|

๐†๐จ๐ฅ๐ž ๐š๐š๐ง ๐ฅ๐š ๐๐จ๐จ๐ซ๐š๐ง, ๐Œ๐ฎ๐๐š๐ง๐ž ๐š๐š๐ง ๐ฐ๐š๐ฑ๐›๐š๐ซ๐š๐ง ๐ข๐ฒ๐จ ๐—๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐ ๐ฐ๐š๐ค๐ก๐ญ๐ข๐ ๐ž๐ž๐๐ข ๐๐ก๐š๐ฆ๐š๐š๐ง๐š๐ฒ๐จ, Ma ina gaadhsiinayaan waddadii aqoonsiga ama dawlad casri ah?

Dhibaatada ay dadkaygu soo mareen in ka badan saddex jiil oo ay la tiicayeen gumaysi, dawlad-xumo, digtaytar xasuuqa, dayac iyo qaxoonti dunida daafaheeda ku kala filiqay, waxay ku dhaxalsiinaysaa xusuus xanuun badan, soojireen walbahaar leh oo aan ku faraxgelinayn iyo mustaqbal aan caddayn geeddigu halka uu saldhigan doono, iyada oo aanan weli hubin in wiilkayga iyo wiilkiisu gaadhi doonaan dawladnimada khayrkood dunida ku haysto, hase yeeshee Somaliland maanta waa bogcad nabdoon oo aadna uga duwan xaaladda ay ku jiraan Soomaalidii kale ee ay la midoobeen markii xoriyadda la siiyay oo ay kala ahaayeen (British Somalilad Protectorate & Italian Somaliland) kuwaas oo midnimadii ka dib noqday Jamhuuriyadda Soomaaliya (Somali Republic) taariikhda taban ee Somaliland iyo Soomaalida kaleba laga soo tebiyay way badan tahay, maynu dooran in aynnu Soomaali noqonno basle waynnu dooran karraa in aynnu dunida qiimo ku yeelanno, sooyaal fiican la inaga dhaxlo oo mustaqalka taariikhdu wanaag inagu xusto.
Burburkii dawladii dhexe ee Soomaaliya ka dib, intii Muqdisho joogtay ayaa dawlad cusub ku dhawaaqday, maadaama oo aan fursad la siin, Somalilnad gar bay noqotay in ay markaa goonni isu-taaggeeda ku dhawaaqdo (Somalilnad Declaration) 05 May 1991 oo maanta ku beegan, meel ay dhibtu ka timiba ilaa iyo iminka dawladdii Muqdisho waa qabyo oo ma hanaqaadin, in kastoo dawladdii Hargeysi hanaqaadday, weli kama mid aha dawladaha beesha caalamka. Soddon sannadood oo ay Soomaaliya ka mid ahayd ka dib, Soddon kale ayay in la aqoonsado sugaysay. Aqoonsigu waa mid ka mid ah yoolasha ugu waaweyn ee ay shacbiga Somaliland hiigsanayaan, haddii aanu ahaynba yoolka ugu horreeya uguna weyn ee maskaxdooda ku jira. Ka sokow dedaallada ay Somaliland ka samaysay dhinacyada nabadgelyada, dimuqraadiyadda iyo horumarka, haddana waxa weli muuqata inay jirto qabyo dhinaca ictiraaf-raadinta ah iyo hannaanka loo marayo helista aqoonsi caalami ah oo Jamhuuriyadda Somaliland kaga mid noqoto beesha caalamka.
Haddaba, Somaliland aqoonsi caalami ah miyay wayday? Mise jidkii saxda ahaa ayaanay marin? Jawaabta suโ€™aashaas waxaynnu ku eegi doonnaa maqaalkan, iyadoo aynnu iska taagi doonno dhinacyo kala duwan. Dadka qaar ayaa qaba in Somaliland aanay weli u hawlgelin raadinta aqoonsi, waxaanay markhaati ka dhigan karaan, Wasiirka Arrimaha dibadda ee Kenya (Amb. Raychelle Omaamo) oo ka hadlaysay safarkii Madaxweyne Muuse Biixi ku tagey dalkaasi, ayaa ka dhawaajiyay โ€œin Somaliland aanay waydiisan wax aqoonsi ah, isla markaana aanay ka helin dalab rasmi ah oo ay ictiraaf kaga dalbanaysoโ€ iyada oo hadalkeeda sii wata ayay sheegtay โ€œin ay ilaa iyo wakhtigaa Somaliland u aqoonsan yihiin qayb Soomaaliya ka mid ahโ€ inta aan akhristihu is waydiin: โ€œhaddaa muxuu Madaxweynuhu ka doonay? dhaqaalaha ku baxa xafiisyada dibadda iyo ictiraaf raadinta (Miisaaniyada 2022) oo lagu qiyaaso 5 Milyan oo Dollar sanad kasta iyo warbixintii Madaxweynuhu inaga siiyay xagay foodda ku hayeen? waxaa is waydiin mudan: horta qorshe ictiraaf-raadin ma leedahay Somaliland?
๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐ฆ๐š ๐ฅ๐ž๐ž๐๐š๐ก๐š๐ฒ ๐ฌ๐ข๐ฒ๐š๐š๐ฌ๐š๐ ๐š๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐จ ๐๐ข๐›๐š๐๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ฎ๐ ๐š๐ง? Tan iyo markii ay Somaliland ku dhawaaqday inay la soo noqotay madaxbannaanideedii qarannimo oo hadda laga joogo in ka badan 30 sano, Somaliland ma yeelan siyaasad arrimo dibadeed oo qeexan. Madaxwayne kasta iyo wasiirrada uu u xusho arrimaha dibaddu waxay jeexaan jidka ay markaa u arkaan inay aqoonsi ku heli karaan, kaas oo inta badan ku kooban safarro dibadda loogu baxo iyo raadinta dawlado saaxiibo dhaw Somaliland la ah oo ku qanacsan madaxbannaanideeda. Tani waxay dhalisaa filashada bulshada oo culays ku noqota Madaxweynaha iyo Wasiirrada oo ku kelifta in ay diyaariyaan farriin siyaasadeed qancisa bulshada iyo maaweelo jawaab u noqota dareenkooda, taas oo midba si u tilmaamo. Mid yidhaahda โ€œSomaliland waxaannu soo gelinnay Kambuyuutarkii dunidaโ€, Mid sheega โ€œin aqoonsigii soo dhowyahayโ€, mid yidhaahda โ€œmeeqaam sare ayaa nalagu qaabilayโ€ iyo xukuumadda Muuse Biixi oo safarkii u danbeeyay yidhi โ€œmaxaynnu wada qabsannaa ayaannu waydiinnay Maraykanโ€ culayskii markaa joogay ayuun buu iska riday e, qabyo waa halkeedii, halkiibaana Somaliland fadhidaa.Taasina ma aha jidkii saxda ahaa, waxaa haboon inuu qaranka Somaliland yeesho himilo qoran, hiraal qeexan iyo siyaasad arrimo dibadeed oo leh tiirar, kuwaas oo ay ka shidaal qaadato wasaaradda arrimaha dibaddu, xisbiyada iyo muwaadin kasta oo ka hawlgelaya raadinta aqoosiga Somaliland, isla markaana aanay saamayn ku yeelan isbeddelada xisbiyada ama si kasta oo madaxwaynayaasha iyo wasiirradu xilka ugu kala danbeeyaan. Tusaale ahaan, dalwaynaha Maraykanka waaxdiisa arrimaha dibaddu waxay u taagan tahay kana shidaal qaadataa tiirar ay ka mid yihiin; Ilaalinta Maraykanka iyo muwaadiniintiisa, kor u qaadidda dimquraadiyadda, xuquuqda aadamaha iyo danaha kale ee caalamiga ah, kobcinta fahamka caalamiga ah ee qiyamka Maraykana iyo siyaasaddiisa, taageeridda Diblomaasiyiinta Maraykanka, saraakiisha dawladda iyo dhammaan shakhsiyaadka kale ee gudaha iyo dibadda si ay u xaqiijiyaan himilooyinkooda. (U.S Department of State)
Sidaas si la mid ah, dawlad waliba iyo xisbi kastaa wuxu yeelanayaa siyaasad arrimo dibadeed oo ka dhibmiil qaadanaysa tiirarkaa oo ay tahay in xukuumadaa lagula xisbaabtamo ama xisbigaa u gaar ah oo ka mid noqota waxyaalaha lagu dooranayo, iyada oo dhamaan laga shidaal qaadanayo yoolasha tiirdhexaadka u ah himilada qaranka ee arimaha dibadda oo ay dejiyeen guddi midaysan oo ka kooban goloyaasha ama metalayaasha siyaasadda, aqoonyahanka iyo muwaadin kasta oo loo arko inuu gacan ka gaysan karo. Balse wakhtigan sida ay wax u jiraan waxay Somaliland dhaxalsiinaysaa in xukuumad kastaa kow ka bilawdo iyo safarro marba xukuumadda joogtaa dibadda ugu baxdo oo dadkana guul uga dhigto, illayn waa waxa kalya ee lahayo e.
๐’๐š๐Ÿ๐š๐ซ๐š๐๐š ๐š๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐๐ข๐›๐š๐๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐š๐ช๐จ๐จ๐ง๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐š๐๐ข๐ง๐ญ๐š: Bishii March ee ina dhaaftay ayay ahayd markii ugu horraysay ee Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi booqday dalka Maraykanka oo ah dalka wakhtigan dunida ugu awoodda badan, iyada oo madaxwaynuhu aanu weli booqan boqortooyada Ingiirksa oo ah dal ay Somaliland la leedahay xidhiidh saaxiibtinimo, waa afar sano iyo lix bilood oo uu xilka hayay madaxwaynuhu. Madaxweynayaashii ka horreeyay midba hal mar ayuu booqday dalka Maraykanka, taasi waxay muujinaysaa in gebi ahaanba safarrada Somaliland ee aqoonsi-raadisku aanay yool ka dhigan dawladda Maraykan, balse booqashooyin kooban oo aad mooddo tijaabo in mudada sodonka sanadood ah afar Madaxweyne ay afar jeer oo kala fog ku booqdeen.
Haddaba, haddii aan Somaliland dalweynaha Maraykan tacab badan gelin, ma waxay leedahay xidhiidh kale oo ay quwadaha kale ee adduunka la leedahay kaas oo ay kaga maaranto Maraykan? Jawaabtu waa Maya, weliba taa beddelkeeda waxaabad mooddaa in xukuumadda joogtaa u dhaqmayso sidii wax ka madax taagaya oo aan uba baahnayn oo hadallo hujuun u eg ay ku tuurayso Ruushka iyo Shiinaha, sidoo kale Faransiiska oo aanay wax xidhiidha la samaynba isla markaana wakiilkii u fadhiyay dhawaan ay eriday, laakiinse dhaqanka xidhiidhka caalamiga ah iyo diblamaasiyaddu sidaa waa ka duwanyahay. Waxaa taas la mid ah dalalka kale ee Yurub oo ay Somaliland mucaawinooyinka ugu badan ka hesho, isla markaana ay joogaan muwaadiniin Somaliland u dhashay oo tiro badani, ma jirto Madaxweyne booqday ama wuu yaryahay xidhiidh siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo ay Somaliland la samaysay dalalkaa, tani waxay u muuqataa in aynnu sugaynno aqoonsiga in dunidu inoo garato, tacab iyo farsamo u qorshaysanina aanu jirin.
Waddamada Jaamacadda Carabta oo ay Soomaalidu ka tirsantahay weli Somaliland kuma guulaysan inay la yeelato xidhiidh dublamaasiyadeed oo waxtar leh, marka laga reebo dawladda isutagga Imaaraadka (UAE) oo xafiis ku leh Hargeisa, isla markaana ay shirkadda DP. World horumarin ka waddo dekedda Berbera. Waxaa intaa dheer, iyada oo dunidu qadiyadda Somaliland u daba fadhido Midawga Afrika (AU) ilaa hadda Somaliland wax xidhiidh ah nooc ay ku tahayba kama helin xarunta AU.
๐‡๐š๐ง๐ง๐š๐š๐ง ๐๐š๐ฐ๐ฅ๐š๐๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐๐ฎ๐ง๐ข๐๐š ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฃ๐ข๐ข๐ญ๐š: Muuqaalka gudaha ka jira ayaa sababa oo soo jiita inta badan xidhiidhka wanaagsan ee dunida iyo in ay kuu soo hiloobaan dalal badani oo kula macaamilaan. Somaliland waxay dunida ka iibisaa in ay nabdoon tahay isla markaana ay dimuquraadi tahay, sida aynnu kor ku soo sheegnay waxaa xaqiiqo ah in ay labadaaba Soomaaliya kaga duwantahay, laakiinse ma aha wax dunida kale Somaliland muuqaal fiican ka siinaya, marka aanay jirin doorasho wakhtigeedii ku dhacday oo dhammaan siddeeddii doorashaba ay dib u dhaceen iyadoo masuuliyiintu ay xilka ku joogaan kordhin amaba ay is leegtahay inta mudanyaasha Golaha Wakiillada iyo Deegaanka la doortay iyo inta ay xilka ku joogeen doorasho laโ€™aan, sidoo kale aanu jirin Madaxweyne markii wakhtigiisu dhammaaday doorasho qabtay oo dhammaan kordhin dalbadeen, Madaxweynaha wakhtigan fadhiyana lagu tuhunsanyahay in uu muddo-korodhsi raadinayo. Marka muuqaalka xukuumaddu noocan u egyahay ee mudanayaashii aqalka guurtida aan weligoodba la dooran ama ay ku yaryihiin inta waxbaratay, iyaga oo aan haddana la dafiri karin waxqabadkooda.
Waxaan uga jeedaa mudane aan wax baran, in kasta oo golaha cusub ee wakiillada ay joogaan mudanayaal aqoonyahan ah, waxaa hore u jiray ama laga heli karaa qaar aan waxba baran ama waxbarashadoodu hoosayso, mar kasta oo doorasho dhacdana waxa meesha ka baxa mudanayaashii hore, tusaale ahaan 2005 waxa kasoo noqday golihii hore ee wakiilada 13 xildhibaan ama 15.8 % halka doorashadii 2021 uu ka soo noqday hal mudane, taasina waxay meesha ka saaraysaa in khibradda dawladnimo iyo xikmadda laga bartay shaqada ee la isu gudbin lahaa ay halkaa ku lumayso. (Haddii la barbar dhigo doorashooyinkii ugu danbeeyay Kenya,42% UK,76% and USA 86% ayaa ka soo noqday) Waxaa taa ka daran guurtida oo aynnu soo sheegnay oo ku dhawaad 30 sano fadhiyay, oo inta kuwii hore dhammaadeen carruurtoodii dhaxal ku joogto. Sidoo kale wakiillada oo golihii hore fadhiyay 16 sannadood iyada oo la doortay shan sanadood oo keliya, golaha deegankuna fadhiyeen 20 sano iyada oo la doortay labo jeer oo min shan sanadood ah, oo ay fadhiyeen 10 sano oo siyaado ah.
Haddaba, waa maxay waxa aynnu dunida kaga iibinaynno in Somaliland tahay dal dimuquraadi ah oo leh hab dawladeed casri ah? Doorashooyinku waa tiir ka mid ah tiirarka dimuqraadiyadda, waxaana jira halbeegyo kale oo lagu eego dimuquraadiyadda oo ay ka mid tahay: hufnaanta hannaanka hayโ€™adaha, dawlad wanaagga, xaqdhawrka xuquuqda aadamaha iyo ilaalinta xoriyaadka aasaasiga ah iyo saxaafadda, kuwaas oo dhammaan aanay Somaliland kaga sugnayn muuqaal fiican oo dunida u soo jiida, waxaaba intaa dheer ficilo aad looga qaylinayay ayaamahan oo dadka lagu qafaalanayo laguna xidhanayo guryo gaar loo leeyahay oo aan ahayn saldhigyadii iyo jeelashii loo sharciyeeyay in wax lagu xidho, arrimahaas oo dhaawacaya nabadgelyada oo ah tiirka labaad ee Somaliland lagu ammaani jiray, waxaana yaab leh in ficiladan lagu eedaynayo in uu hoggaaminayo wiil uu dhalay Madaxweyne Biixi, arrimaha aynnu soo sheegnay waxay xumaynayaan sawirkii qurxoonaa ee Somaliland dunida ka iibin lahayd.
Marka laga yimaaddo inta aynnu soo sheegnay iyo in badan oo kale oo aanan qormadan ku soo koobi karin, aqoonsiga Somaliland waxaa ka horreeya caqabado badan oo khuseeya gudaha Somaliland, sida xal u helidda tabashooyinka siyaasadeed ee ay qabaan degaannada qaar, cabashada saami-qaybisaga oo degaanno badan oo codkooda la maqlo iyo qaar aan codkooda la maqalba ka jirta iyo weliba dad Somaliland u dhashay oo haddana ka soo horjeeda madaxbannaanida iyo aqoonsiga Somaliland.
Waxaa intaa dheer caqabado ka baxsan Somaliland oo ay ka mid yihiin: Soomaaliya oo aynaan sifo sharci ah weli u kala bixin, Midawga Afrika oo aan ku qancin madaxbannaanida Somaliland, iyada oo aanay weli jirin danayn muuqato oo shanta quwadood ee leh codka diidmada qayaxan iyo heshiiskii (Jacquin 1999, AU Act) ee arrimaha xuduudaha oo isna Somaliland saamayn ku yeelan kara, aqoonsiga cid kale ayaynnu uga baahannahay, laakiin horumarka dhinacyada kala duwan iyo in Somaliland sii jirto waa mid u taalla dadkeeda.
Waxaa jirta xikmad soomaliyeed oo tidhaahda: โ€œtumaalka farsamada xumi dubbihiisa ayuu canaantaaโ€, waxaa taa ka dhigan khaladadaadka aynnu soo sheegnay iyo qaar kale oo badan, waxa dusha laga saaraa aqoonsi laโ€™aanta, waana masuuliyaddii oo la iska leexinayo. Maqaal lagu daabacay jariidadda (Africannews Sept 2021) ayaa qayb ka mid ah lagu sheegay in โ€œmadaxda Somaliland ay masuuliyadda dib-u-dhaca iyo shaqo laโ€™aanta dusha u saaraan ictiraaf laโ€™aanta iyo canaan ay u jeediyaan Soomaliya, taas oo baalmarsan xaqiiqdaโ€. Somaliland waxay wax badan qabsan kartaa iyadoo aan helin aqoonsi caalami ah. Waxaynnu kor u qaadi karnaa dhaqaalaha, heerka tayada caafimaadka iyo aqoonta, waxaynnu horumar ka samayn karnaa dhinaca beeraha, warshadaha, farsamada tiknoolajiyadda, ilaalinta nolosha muwaadinka, xuquuqda aadamaha iyo dhinacyo kale oo badan.
๐ƒ๐ฎ๐›๐ฅ๐š๐ฆ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐ค๐ฎ ๐ฌ๐ข๐๐ค๐š๐ง: Siyaasadda iyo dhaqaaluhu waa labo isku tiirsan oo mararka qaarkood la sheego in aan midna gaar isu taagi karin, ka kale laโ€™aantii, dhaqaaluhu sida uu dublamaasiyadda u xambaaraa waxa weeye adeegsiga khayraadka wadanka, si kor loogu qaado danaha ay dawladuhu ka leeyihiin dawlado kale, taas oo keeni karta is faham heer walba oo siyaasadeed. Ddhinaca kale, xidhiidhka wanaagsan ee dublamaasiyadeed wuxuu abuurayaa kobaca dhaqaalaha ee dalka iyadoo la kordhinayo ganacsiga dalalka ay xidhiidhka yeesheen. Waxa kale oo uu kor u qaadayaa maalgashiga, iskaashiga iyo heshiisyada ganacsi ee laba-geesoodka ah iyo kuwo ka badan intaba, macnuhu waxa weeye sida siyaasadda arrimaha dibaddu ugu adeegto dhaqaalaha ee ay muhiimka ugu tahay.
๐–๐š๐๐š๐ก๐š๐๐š๐ฅ๐ฅ๐š๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ & ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐œ๐š๐š๐ฆ๐ข๐ฅ๐ค๐š ๐ข๐ฌ๐๐ก๐ž๐ฑ๐ ๐š๐ฅ ๐ž๐ž ๐ ๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š (๐ซ๐ž๐ ๐ข๐จ๐ง๐š๐ฅ ๐ˆ๐ง๐ญ๐ž๐ ๐ซ๐š๐ญ๐ข๐จ๐ง): Sida aan maqaal hore ugu qoray (29 July 2019 Wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya) waxaan aaminsanahay in ay wadahadalladu muhiimad weyn u leeyihiin Somaliland, Somaaliya iyo bulsho-weynta ku dhaqan Geeska Afrika oo intooda badani ay yihiin isku isir, isku dhaqan iyo isku diin, kuwaas oo ay suurtagal tahay in si uun loo abuuri karo hannaan wadahadal midho dhal noqon kara, iyadoo loo raacayo ciriqa isfaham ee ay wadaagaan oo sahlaya in la taabto halka cudurka iyo ishayntu salka ku hayo.
Marka Somaliland iyo Soomaaliya loo yimaaddo, khilaafkoodu wuxu salka ku hayaa labo meelood oo kala ah: kan koowaad, dareenka ka dhashay dhibaatadii Somaliland loo geystay oo ahaa xasuuq fool xun, isla markaana Soomaaliya aanay marnaba si mug leh uga jawaabin marka laga tago cudurdaarka iyo raalligelinta ay dhawaan ka bixiyeen arrintaa oo ay siyaasadi hadhaysay oo aanu ahayn muuqaal bulshada Somaliland wada deeqay. Mida labaad, waa arrin sharci oo dhinac kastaa uu samaystay dastuur noqonaya dabar sharci oo dhinac waliba aanu si sahlan u dhaafi karin. Waxaana sartu ka qudhuntay marka Soomaaliya dareen is diidsiin iyo dafiraad u muuqda kaga jawaabto sheegashada Somaliland isla markaana midnimada u dhigto wax ay Somaliland ku khasbantahay. Dhanka kalena, Somaliland oo aan xaqiiqada wajihin, isla markaana is diidsiisa in Soomaaliya wax kaga xidhanyihiin oo ay tahay in ay wadahadal ku kala baxaan, taas oo aqoonsi ka raadsata waddamada dunida ugu fog, balse is diidsiisa in ay aqoonsi ka raadsato Soomaaliya oo dhinaca kaga qabsan, ama dafirta in ay Soomaaliya wax uga baahantahay. Is diiddada iyo is dafiraadu waa halkii dhibtu ka bilaabantay oo xal ku iman maayo, waxaana hore u dhacday in Madaxweynihii Soomaaliya, Maxamed Siyaad Barre markii uu wadahadalka la furaayay Mingiste Xayle Maryam oo ahaa Madaxweynihii Ethiopia (Heshiiskii 1988) iyada oo xilligaa la sheego in masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirkiisii arrimaha dibadda ay kula taliyeen, oo uu yidhi โ€œhalka aynu Mingiste kala hadlaynno aan SNM la hadalno oo la heshiinnoโ€, wuu diiday odaygu, wixii ka dhacay baana ka dhacay.
Waxaa muhiimadda wadahalladda mid la mid ah leh, macaamilka isdhexgal ee gobolka Geeska Afrika (Regional Integration), isfahamka iyo is waydaarsiga khayraadka iyo khibradaha farsamo iyo aqooneed oo gobolka u horseedaysa horumar. Sidoo kale, Isdhexgalka iyo Iskaashiga waddamada iyo bulshooyinka Geesku waxay suuragelinaysaa in dadka isirka Soomaaliga ku abtirsadaa xuddun u noqdaan hoggaanka Geeska Afrika amaba ay ka taliyaan. Isdhexgalka iyo Iskaashiga wuxuu Somaliland u keeni karaa horumar iyo macaamilka dawladaha gobolka ee ay baahida weyn u qabto. Sidoo kale, Soomaaliyada kalena waxay siin karta fursad is kaashi iyo is garabsi siyaasadeed ama hab suurtageliya in la isla garto xidhiidhka mustaqbalka ka dhexaynaya labada dhinac.
๐™‚๐™š๐™—๐™–๐™œ๐™š๐™—๐™–๐™™๐™ž๐™ž: Somaliland waxay dunidu ku hadal haysaa waa nabadda iyo hannaanka dimuqraadiga ah oo xukunka oo doorashooyin lagu yimaaddo ay ugu horrayso. Mar kasta oo labadan la horumariyo lana joogteeyo waxay keenaysaa in ay badato danaynta dunida iyo in dib loo soo jalleeco muhiimadda bogcadan ay ku taallo iyo khayraadka ku duugan, haddiise taa beddelkeeda xukuumadda joogtaa ixtiraami weydo sharciga, xorriyatulqalkuna meesha ka baxo, oo la waayo is dheellitirka golayaasha dawladda, la xidhxidho saxaafadda oo Madaxweynaha talada hayaa dafiro xisbiyada mucaaradka ee dhiggiisa ah, Komishinka doorashooyinkana farageliyo, dadkana u sheego DOON aan imanayn oo ictiraafkii soo sidda, xilkana uu doono in uu doorasho laโ€™aan ku sii fadhiyo, marka ay jiraan muuqaallada noocan ahi, aqoonsi iska daaye, waxaa suurtagal ah in xiisaha dunidu u haysay Somaliland iyo danayntuba meesha ka baxaan. Daneeyayaasha siyaasadda waxaan jecelahay in aan xasuusiyo, dawladdii Soomaaliya ee mar ugu xoogga weynayd Geeska Afrika waxay ku burburtay jibbadii kacaanka iyo dafiraaddii rabitaanka dadkiisa. Riyadii Soomaaliweyn oo mar ahayd himilo Soomaaliyeed waxay ku luntay jibbadii iyo dafiraaddii la isku qaabilay. Taariikhduna siyaasiyiinta maanta jooga qaarna wanaag bay ku xusi doontaa, qaarna dhibaato, Ilaahayn waxaan ka baryayaa in aan ka mid noqdo kuwa ay wanaagga ku xusto oo dadkayga iyo dalkayguna gaadho wanaag iyo barwaaqo.
Qormadani waa aragti shakhsi ah, waxaanan ku metelaa inta artagtidayda igu taageersan.
Xirsi Cali X. Xasan, Guddoomiyaha Xisbiga Waddani

Comments are closed