Wasiir Dhuxulow “Hay’adaha Gar-gaarka Caalamka waa inay Soomaaliya Mudnaan weyn siiyaan”
Kuwait Dec15, 2014(SDN/QJ)– Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow ayaa caawa soo gaaray Kuwait si uu uga qeybgalo shirka caalamiga ee doorka Hay’adaha Gar-gaarka. Wasiirka ayaa waxaa gegida diyaaradaha ee Kuwait ku soo dhoweeyey La-Taliyaha Sare ee Amiirka Kuwait Dr Abdalla Matouq Al Matouq iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kuwait Safiir Abdulkadir Amin…
