ku tagay, waxaanu sheegay inuu u hadhay hawlo qaran oo uu dalka gudihiisa ka waday. Wasiir Sacad, oo Geeska Afrika u waramay wuxuu ka jawaabay su’aalo…

Read More

Marka Shiinuhu Hindhiso ayaa Hargabku Afrika ku dhacaa, Faallo : Nicholas Norbrook

Xilli ay dalalka badeecadaha u dhoofiyaa dareemayaan qaniinyo kaga imanaysa hoos u dhaca dhaqaale ee dalka shiinaha ku habsaday mudooyinkii u dambeeyey, hadana hoos u dhaca qiimahaasi waxa uu dhanka kale caawin karaa qaaradda baahida dheeraadka ah u qabta isbedel dhaqaale oo ay smayso. Taariikhda aadmaha hore uma soo marin in si degdeg ah ay…

Read More

Shacab Iyo Dawladba Aynu U Midowno Samato-bixinta Dadkeenna Xabaasha Qarka U Saaran!

Tabaalaha abaaraha kulul ee ku hawaarsaday Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa gaadhay heer xanuun  badan. Waxa shalay ku dhintay  laba qof oo cusub deegaanka  Fardo lagu xidh oo ka tirsan degmadda Lughayaha ee gobolka Awdal ee habasaha abaartu taseeyeen. Labadan qof ee dhintay waxay ka dhigayaan dadka ku naf waayay  Gobolka Awdal  macaluul iyo haraad dartood siddeed…

Read More

Ninkii looga shakisanaa inuu ku lug lahaa weerarkii Paris oo lagu qabtay Belgium

Brussels — Saleh Abdesalam oo looga shakisanaa weeraradii Paris lagu qaaday bishii November ee sanadkii hore ayaa gacanta lagu dhigay, isagoo dhaawac ah, kadib markii howl gal Ciidamada Booliska iyo kuwa Kumandoska Belgium ka sameeyeen meel ka mid ah magaalada Brussels. Ninkan ayaa dhuumaaleysi ku jiray tan iyo markii uu dhacay weerarkii Paris, waxaana la…

Read More

AKHRISO:- Guddida Guud Ee Beel-waynta Ciidagale Oo War Qoraal Ah Kasoo Saartay Muranka Ka Taagan Banka Qool-cadey

Ku : Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha Ku: Xoolo Dhaqatada Deegaanka Ku: Bulshadda Deegaanka Qoolcadey Ujeeddo: Guddida Guud ee SAHAN- BARWAAQO Waa in Loo Dabo Fadhiistaa Arrinka Banka Qoolcadey. Muddo hada laga joogo saddex bilood Beesha Daauud ismaciil (Ciidagale) shirweynihii beeshu waxay si rasmi loogu doortay Xubnaha cusub ee Guddida guud ee beesha Ciidagale, Guddidan oo ah…

Read More

Daawo: Madaxweynaha Somaliland oo dalka ku soo laabtay Jawaab Adagna ka bixiyey Weerarkii Jabuuti

Hargeysa (SDN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo waftigii uu hogaaminaayay ayaa maanta dalka dib ugu soo guryo noqday, ka dib markii ay soo dhamaysteen  boqasho ay ku joogeen muddo afar maalmood ah boqortooyada Kuwait  halkaas oo uu ku marti-qaaday Amiirka dalka Kuwait  Sheikh Sabah Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah. Mid ka mid…

Read More

Masrixiyad Murugo leh oo Dareenka Qofka Halacsada Saamayn ku reebaysa oo laga Sameeyay Kufsi Waddareedka loo Gaysto Hablaha DAAWO

Hargaysa 18.March 2016 (SDN/QJ):- Kufsiga haweenka loo gaystaa Waa dhaqan Xumo,Waxaa Nolosha lagaga ciyaarayaa Gabadh Mustaqbal fiican ku naaloonaysay Waxaa la dhaawacayaa Sumcadii ay Bulshada ku dhex lahayd. Waxay noqotay Caado Bulshada Somaliyeed aad ugu faaftay in Tacadiga iyo dhagarta noocaas ah lagu dhameeyo Xaal ay Odayaal kala qaataan,Waxaa halkaas ku soo afjarmaya Yididiiladii Gabadha…

Read More

“Itoobiya Ma Aqoonsana Khaatumo, Waxaanu Raadinaa Maleeshiyaadkooda” Berhe Tesfaye, Safiirka Itoobiya Ee Somaliland

Hargaysa 18.March 2016 (SDN/QJ):- Danjiraha Itoobiya u fadhiya Somaliland Brig Gen, Mr. Berhe Tesfaye, ayaa shaaca ka qaaday in adkaynta iyo xoojinta iskaashiga amaanka u yahay muhiimada koowaad madaxda Somaliland iyo Itoobiya, isla markaana wadaxaajood dheeraad ah oo la xidhiidha dhowaan ka dhici doono Magaaladda Hargeysa. Mr. Tesfaye, safiirka Itoobiya ee Somaliland oo wareysi gaar…

Read More