|

100 Kun oo Qaxooti Afrikaan ah oo ku dayacan Dalka yaman

Hargaysa 28. November 2016 (SDN/QJ):- Xarunta qaabilaada Qaxootiga ee Magaalada Mayfac ee Gobolka Shabwa ee dalka yaman oo ah xarun ay leedahay hay’ada qaxootiga u qaabilsan qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqday in ay mudooyinkii u dambeeyey  xeebaha gobolada Shabwa iyo Xadramuut ee dalkaasi soo gaadheen qiyaastii 92000 oo qaxooti Afrikaan ah oo ka kala yimid dalalka Gobolka Geeska Afrika, kuwaas oo 15000 oo ka mid ahi ay yihiin dad Soomaali ah.

qaxooti-afrikaanGudoomiyaha Gobolka Shabwa  Axmed Lamsi  oo la hadlay barta warbaahineed ee Akhbaru-Yaman ayaa dhankiisa waxa uu werwer ka muujiyey tirada qaxootiga intaa le’eg ee xilli kooban soo galay labadaas gobol waxana uu sheegay inay khatar ku noqon karaan amniga dalka yaman iyo ka dalalka khaliijkaba, waxana uu dalbaday in xal loo helo culayska ay dadka Qaxootiga ahi ku hayaan labadaa gobol oo iyaga laftoodu la tabaalaysan colaadaha ka socdawadankaas

Sida ay baahisay wakaalada wararka dalka Yaman ee SABA Hay’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midobay waxay u diyaarisaa adeegyada qaxootiga soomaalida ah, waxana hay’ada gacanta ku haysa xeryaha qaxootigu ay dalbatay in laga joojiyo dadka wadamada kale ee Afrika ka soo yaacaya, dalka Yamana ku soo gelaya qaabka tahriibta sharcidarada ah.

Comments are closed