Daawo:Madaxwaynaha Oo Maanta Ka Hadlay Qalalaasaha ka Taagan Gobalka Awdal Iyo Suldaanka Sheegay Inuu Ka Goostay Somaliland Iyo Waliba Khilaafka Musharaxnimada Xisbiga Kulmiye Dhexdiisa

    Hargeisa 2/1/2015(SDN/QJ)madaxwaynaaha somaliland axmed maxamed siilanyo ayaa maanta ka hadlay xaalada suldaanka  awdal ee ku dhawaaqay inuu ka goostay  somaliland taasi  oo ay raacen isga iyo ciidan taabacsan  waxa kale oo uu ka hadlay  arinta musharaxnimada  xisbiga kulmiye dhexdiisa ee baryihii ugu danbeeyey muarku ka taagnaa https://www.youtube.com/watch?v=ki_DQWGvG8A Hargeisa SDN/QJ Concat@somalidiasporanews.com

    Read More

      “Waa la yaab Suldaan Qori qaatay, cid kasta oo ka talawda xuduuda qaranimadana,Ciidamadu waxa ay ku amran yihiin in ay gacan buuxda ku qabtaan.”Madaxweyne Siilaanyo

      Hargeysa:Jan,02,2014(SDN/QJ)-Madaxweyne Siilaanyo, ayaa Hadal xafiiskiisa lagaga soo duubay oo saxaafadda loogu talay, waxan uu kaga Hadlay arrimo shacabku dhexdiisa laga hadal hayo oo ay kamid yihiin Arrinta Suldaan Wabar oo dhawaan ku dhawaaqay hadallo ka dhan ah Qaranimada somaliland. Madaxweyne Siilaanyo oo Hadalkiisani ahaa mid loogu talo galay Curashada sanadka cusub ee 2015-ka, ayaa suldaanka…

      Read More

        Maxkamadda Sare Ee Kenya Oo Hakisay Sharci Argagixisida Loogu Tala galay Oo Xukuumaddu Dabada Ka Riixaysay

        Nairobi:Jan,02,2015(SDN/QJ)-Maxkamadda sare ee Waddanka Kenya, ayaa hakin saartay Sharci cusub oo ka dhan ah Argagixisada, kaas oo xukuumadda waddankaasi si weyn ugu  taabayso hirgelintiisa. Sharcigan, ayaa waxa  uu Golaha Baarlamaanka Kenya ka dhex abuuray buuq iyo sawaxan gaadhay in gacmaha la iskula tago, waxana dawcad ka dhan maxkamadda usoo gudbiyey Mucaaridka dalkaasi. Sharcigan  ayaa ansixinta…

        Read More

          Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilanyo Ayaa Maanta Khilaafka Ka Soo Cusboonaday Musharxnimada Xisbiga Kulmiye Dhexdiisa

          Hargeisa 2/1/2015(SDN/QJ)Waxaa muuqatay is-maandhaaf iyo hirdan kaadirkii Xisbiga Kulmiye qaar ka mid ahi ay maalmahan saxaafaddu soo bandhigaysay damacooda siyaasadeed ee ku wajahan kursigan aan ku fadhiya. Waxaan leeyahay Kursigan anigaa ku fadhiya oo xisbigu ii gartay mustaqbalkana waan sharraxanahay, saxna maaha in aad isku kay dul-qabsataan wixii iga dambeeya Ilaahay ha ina gaadhsiiyo, Xisbiguna…

          Read More

            Madaxweynaha Somaliland Ayaa Maanta ka Hadlay Arrimaha Suldaan Wabar Oo Baryihii Ugu Danbaysay Gobalka Awdal Fadqalale Ka Taagna

            Hargeisa 2/1/2015(SDN/QJ)Salaan qiimo badan kadib, waxaan hambalyo u dirayaa dhammaan dadka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan munaasibadda sannadka cusub ee 2015-ka, waxaan u rajaynayaa nabad, horumar iyo barwaaqo, Qaranka Somaliland-na waxaan u rajaynayaa Guul iyo Gobanimo iyo inaynu gaadhno Himiladeena Qaran oo ah Dawladnimo taam ah oo caalamku aqoonsanyahay, In sha-Allaahu waynu gaadhi-doonnaa,…

            Read More

              Ganacsade Soomaaliyeed Oo Lagu Arkay Astaamaha Cudurka EBOLA Gudaha Dalka Somalia

              Warmaxan:Jan,02,2015(SDN/QJ)-Saraakiisha ugu sarraysa xarumaha Caafimaadka Gobolka Shabeelaha Hoose, ayaa sheegaya inay arkeen Qof ay ka muuqdaan Astaamaha Cudurka Halista ah ee Ebolaha, kaas oo goob cisbitaal ah la keenay. Saraakiisha Caafimaadka G/Sh/Hoose, ayaa sheegay in ruuxaani ay ku arkeen Deegaanka Warmaxan, markii baadhitaan lagu sameeyeyna uu ka muuqday xanuunka iyo astaamihii uu caanka ku ahaa…

              Read More

                Hoggaankii Xukuumaddu Dhawaan SOLJA U Cumaamadday Oo Safaf Dhaadheer u Galay Soo Dhaweynta Wasiir Cukuse, Xilli Janaasaddii Maxamed-rashiid Sii Qoyan tahay

                Hargeysa:Jan,02,2015(SDN/QJ)-Hoggaanka Xukuumaddu Taageerto ee dhawaan la wareegay Hoggaanka Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja, ayaa shalay Safaf dhaadheer u galay Soo dhaweynta Wasiirka Warfaafinta Dalka oo shalay soo guryo noqday. Xubnahan oo uu hoggaaminayey Guddoomiye Xuuto, isla-markaana ay hareero socdaan Xubno lagu daray Golaha dhexe ee Ururka, ayaa ku keliyeystay Soo dhaweynta Wasiirka, waxana Warbaahinta Dawladda…

                Read More

                  Weerar Khasaare Dhaliyey Oo Shabaabku Ku Qaadeen Deegaano ku Yaalla Gudaha Dalka Kenya

                  Lamu:Jan,02,2015(SDN/QJ)-Kooxo dablay ah, ayaa galabnimadii shalay weerar gaadmo ah ku qaaday Gawaadhi ciidanka Booliska Kenya leeyihiin oo marayey Waddo u dhaw Deegaanka Milimani Xeebta Lamu. Wararka, ayaa intaas ku daraya in kooxdu rasaas oodda kaga qaadday Gaadiidkaa, isla-markaana ay khasaare nafeed gaadhsiisay cidankii Gawaadhida saarnaa. Ugu yaraan Saddex askari, ayaa lagu soo warramayaa inuu dhaawac…

                  Read More

                    Sirdoonka Maraykanka Oo Madaxtooyda Somalia Kala Baxay Sarkaal Turki ah Oo Ka Shaqaynayey

                    Muqdisho:Jan,02,2014(SDN/QJ)-Wararka naga soo gaadhay Aqalka Madaxtoyada somalia, ayaa sheegaya in ciidamo hubaysani ay shalay maqribkii xoog ku qaateen sarkaal turki ah  oo ka shaqaynayey madaxtooyada dalka. Wararka, ayaa intaas ku daraya in  Ciidamada sarkaalkaas kaxaystay ay ahaayeen Sirdoon maraykan ah oo muqdisho ku sugan, waxana ay geeyeen sarkaalkii dhinaca aqalka Taliska u ah AMISOM ee…

                    Read More

                      Al-shabaab Oo Laga Dilay Sarkaal Sare Oo Qaabilsanaa Degmada Kurtiwaarey

                      Kurtiwaarrey:Jan,02,2015(SDN/QJ)-Xooggaga Ururka Al-shabaab, ayaa la sheegayaa inay markale waayeen Taliye sare oo u qaabilsanaa Deegaanka Kurti waarey ee Gobolka Shabeelladda Hoose, kadib markii uu ku dhintay dagaal ay la galeen ciidanka Dawladda. Wararka aanu Hayno, ayaa sheegaya in ninka la dilay magaciisa la odhan jirey Ibraahim Fiiley, isla-markaana uu ahaa Taliska Al-shabaab u qaabilsan Deegaanka…

                      Read More

                        Xaruntii Dallada Sonyo oo Ciidamadu la Wareegeen iyo Sababaha Keenay Baqdintan Cusub

                        Hargaysa 01.Jan 2015 (SDN/QJ)- Xukuumadda Somaliland, ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo, ayaa sheegtay in ay ciidamadda ammaanku la wareegeen gebi ahaan-ba xaruntii dhexe ee weynayd ee dallada dhallinyarada SONYO, iala markaana si buuxda loo xanibay dhammaan hantidii dallada SONYO, sida gaadiidka, qalabkii xafiisyada buuxdda, iyo Account-kii, isla markaana la kala diray shaqaalihii iyo hawl-wadeenadii dallada SONYO,…

                        Read More

                          Wasiir Cukuse oo Maanta Hargaysa ku Soo Laabtay Amar Cusubna ku soo rogay Warbaahinta Xukuumadu Maamusho DAAWO

                          Hargaysa 01.Jan 2014 (SDN/QJ)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Mudane C.laahi Maxamed Daahir Cukuse oo in Mudo ah Socdaal ku marayay Wadamo ka Tirsan Qaarada Yurub ayaa Galabta dib ugu soo laabtay Caasimada dalka ee Hargaysa. Wasiir Cukuse Waxa uu Tilmaamay in Tabashada ugu Weyn ee Qurbejoogta Somaliland ee uu la Kulmay ay si weyn…

                          Read More

                            Wasiirka Madaxtooyada oo Safar Kadis ah ku tagay Magaalada Burco iyo Nuxurka Kulan uu la Yeeshay Hogaanka Dhaqanka Gobolkaas DAAWO

                            Burco 01.Jan 2015 (SDN/QJ)- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa Magaalada Burco Kulan balaadhan kula qaatay Madaxda Dhaqanka ee Gobolka Togdheer. Wasiirka Madaxtooyada oo uu Weheliyo Wasiirul Dawlaha Wasaaradda Maaliyada Mudane Cismaan Saxardiid Cadaani ayaa Waxaa kale oo Kulankaas kala qayb galay Maamulka Heer Gobol iyo Mid Degmo ee Gobolka Togdheer iyo…

                            Read More

                              Haweenka Magaalada Arabsiyo iyo Xuska Dhalashada Ras’uulkeenii Suubanaa ee Muxamed NNKH DAAWO

                              Arabsiyo 01.Jan 2014 (SDN/QJ)- Munaasibad loogu sii diyaargaroobayo Xuska Dhalashada Nebigeenii Suubanaa ee Muxamed oo Ku Beegan 12-ka Bishan Rabiicul-awal ayaa Maanta Haweenka Magaalada Arabsiyo ay si weyn u soo agaasimeen. Magaalada Arabsiyo ayaa ka Mid aha Deegaanada Hayb sooca u leh qaban qaabada Xuska Dhalashadii Nebigeenii Suubaanaa ee Muxamed NNKH.

                              Read More

                                Boqor Cabdallaha Sucuudiga Oo Cisbitaalka La Dhigay Iyo Xaaladdiisa Caafimaad Oo Laga Dayrinayo

                                Riyad:Jan,01,2014(SDN/QJ)-Xaaladda Caafimaad ee Boqor Cabdlaha Sucuudiga Haysta, ayaa laga Dayrinayaa, waxana Maalintii shalay la dhigay Cisbitaal Dalkaasi ku yaalla. Boqor Cabdallah Bin Cabdilcasiis oo da’diisu tahay 91-sano jir, ayaa la tilmaamay inuu kusoo booday Xanuun aan wali si rasmi ah loo sheegini, waxana lala tacaalayaa Haatan Xaaladiisa caafimaad. Waxa soo baxaya warar tibaaxaya in tuhun…

                                Read More

                                  Akhri Farriinta Madaxweyne Uhuru Shacabkiisa u Diray Sanadka Cusub

                                  Nairobi:Jan,01,2015(SDN/QJ)-Madaxweynaha Kenya, ayaa curashada Sanadka Cusub ee 2015-ka Farriin u diray Shacabkiisa, waxana uu sheegay in Waddankiisu hayo Wadada Barwaaqada iyo Guusha lagu gaadhi lahaa. Madaxweynaha ayaa ka dhawaajiyay in maamulkiisa uu sii wadayo sidii meesha looga saari lahaa Khatarta argagixisada, iyagoo isticmaalaya wax kasta oo lagama maarmaan ah, sharcigana waafaqsan, si loo xaqiijiyo in…

                                  Read More

                                    Nabadsugidda Somalia Oo Si Buuxda Xalay Ula Wareegtay Horjooge Sakariye Ismaaciil

                                    Muqdisho:Jan,01,2014(SDN/QJ)-Nabad-sugidda Somalia, ayaa habeenkii xalay si buuxda ula wareegtay Sakariye Ismaaciil Xirsi oo dhawaan ciidanka Dawladda isku soo dhiibay. Horjoogahan, ayaa waxa maalin ka hor si xoog ah ku kaxaystay Nabad sugidda Kenya, kuwaas oo geeyey Magaalada Wajeer ee W/bari Kenya, balse waxay soo celiyeen markii cadaadis badan dusha laga saaray. Hay’adda Nabad Suggida, ayaa…

                                    Read More

                                      Hargeysa Oo Lagu Xidhxidhay Da’yar Hablo ah Oo Cawradooda u qaawiyey Dabaaldegga Sanadka Cusub

                                      Hargaysa:Jan,01,2015(SDN/QJ)-Ciidanka Ammaanka Magaalada Hargeysa ayaa habeenkii xalay xabsiga dhigay Tiro hablo dhallinyaro ah oo Badhtamaha suuga Caasimadda lagu arkay iyagoo ku lebisan Dhar cawradooda muujinaya oo ku dhegsan. Hablahan, ayaa waxa cadho ka muujiyey shacabkii ishoodu ku dhacday, waxana loo dalbaday Boolis kuwaas oo saldhigga u taxaabay. Su’aalo la weydiiyey sababta ay labiskaas u xidheen,…

                                      Read More

                                        Akhri Magacyada Laba Wariye Oo Ku Dhaawacmay Weerar Xalay Lagu Qaaday Xarunta Radio Galkacyo

                                        Galkacyo:Jan,01,2015(SDN/QJ)-Waxa xalay fiidkii hore weerar loo adeegsaday bamka gacanta laga tuuro lagu qaaday Xarunta Idaacadda Radio Galkacyo oo ku taalla Waqooyiga Magaalada Galkacyo. Weerarkan ayaa waxa ay waxyeello ka soo gaadhay laba wariye oo xilligaas xarunta ku sugnaa, sida uu warbaahinta u xaqiijiyey Agaasimaha idaacadaas Cawil Maxamed. Dhaawaca wariyeyaasha ayaa la geeyay isbitaalka ku yaal…

                                        Read More

                                          Inka Badan 35-qof Oo Ku Naf Waayey Dabaal deg Loo Samaynayey Curashada Sanadka Cusub

                                          Shanghai:01,2015(SDN/QJ)-Ugu Yaraan 35-qof oo u dhashay dalka Chine, ayaa ku dhintay Isku dhac ka dhashay xaflad loogu dabaal degayey Curashada sanadka cusub 2015-ka oo maanta Kaw ah. Ku dhawaad 42-kalena waa ku waxyeeloobeen, kuwaas oo dhammaantood loola cararay Cisbitaalka, kuwaas oo xaaladooda laga soo dayrinayo. Arrinta ayaa dhacday waxyar ka hor inta saacaddu  aanay isu…

                                          Read More