Muxuu Ogyahay Madaxweyne Axmed Siilaanyo ee aaney Somaliland iyo Soomaaliyaba ogeyn?

    Ottawa April 10,2012(SDN)-Madaxweynaha Somaliland ayaa Intii uu xilka la wareegay waxa uu si aan leex leexad laheyn maalinba maalinta ka danbeysa ugu sii dhiiranayay “wadahadal”dhexmara Somaliland iyo Soomaaliya. Suaashuse waxa ay tahay maxaa isbedelay oo soo dedejiyay isbedelkan furfuray haykalkii dawladeed ee dalku mudada dheer ku soo dhabar jabay dhisidiisa? Waxa qudha ee isbedelay waxa…

    Read More

      Agaasimaha Cusub ee Wasaarada Kaluumeysiga Somaliland oo xilkii la wareegay

      Hargeysa April 10,2012(SDN)-Wasiirka wasaaradda Kaluumaysiga iyo Kheyraadka Badda ee JSl Mudane Cabdilaahi Jaamac Cismaan Geeljire ayaa maanta si rasmi ah xilkii ugu kala wareejiyey Agaasimahii guud ee  hore ee Wasaarada iyo Agaasimaha  guud ee dhowaan loo magacaabay. munaasabadda oo ka dhacday Hotel Summer-Time waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaano, Salaadiin iyo…

      Read More

        Shirweynihii 1aad ee Ururka UDHIS oo Hargeysa ka Furmay

        Hargeysa April 10,20129SDN)- Shirweynihii 1-aad ee Urur Siyaasadeedka Udhis oo socon doona mudo laba cisho ah ayaa ka furmay huteelka Crown ee Caasimada Hargaysa. Shirweynahan 1aad ee Ururka Udhis waxaa furitaankiisii ka qaybgalay ergooyinka ka qayb qaadanaya mudada uu socdo ee laamaha Gobolada iyo degmooyinka dalka,,Xubin ka Tirsan Gudida Diiwaangelinta ururada siyaasada iyo ansixinta Xisbiyada Qaranka,…

        Read More

          Shirwenihii 1aad ee Ururka Rays oo maanta Hargeysa ka furmay

          Hargeysa April 10,2012(SDN)-Shirweynihii 1-aad ee Urur Siyaasadeedka Rays ayaa Maanta si rasmi ah uga furmay Huteelka Xaraf ee Caasimada Hargaysa isla markaana lagu doortay Hogaanka Urur siyaasadeedka Rays. Waxaa Shirweynahan ka qayb galay ergooyin ka kala yimid gobolada iyo degmooyinka dalka, Mas’uul ka socday Gudida Diiwaangelinta ururada siyaasada iyo ansixinta Xisbiyada Qaranka, Xildhibaano ka tirsan…

          Read More

            Urur Siyaasadeedka NDP oo shaaciyay xiliga Shirweynahooda

            Hargeysa April10,2012(SDN)-Gudoomiyaha urur siyaasadeedka Nabada,Dimuquraadiyada iyo Barwaaqada ee Somaliland Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa Maanta ku dhawaaqday inay 14 bishan qaban doonaan Shirweynahoodii 1aad. Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka NDB oo u waramaysay Saxaafada ayaa u mahadcelisay dhamaanba ummada reer Somaliland gaar ahaan haween weynaha oo kaalin firfircoon ka qaatay hawl galada urur siyaasadeedka Nabada,Dimuquraadiyada iyo Barwaaqada…

            Read More

              Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Somaliland oo la guddoonsiiyay Kutub laga qoray goob Taariikhi ah

              Hargeysa April 10,2012(SDN)-Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, warshadaha iyo dalxiiska Somaliland Md. C/Risaaq Khaliif Axmed, ayaa maanta kulan lagu qabtay Wasaaradaasi kula wareegat 500 oo buug oo ku saabsan macluumaadka ku duugan goobta qadiimiga ah ee Laas-geel taas oo ay soo daabaceen khubaro faransiis ah oo aqoon u leh ataarta qadiimiga ah kana socday Jaamacadda weyn oo…

              Read More

                Budhcad-badeeda Soomaalida oo afduubay Markab kuwa Kiimikada qaada ah iyo 22 Shaqaale ah

                Delhi 10, April 2012 (Qurbejoog.com)- Budhcad-badeed Soomaali ah, ayaa afduubay Doon Imaaraadka Carabta laga leeyahay oo ay saarnaayeen 22 qof oo shaqaale ahi. Siday ku warantay News24, Markabkaa waxa laga qafaashay biyaha dalka Cumaan, iyadoo 22-ka shaqaalaha ah ee la socdayna ay ku jiraan 17 la-haysteyaal ah oo u dhashay dalka Hindiya. MV Royal Grace…

                Read More

                  Xukuumadda Somaliland oo dhaqangelisay korodhsiimo Cashuureed oo ay sanadkan 2012 ku soo rogtay Liisamada

                  Hargeysa 10, April 2012 (Qurbejoog.com)- Xukuumadda Somaliland ayaa dhaqangelisay korodhsiimo Cashuureed oo ay sannadkan 2012 ku soo rogtay liisamada Gaadiidka. Sida ku cad qoraal uu wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale soosaaray oo ku taariikhaysan 09/04/2012, isla markaana tixraacaysa qoraal Madaxweynuhu ku dhaqangeliyay lifaaqa wax-ka-bedelka Tacriifada Liisamada, wasiirku waxa uu dhaqangeliyay wax-ka-bedelkaa Cashuureed ee lagu kordhiyay…

                  Read More

                    Wasiirka Caafimaadka oo ka hadlay eedaymo loo jeediyay Wasaaraddiisa iyo Cusbitaalka Guud

                    Hargeysa, 10, April 2012 (SDN)- Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Somaliland Dr. Xuseen Maxumed Maxamed (Xoog) oo shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa jawaab adag ka bixiyay, beeniyayna waxa uu ugu yeedhay Hadal aan Xaqiiqda ku dhisnayn oo ay Faafiyeen qaar ka mid ah Warbaahinta Maxaliga ah oo ay wax kaga sheegayaan adeega Cisbitaalka…

                    Read More

                      Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo maanta xafiiskiisa ku kulmiyey Hay’adaha Gargaarka si barakacayaasha Muqdisho wax loogu qabto

                      Muqdisho April 10,2012(SDN)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta xafiiskiisa isagu yeeray hay’adaha Gar-gaarka Bani’aadanimo oo laga wada hadlay sidii wax loogu qaban lahaa barakacayaasha Muqdisho oo loogu heli lahaa degaan ay ka heli karaan dhammaan adeegyada bulshada.   Kulankan waxaa ka soo qeybgalay Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Ku xigeenka Xiriiriyaha Qaramada…

                      Read More

                        Qunsulka Soomaaliya u fadhiya Shiinaha Mudane Cawaale Cali Kullane oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Debadda dalka Shiinaha Mr.Yang Jiechi

                        Beijing April 10,2012(SDN0-Waxa dhawaan kulan qado sharaf ah oo ka dhacay caasimadda dalka Shiinaha wada yeeshay Qunsulka Soomaaliya ee  dalka Shiinaha Mudane Cawaale Cali Kullane iyo Wasiirka Arrimaha Debadda dalka Shiinaha  Mr.Yang Jiechi Kulankaas oo looga hadlay arrimo la xiriira xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Shiinaha, sidoo Qunsulka Soomaaliyeed, ahna ku xigeenka Madaxa Safaarada…

                        Read More

                          Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay Qaraxii Baydhabo

                          Muqdisho April 10,2012(SDN0-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa si kulul u cambaareeyey falkii Qaraxa Miinada ee kooxaha Al-Qaacida ee Soomaaliya ay maanta ka fuliyeen Suuqa Baydhabo oo ay shacab fara badan ku dhinteen, qaarna ku dhaawacmeen. Ra’iisul Wasaarahu wuxuu dhammaan shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey falkan foosha xun, isagoo si gaar ah ugu tacsiyeeyey…

                          Read More

                            Guddida Xuquuqul Insaanka Somaliland oo Booqday Xabsiga Mandheera

                            Hargeysa April 09,2012(SDN)-Gudoomiyaha Komiishanka Xuquuqul Iinsaanka Qaranka Marwo Aamina C.laahi Axmed oo ay Weheliyaan Xubno ka tirsan Komiishankan ayaa Maanta Kormeer hawleed ku tagay Xabsiga Mandheera. Ujeedada kormeerkooda  Xubnaha Komiishanka Xuquuqul iinsaanku ayaa la xidhiidhay u kuurgalida nolosha dhabta ah ee maxaabiista waxaanay xog warano la yeesheen Maxaabiista iyo  Madaxda Xabsiga Mandheera. Gudoomiyaha Komiishanka Xuquuqul…

                            Read More

                              Madaxtooyada oo faahfaahin ka bixisay hawsha loo igmaday Guddi loo magacaabay wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya

                              Hargeysa, 09, 2012 (SDN)- Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa Maanta faah-faahin ka bixiyey gudidii Wasiirada ahaa ee Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland u Magacaabay qaban qaabada iyo diyaar garowga wada hadalada ay Somaliland la yeelan doonto Somalia. Afhayeenka Madaxtooyadu waxa uu tilmaamay in Gudidani  yihiin kuwo farsamo oo diyaarin doona ajandaha iyo qaabka wada…

                              Read More

                                Magacyada hogaanka cusub ee loo doortay Ururka WADANI

                                Hargeysa, 09, April 2012 (SDN)- Shirweynaha Urur Siyaasaddeedka WAADANI oo lagu doortay Guddoomiye, shan Guddoomiye ku-xigeen iyo Xoghaye Guud, Golaha Fullinta iyo Gole dhexe. Maalintii labaad ee Shirweynaha 1aad ee Urur Siyaasaddeedka WADANI, ayaa qorshaheedu ahaa doorashada Hogaanka Ururka, Golaha Dhexe iyo Fullinta. Waxa hogaanka cusub e Ururka WADANI loo doortay; 1-      Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed…

                                Read More

                                  Xildhibaan Bukhaari oo dhaliilay guddiga uu Madaxweyne Siilaanyo u saaray wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya

                                  Hargeysa 09, April 2012 (Qurbejoog.com)- Xildhibaan Saleebaan Cawad Cali (Salebaan Bukhaari) oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiilada, ayaa maanta xog-waran uu saxaafada siiyay kaga hadlay Gudida shanta Wasiir ka kooban ee ay Xukuumadu u saartay wadahadalada Somalia. Xildhibaan Salebaan Bukhaari, waxa uu aad ugu naqdiyay qaabka ay Xukuumadu Somaliland u waajahayso wadahadalka Soomaaliya iyo…

                                  Read More

                                    Agaasimaha Iddaacada Radio Hargeysa oo tababar u furay xubno ka tirsan Bulshada Rayidka,Booliska iyo Ururada Dhalinta

                                    Hargeysa April 09,2012(SDN)-Agaasimaha waaxda idaacadda wasaarada warfaafinta Siciid Aadan Cige ayaa maanta Tababar ku saabsan xalinta khilaafaadka  uga  furay  Huteel Cali Jirde ee Magaalada Hargeysa  afartan xubnood ka kala socday ururada Bulshada Rayidka ah ,xuquuqul in saanka, Booliska  iyo ururada dhalinyada ah. Tababarkan oo socon doona muddo afar maal-mood ah waxa  fulinaysa Hay’adda  HPA , …

                                    Read More