Xukuumada Soomaaliya oo soo dhaweysay mowshinkii ay xildhibaanada kala noqdeen xukuumadda

    Muqdisho May 23 2013 (SDN)– Warsaxaafadeed,_Shirkii golaha wasiirada Xukuumada Federaalka Soomaaliya ee joogtada ahaa oo uu shir gudoominayo Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, ayaa soo dhaweeyay go’aanka baarlamaanku uga noqday mooshinkii ka dhanka ahaa dawladda. Waxaa kaloo goluhu ka wada hadleen arrimaha federaalaynta dalka ee la xiriira Jubaland iyo wada xaajoodka Somaliland. Ra’iisal Wasaaraha…

    Read More

      Xaflad aan nooceeda hore loogu arag Magalada Bristol oo si heer sare loo soo agaasimey ayaa lagu qabtey Badhtamaha Magalada Bristol ,taasi oo loogu Dabaal Degayey 18/5/13.

      London 23May13 (SDN)Habeenkii xaleey ee bishu aheed 21/5/13 kuna beegned  Salaasa ayaa waxaa lagu qabtey  Badhtamaha Magaalada Bristol xaflad aan nooceeda hore loogu arag Bristol oo si heer sare loo soo agaasimey  ,taasi oo ay ujeedadeedu aheed Xuska Sanad Guuradii 22 ee ka soo wareegtey Gooni isku taiga Somaliland   Waxaa madasha soo buux dhaafiyey…

      Read More

        Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Gaadhay Magaalada Boorama,Waa Maxay Ujeedada Socdaalkiisu {DAAWO}

        Borama 23.May (SDN) Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Somaliland Mudane Maxamed Nuur Caraale Duur ayaa maanta Kormeer Shaqo ku tagay Xarunta Gobolka Awdal ee Magaalada Boorama. Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Waxaa Deegaanka Goraya Cawl kaga hortagay Madaxda Heer Gobol iyo Mid Degmo isla markaana u Galbiyay Dhinaca Magaalada Boorama halkaas oo uu Warbaahinta ugu Sheegay…

        Read More

          Hargaysa oo laga xusay Cidhib tirka Xanuunka isku furanka Haweenka

          Hargaysa 23.May (SDN) Xuska maalinta  Cidhibtirka  xanuunka  Fastuulaha  oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiin ka kala socotay wasaaradaha Caafimaadka iyo Waxbarashada ayaa maanta  Lagu qabtay Huteel Imperial  ee magaalada Hargeysa. Drs, Edna  Aadan Ismaaciil  maamulaha Isbitaalka Edna Maternity Hospital  ee magaalada Hargeysa oo xafladaasi ka hadashay ayaa waxa ay ku dheeraatay dhibaatada uu xanuunka  …

          Read More

            Maxaa Ku Xiga Ka Noqoshada Xil ka Xayuubinta Xukuumadda Xamar? Faalo Xasan Cumar Hoori

            Hargayasa 23.May (SDN) Shalay, 22 May 2013, xukuumadda Xamar waxay ka badbaaday inay noqoto tusbax go’ay. Dhowr iyo konton xildhibaan oo ka mid ahaa 93 soo dhigay mooshin xilka laga xayuubinayo xukuumadda ayaa qof qof, sida uu sheegay guddoomiyaha barlamaanku, dib u gurtay. Sidaa darteed, waxaa la laalay mooshinka markii uu buuxin waayay shuruudaha tirada…

            Read More

              Wasaarada Maaliyada oo ka Hadashay Baadhitaan ku Socda Madbacada qaranka iyo Cashuuraha beriga ee Berbera

              Hargaysa 23.May (SDN) Agaasimaha guud ee wasaarada maaliyada Somaliland Saleebaan Ciise Jaamac ayaa faah-faahin ka bixiyay baadhis uu hanti dhawrka guud ee qaranku ka sameeyay madbacada qaranka iyo cashuuraha barriga ee magaalada Berbera. Agaasimaha guud oo shalay warbaahinta kula hadlayay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in wasaaradda maaliyadu ku wargelisay hanta-dhawrka guud inay badhis ku sameeyaan…

              Read More

                Munaasabad lagu xusayay 50-sano guuradii ka soo wareegatay Aasaaskii AU oo ka dhacday Muqdisho

                Muqdisho May 23 2013 (SDN)— Munaasabad Balaaran oo lagu xusay sanadguuradii 50aad ee ka soo wareegatay Aasaaska Ururka Midowga Afrika ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho. Munaasabadan oo aheyd mid balaaran ayaa waxa ka qeybgalay Madaxweynaha Soomaaliya, Wakiilka Midwoga Afrika ee Soomaaliya, Uqaabilsanaha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Ambasadoro, Taliyayaasha AMISOM iyo marti kale, waxaana ay…

                Read More

                  Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo booqasho ku jooga Sucuudiga

                  Jaddah May 23 2013 (SDN)– Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Dr.Maxamed Nuur Gacal ayaa booqasho ku jooga Magaalada Jeddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya , waxaana uu uga sii gudbi doonaa Caasimadda Riyadh si uu ula kulmo Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Sucuudiga. Dr. Gacal , wuxuu kaga qeybgalay Magaalada Doha ee dalka Qatar isku-imaatinkii…

                  Read More

                    Banaabax Balaaran oo lagu taagerayay xildhibaanadii mowshinka ka laabtay iyo Sanad guurada AU oo ka dhacay Muqdisho

                    Muqdisho May 23 2013 (SDN)— Banaabax uu soo qaban qaabiyay Maamulka gobolka Banadir ayaa maanta waxa uu ka dhacay Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Banaabaxa oo ahaa mid balaaran islamarkaana ay ka qeybqaadanayeen shacbi ka kala yimid degmooyinka gobolkan Banaadir ayaa waxa uu ka dhacay Fagaaraha Sayid ee Magaalada Muqdisho oo u dhaw Xarunta golaha…

                    Read More

                      Nuxurka uu daaran yahay Shirka Qaran ee Shaqo la’aanta Somaliland ee dabarka Goostay

                      Hargaysa 23.May (SDN)War-saxaafadeed uu soo saaray wasiirka wasaaradda   shaqada iyo Arimaha Bulshada Mud,Maxamud Axmed Barre Garaad,ayaa ku sheegay in la qaban doono shir Qorshe Qaran oo la xidhiidha shaqo abuurka. Warsaxaafadeedkan oo Nuqul ka mid ah uu soo Gaadhay Shabakada Qurbejoog.com ayaa lagu sheegay in Shirkani uu furmi doono 24-ka ilaa 25ka Bisha June 2013….

                      Read More

                        Mareykanka oo Xaqiijiyay in Duyuuradaha aaney cidi Duulin in ay dileen Muwaadiniin dalkaa u dhashay

                        Washington May 23,2013(SDN)Dawlada dalka Mareykanka ayaa qiratay in duyuuradaha dhulka laga hago weerarada ay qaadaan ay ku dhinteen afar ruux oodalkaa u dhashay ilaa iyo haatan. Muwaadiniinta dalka Mareykanka ee lagu khaarijiyay weerarada duyuuradaha Droneka loo yaqaano ayaa ku hawlanaa qorsheynta falal ka dhan ah Mareykanka. Weerar sanadkii 2011kii lagu dilay Anwar al-Awlaki ayaa waxa…

                        Read More

                          Woqooyiga Lubnaan oo ay ku baaheyso colaada ka taagan Suuriya

                          Tiripoli May 23,2013(SDN)- Waxaa sare usii kacday tirada dadka ku dhintay iskamhorimaadyada dhinaca qolo qolada ah ee ka dhcay magaalada xagga woqooyimee Lubnaan ku taala ee Tiriboli. Tirada dhimashada ayaa haatan gaadhay 12 ruux,iyadoo dhaawacuna uu caga cageynaayo ilaa toddobaatan.   Colaadan kasoo cusboonaatay magaalada Tiriboli ee woqooyiga Lubnaan ayaa u dhaxaysa qolada Calawiyiinta ee…

                          Read More

                          Toronto oo 3-0 Ku Samirsiisey Ottawa (By Jaahuur)

                          Ottawa-May-22-2013-qurbejoognews.com-Asxaabtey todobaadkan iyo qormadeena ciyaaraha waxaynu ku jaleecaynaa ciyaartoydii kubadda cagta ee beredsamaadkii oo soo cagadhigtey Ottawa markii ay ka soo ruqaansadeen Toronto. Ciyaartoydii cuslaatey ee beredsamaadkii ayaa aalaba waxay ku gaafwaqreegaan magaalooyin ka mid ah waqooyiga Ameerika si ay ula ciyaaraan ciyaartoyda kale ee ku sugan magaalooyinkaa wacdarana ka muujiya adagtahayna in laga badiyo Haddaba…

                          Read More