Kulan looga hadlayo Xuquuqul Insaanka oo ay yeesheen Mas’uuliyiin sare oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

    Muqdisho Jan 09 2013 (SDN)- (Warsaxaafadeed)- Waxaa galabta shir albaabada u xirnaa ku yeeshay xarunta madaxtooyada Villa Somaliya gaar ahaan xafiiska  Gudoomiyaha Baarlamaanka federaalka soomaaliya , Mudane Maxamed Sheikh Cusmaan Juwaari, Gudoomiye Kuxigeenka Baarlamaanka Jeylaani Nur Iikar iyo Gudiga baarlamaanka u qaablisan Xaquuqul Insaanka, Haweenka iyo Arimaha Bini-aadanimada oo dhawaan gudoomiye loo doortey Xildhibaan  Khadijo…

    Read More

      C/raxmaan Faroole oo sanad cusub ku darsaday sii heynta Xilka Madaxtinimo ee Puntlanda, shaciyayana waqtiga ay dhaceyso doorashada cusub

      Garoowe Jan 09 2013 (SDN)- Madaxweynaha Maamulka Puntland  ayaa xalay xaflad uu ku qabsaday Magaalada Garoowe ee caasimada maamulkaasi waxa uu ku shaaciyay in wali uu sigau Madaweyne ka yahay Puntland islmarkaana doorasha dalkaasi ay dhici doonto 2014ka.  Faroole oo ay qudbadiisu meelo bada taabaneysay ayaa waxa uu Amaanay 4tii sano ee uu xilka soo…

      Read More

        Xus loogu baroordiiqayo Dhalin yaradii ku Geeriyootay Mudaharaadkii ay ku diidanayeen natiijada doorashada oo Hargaysa lagu qabtay.

        Hargaysa 08.Jan.(SDN) Haween weynaha degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa ayaa Xukuumada uu Hogaamiyo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Siilaanyo waxay ku eedeeyeen Mudaharaadadii ka dhacay Caasimada hargaysa kadib markii ay soo baxday natiijadii hor dhaca ahayd ee doorashadii deegaanka iyagoo cadeeyay inaanay Maskaxdooda ka baxayn barbaartii ku nafweyday Mudaharaadkii Nabadgalyada ahaa ee ay sameeyeen…

        Read More

          Wasiirka Ciyaaraha oo daboolka ka qaaday in tartankii Ciyaaraha Gobolada dalku uu 15bishan ka furmi doono Caasimada Hargaysa.

          Hargaysa.08.Jan (SDN) Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Somaliland Mudane Cali Siciid Raygal ayaa maanta sheegay in 15ka bishan aynu ku guda jirno ee January   si rasmi ah u bilaabmi doonaan Ciyaarihii Gobolada Somaliland. Waxa uu Wasiirka Dhalinyarada Ciyaaraha iyo Dalxiisku uu tilmaamay in tartankan oo marxalado kala duwan soo maray ay ku faraxsan yihiin…

          Read More

            Wakiilka Midowga Africa oo la kulmay Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya Maxay kawad hadleen?

            Muqdisho Jan 08 2013 (SDN)— Wafdi uu hogaaminayay Wakiilka gaarka ah ee u qaabilsan Midowga Africa Soomaaliya Salax Alnadif oo soogaray Muqdisho ayaa kulan looga hadlayay howlaglka AMISOM ay kawado Soomaaliya waxa uu la qaatay mas’uuliyiinta dowaldda.  Kulanka kaddib aya waxaa siwada jira ah saxaafadda u la hadlay Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga qaranka iyo…

            Read More

              Ciyaartoyga Gobolada Saaxil iyo Gebilay oo yeeshay Ciyaar Saaxiibtinimo,iyo Gudoomiyaha Gobolka Saaxil oo ka hadlay Qorshayaasha Waxqabad ee Sannadkan

              Hargaysa.08.Jan (SDN) Gudoomiyaha Gobolka Saaxil oo ay Weheliyaan Maayarka Magaalada Berbera,Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Gebilay iyo Mas’uuliyiin kale ayaa  ka qayb galay Ciyaar saaxiibtinimo oo ay wada yeesheen labada Xul ee Gobolada Saaxil Iyo Gebilay. Ciyaartan oo labada Xul ku dhex martay Garoonka Kubada Cagta ee Cabdale Stadium,ayaa ujeedadeedu ahayd sidii xidhiidh isbarasho u dhex…

              Read More

                Golaha Wakiilada oo Ansixiyay Mas’uuliyiin Madaxweyne Siilaanyo Magacaabay

                Hargaysa.08.Jan (SDN) Golaha Wakiilada ee Somaliland ayaa fadhigoodii Maanta Cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Wasiirka Wasaarada Dibu dejinta ee Somaliland Mudane Saleebaan Ciise Axmed Xaglo Toosiye iyo Wasiir ku xigeenka Wasaarada Macdanta,Biyaha iyo Tamarta ee Somaliland Md Cabdisalaan Maxamed Xasan.   Fadhigan oo uu Shir Gudoominayay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane C,raxmaan Maxamed C.laahi Cirro ayaa…

                Read More

                  Wakiilka Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo soo gaaray Muqdisho

                  Muqdisho Jan 08 2013 (SDN)- Wafdi uu hogaaminayo Wakiilka gaarka ah ee u qaabilsan Arrimaha Ururka Midowga Africa ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho kuwaasi oo siweyn loogu soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade. Saleh Annadif, wakiilka cusub ee MidowgaAfricau qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ayaa waxa socdaalka uu ku soo gaaray Magaalada Muqdisho maanta ku…

                  Read More

                    Maraykanka oo Ciidamo u soo diraya wadama ay Soomaaliya ku jiro oo qaarada Africa ah

                    WashingtonJan 08 2013 (SDN)— Maamulka madaxweyne Barak Obama ayaa cadeeyay in 3,500-askari oo ka socda Maraykanka ay soo gaari doonan wadamo gaaraya 35-wadan oo ay kamid tahay dalka Soomaaliya.  Warkan oo laga so saray Wasarada Difaaca Maraykanka ee Bantigoonka ayaa lagu sheegay in hadafka ciidamadasi uu noqon doono sidi looga hortagi lahaa koxaha Al-Qaacidda ee…

                    Read More

                      Dowladda Talyaniga oo sheegtay in ay sii xoojineyso taageerada ay siiso Soomaaiya tababarna siineysa Ciidan boolis ah (Sawirro)

                      Rome Jan 08 2013 (SDN)— Dowlada talyaniga ayaa shaaca ka qaaday in ay wado qorshe ay ku xoojineyso amaanka iyo xasiloonida dalka Soomaaliya iyo balaarinta taageerada ay siineyso dowlada iyo Shacabka Soomaaliyeed.  Wasiirka arimaha dibada dalka Talyaniga Guilio Terzi ayaa ka dhawaajiyay in ay daneynayaan kordhinta taageerada ay siiyaan Soomaaliya,isagoo taasi ka duulayana waxa carabka…

                      Read More

                      Lionel Messi oo Ku Guuleystey Markii Afraad oo Isku Xigta Abaalmarinta (The Fifa Ballon D’Or Award) (By Jaahuur)

                      Zurich-Jan-07-2012-qurbejoognews.com-Akhyaartay qormadeena ciyaaraha waxeynu ku lafagureynaa mucjisada kubadda cagta ee qarnigan(Lionel Messi) oo ku guleystey markii afaraad oo isku xigta abaalmarinta (The Fifa Ballon D’Or Award). 25-tan jirkan reer Argentin Messi ayaa loo gartey ama loo xuley inuu ciyaaryahanka kubadda cagta u fiican Koonkan aynu ku nool nahay ee ilaahay abuurtey . Mucjisadani waxaa la…

                      Read More

                        Shacabka Degmada Bali Gubadle oo Xukuumada ka dalbaday inaan la curyaamin dhaqaalaha Kastamka iyo Maamulka degmada oo fariin u diray Wasiirka Maaliyada

                        Hargaysa 07.Jan.(SDN) Dadweynaha ku dhaqan Magaalada Bali Gubadle ee Xarunta u ah Gobolka Hawd ayaa maanta si adag uga hor yimi in Kastamka degmadaas oo Maalmihii u danbeeyay laga cashuuray gaadiid badan oo qaad sida in loo wareejiyo hawshiisii Kastamka Kala baydh. Waxay dadweynahani Tilmaameen in Wasiirka Maaliyada Mudane C.Casiis Maxamed Samaale uu ku hawlan…

                        Read More

                          Golaha Wakiilada oo Meel Mariyay Xeerka Aasaaska Komiishanka Maamul wanaaga

                          Hargaysa 07.Jan.(SDN) Fadhigii maanta ee Golaha wakilada JSL  ayaa Xildhibaanada Goalahaasi  waxay duuduub ku ansixiyeen xeerka aasaaska Kumishinka maamul wanaagga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa.   Fadhigan oo oo uu shir gudoominayey gudoomiyaha Golahaasi Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa waxaa mudanayaasha loo akhriyay Xeerkan oo ka kooban sagaal iyo Toban qodob kana soo noqday Golaha Guurtida…

                          Read More

                            Wasiirka Cadaalada oo dhaqan galiyay Go’aan ka soo baxay Gudida Cadaalada,Halkan ka Akhri Dhamaanba Xubnaha Isku shaandhayntu Saamaysay

                            Hargaysa 07Jan.(SDN) Qoraal ka soo baxay Maanta Wasiirka Wasaarada Cadaalada iyo Garsoorka ee Somaliland Mudane Xuseen Axmed Caydiid ayuu ku fuliyay go’aan ka  soo baxay Gudida Cadaalada kaas oo nuxurkiisu ahaa Bedelaad Garsoorayaal,Xeer ilaaliye yaal ,Shaqo ka saarid iyo Magacaabis . Qoraalkan oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Shabakada Wararka ee SDN ayaa lagu…

                            Read More

                              Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya oo sheegay in ay siiwadayaan taageerida Soomaaliya

                              Muqdisho Jan 07 2013 (SDN)— Ergayga gaarka ah ee Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Mahamat Annadif ayaa Madaxweynaha Soomaaliya iyo dowladiisa iyo shacabka Soomaaliyeed ugu hanbalyeeyay munaasabada 41 sanad guuradii ka soo wareegatay markii la aas aasay ciidamada Hay’ada Sirdoonka Soomaaliya iyo dib u furitaanka xarunta hay’ada sirdoonka Soomaaliya.  Waxuu sheegay Erayga gaarka ah…

                              Read More