Dawlada Suuriya oo sheegtay in Mucaaridku ku fashilmay Afganbi ay damacsanaayeen
Dimishiq Mar 31,2012(SDN)-Afhayeen maanta u hadlay dawladda Suuriya oo lagu magacaabo Jihaad Maqdasi, ayaa sheegay in ay ku fashilmeen mucaaridkii dalku ee doonayey inay afgambiyaan xukuumadda Suuriya, hase yeeshee uu dagaalka ka socda dalka yahay sidii loo soo celin lahaa xasiloonidii iyo kala dambayntii. Afhayeenku wasxa uu intaa raaciyey in dawladda Suuriya aqbashay qorshaha nabadda …
