Golaha Wasiirada oo shiray iyo Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay wufuud ka socotay Q/midoobay iyo Midowga Afrika

    Muqdisho, August 29, 2013(SDN)- Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii joogtada ahaa, kaasoo uu shir gudoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, iyadoo looga dooday qodobo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen heshiiskii ka dhacay magaalada Addis ababa, iyo qorshaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed. Kulankan ayaa waxaa ugu…

    Read More

      Hargaysa oo lagaga dhawaaqay Ururka Xisaabiyeyaasha iyo Wasiiro ka Qayb galay {DHAGAYSO}

      Hargaysa 29.Aug 2013 (SDN)- Waxaa Magaalada Hargaysa lagu qabtay Urur ay ku bahoobeen Xisaabiyeyaasha Somaliland kaas oo noqonaya Ururkii u Horeeyay ee Xirfadooda ugu shaqeeya dalka . Munaasibada lagu shaacinayay Ururkan waxaa ka qayb galay Wasiirada Qorshaynta Qaranka Mudane Sacad Cali Shire iyo Maaliyada Mudane C.casiis Maxamed Samaale Ujeedada aasaaska Ururkan ayaa lagu sheegay Mid…

      Read More

        Mareykanka oo soo dhoweeyay heshiiska dowladda federaalka iyo Jubba

        Nairobi 29.Aug 2013 (SDN)- Dowladda Mareykanka ayaa soo dhoweysay heshiiskii shalay oo Arbaco ahayd ay gaareen dowladda federaalka Soomaaliya iyo wafdiga Jubbaland. Ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya James P. McAnulty ayaa war qoraal ah ku soo dhoweeyay saxiixitaanka heshiiska u dhaxeeyay dowladda federaalka iyo wafdiga Jubbaland kaddib wada-hadallo qaatay hal toddobaad oo…

        Read More

          Weriye ka Tirsan Idaacada Radio Hargaysa oo ay Jidh dil u Gaysteen Ciidamada RRU

          Hargaysa 29.Aug 2013 (SDN)- Wariye Cabdiqaadir Xuseen Nuur Dacar oo ka tirsan Wariyeyaasha Idaacadda Dawladda Somaliland ee Radio Hargeysa ayaa maanta Ciidamada RRU-da ee ka hortaga Rabshaduhu jid dil u gaysteen. Wariyaha oo sida uu sheegay Warbaahinta marayay Wadada Hor marta Wasaaradda Waxbarashada Somaliland ayaa sheegay in Ciidankaasi si Arxan daro iyo gardaro ah ula…

          Read More

            Luuqado Afka Soomaaigu ka mid yahay oo Google lagu Biiranayo

            New York Aug 29,2013(SDN)-Adeega turjumaada ee boga Google ayaa shaacisay in ay soo bandhigi doonto luuqadaha Zulu,Hausa,Yoruba,Igbo iyo Soomaaliga dhawaan. Google ayaa sheegtay in adeegan turjumaada luuqadahan Soomaaligu ku jiro ay qeyb ka noqon doonto qeybtooda Africa. Google ayaa haatan baadi goobeysa dad tabaruc ku tijaabiya adeegan Afka Soomalaiga si loo hubiyo tayada turjumaada. Google…

            Read More

              Waftigii uu Hoggaaminayey wasiir warac-cadde Oo Maanta u Fadhiisanaya Shaqaaaqadii Caynaba ee Lagu Dilay Taliyihii Sirdoonka Gobolkaas

              Caynaba:29-Aug-2013-(SDN)-Waftiga uu hogaaminayo wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo in muddo ahba ku sugnaa Deegaanka Oog, ayaa maanta lagu wadaa inay u fadhiistaan tuxaan-bixinta shaqaaqo hore uga dhacday Degmada Caynaba oo lagu dilay Taliyihii sirdoonka Somaliland ee Gobolka Saraar. Waftigan oo haatan uun ka soo faraxashay hoos u dhigidda dirirtii labada beelood ku…

              Read More

                Ra`isulwasaare Saacid Oo Guul Taariikhi ah Ku Tilmaamay Heshiiska Adis Ababa

                Muqdisho:29-Aug-2013-(SDN)-Ra’iisal Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa sheegay in uu yahay heshiishka ay dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Axmed Madoobe ku kala saxeexdeen wafuudda kala hogaaminaysay mid guul ah   Saacid  oo markii ugu horraysay ka hadlay heshiiskan dhacay, ayaa yidhi “Heshiiska maanta ay Addis Abbaba ku wada saxeexdeen Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Jubba…

                Read More

                  Sheekh Ismaaciil Dheeg Oo La Sheegay Loo Doortay Hogaamiyaha Shuurada Xarakada Al -Islaax Somalia

                  Muqdihso:29-Aug-2013(SDN) -Wararka ka imanaya Shir maalmahanba uga soday Urur-diimeedka Al-islaax Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in sheikh Ismaaciil Cabdi Hurre(ismaaciil dheeg) loogu magacabay Hogaanka Xisbigaas. Sidoo kale waxa ay wararku intaas ku darayaan inay jiraan Rag kale oo xilal looga dhiibay shirkan ka socday Huteel City Palace ee Magaalada Muqdisho, waxana Maxamed Sheikh Axmed Maxamed (Maxamed…

                  Read More

                    Abaal Laawe: Hogaamiyihii Aan Hogaaminta Lahayn (Qormada 1aad)

                    Hargeysa Aug 29,2013(SDN)-Guddoomiyaha 3aad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ayaa qoraal uu ka diyaariyay tixraaca taariikheed ee Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu ku Iftiimiyay turunturooyinka siyaasadeed ee madaxweynaha la dersaday. “Waa Muqdisho 1980/81, xilayadaas oo xaaladii kacaanka iyo guud ahaa Somalia ay si kale noqotay weji ama wejiyo kale na yeelatay waxa…

                    Read More

                      Shirkada Diyaaradaha ee Itoobia oo 1 September oo Bilaabaysa Duulimaadyadii Madaarka Hargaysa

                      Hargaysa 28.Aug 2013 (SDN)- Agaasimaha Guud ee Wasaarada Duulista iyo Hawada ee Somaliland Mudane Axmed Dalal Faarax ayaa caawa shaaca ka qaaday in Shirkada diyaaradaha ee Itoobiya Airline ay si toos ah uga bilaabi doonto madaarka Cigaal International duulimaadyadii ay ku iman jirtay Caasimada hargaysa 1 bisha September ee inagu soo foolka leh. Agaasimaha Guud…

                      Read More

                        Madax ka Tirsan Xisbiga Ucid oo si adag uga Gilgishay Hadal ka soo Yeedhay Afhayeenka Madaxtooyada {DHAGAYSO}

                        Hargaysa 28.Aug 2013 (SDN)- Masuuliyiin ka tirsan xisbiga caddaaladdda iyo daryeelka ee  ucid ayaa iska difaacay  eedo uu af-hayeenka Madaxtooyda Somaliland Shalay Warbaahinta u Mariyay Madaxda xisbiga Ucid isagoo Si gaar ah u Bartilmaameedsaday Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe iyo Ku Xigeenkiisa 3aad Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf, waxana ay, af-yaheenka xasuusiyeen inuu u…

                        Read More

                          “Macquul ma aha inay Puntland ku Andacooto Isir ahaan baannu u leenahay deegannado Somaliland ah, Gudoomiyaha Xisbiga Ucidna Ha Cadeeyo….” Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye

                          Hargaysa 28.Aug 2013 (SDN)-Xisbiga Talada Somaliland haya ee Kulmiye ayaa maanta ka hadlay Socdaalka uu Madaxweyne ku xigeenka Punt land ku Joogo Degmada Taleex ee Gobolka Sool oo ay ku sifeeyen Xad Gudub iyo Gardaro uu Maamulka Punt land ku hayo Gudaha Somaliland. Warsaxaafadeed uu soo saaray Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf…

                          Read More

                            “Jaamacada Camuud Waa Hormoodka Jaamacadaha Somaliland” Madaxweyne Siilaanyo iyo Khudbadiisi {DHAGAYSO}

                            Boorama 27.Aug 2013 (SDN)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo khudbad ka jeediyay xafladaasi ayaa dhambaal hambalyo ah u diray ardayda qalin-jabisay iyo maamulka jaamacadda Camuud oo uu ku majeertay inay horumarinta waxbarashadda sare ee dalka kaga jiraan kaalin wax ku ool ah. Madaxweynuhu waxa uu ardaydii ugu saraysay kuliyaddaha kala duwan uu…

                            Read More