|

Fadeexad Soo Food-saartay Xafiiska Qaramada Midoobay Ee Soomaaliya UNSOS Iyo Jawaabaha Uu Ka Bixiyey

Muqdisho 28. November 2016 (SDN/QJ):- Xafiiska Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa u qaabbilsan Soomaaliya ee magiciisa loo soo gaabiyo UNSOS, ayaa fadeexad horlihi soo foodsaartay, ka dib markii ay 21-kii bishan baahisay Xayaysiiska ama ogeysiiska Boos Shaqo ka bannaan Xafiiskaas, kaasoo ay ogeysiiska la baahiyey ku sheegtay in Qofka Booskaa ama jagadaa soo codsan karaa yahay Qof u dhashay Kenya oo keliya.

unsosHase-yeeshee, Xafiiska Hay’addaas ee Muqdisho, ayaa markii uu warkaasi baahiyey Weriyaha Soomaaliyeed ee Jamaal Cismaan oo ku faafiyey Janalka uu ku leeyahay Shabakadda Yuutuub ee la yidhaahdo; ‘Dalsoor’ waxay ka bixiyeen raalli-gelin, iyagoo boggooda ay ku leeyihiin Shabakadda Twitter-ka ee UNSOS ku baahiyey sixitaan iyo raalli-gelin.

“UNSOS ‏@UNSOS- #UNSOS, Waxay shaacinaysaa Boos shaqo oo ka bannaan oo ah Qof Caawiye ka noqda Xafiiska Shaqaalaha HR Individual Contractor (National) – UNSOS/HR ee Muqdisho. Waxaa Booskaa soo codsan karaya keliya Qof dhalashadiisu tahay Kiiniyaan. UNSOS waxay baahisay nuqulkii saxda ahaa ee naadinta shaqo – 24 November 2016 waxaanay raalli-gelin ka bixinaysaa – fahan-darrada laga yaabo inay arrintani dhalisay.” Sidaa ayaa lagu yidhi Qoraalka lagu shaaciyey Booska ka bannaan Xafiiskaas.

Hase-yeeshee, markii uu warkaasi baahay, waxa isla boggiisa Twitterka ku baahiyey Xafiiskaasi UNSOS, qoraal kale oo marka la soo turjumo u dhignaa sidan; “UNSOS,waxay dhawaan daabacday – baahin shaqo (naadin boos shaqo oo ka bannaan) – booska Shaqsi Caawiye Xafiiska Shaqaalaha – HR Individual Contractor (National) – UNSOS/HR/018/2016 taariikhdu markay ahayd 21 Nov 2016. Naadintaas shaqo waxaa galay khaladaad xagga qoraalka ah – kaas oo u dhignaa; ‘Shaqadani waxay u furan tahay oo keliya shaqsiyaadka Kenya u dhashay oo kaliya’  ‘the position is open to Kenya Nationals only’.”

“Siday doontaba ha ahaatee, hawshani waxay ahayd – boos shaqo oo lagu xoojinayay adeegyada dawladda – fadhigiisuna noqonayo Muqdisho, Boosku wuxuu u furan yahay Shaqsiyaadka u dhashay Soomaaliya oo kaliya.” Sidaa ayaa lagu yidhi Qoraalka dambe ee uu Xafiiska UNSOS ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan Soomaaliya fadhigiisuna yahay Muqdisho ku baahiyey Boggiisa Twitter-ka.

Hase-yeeshee, fadeexado noocan oo kale ah oo lagu takoorayo Dadka Soomaalida ah ayey hore isugu dayeen Hay’adaha qaarkood, isla markaana waxaa sannadkii hore dhacday in qaar ka mid ah Hay’adaha Qaramada Midoobay shaqo ka bannaanaatay Xafiisyadooda magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland ay baahiyeen Boosas shaqo oo ka bannaan oo ay shuruud uga dhigeen inay soo codsan karaan keliya Dadka aan haysan Diinta Islaamka, kaasoo uu sidan oo kale u baahiyey Weriye Jamaal Cismaan, isla markaana ay sidan oo kale ugu tilmaameen inuu ahaa qalad galay qoraalka ay baahiyeen.

Si kastaba ha ahaatee, waxay tallaabooyinka noocan ah ee ay ku dhaqmayaan Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa kale ee Reer Galbeedka ee dhulka Soomaalida ka hawlgalaa ku cabbudhinayaan Soomaalida Aqoonta u leh ee qaban karta Shaqooyinka ay u baahan yihiin hay’adahaasi iyo Diinta Islaamka, iyadoo la ogyahay in Shaqaalaha ugu badan ee Hay’adaha kala duwan ee Qaramada Midoobay iyo kuwa kale  ee Soomaaliya ka hawgala Shaqaalohoodu boqolkiiba siddeetan ay yihiin Dad Ajaanib ah oo intooda badani u dhasheen waddanka Soomaaliya la jaarka ah ee Kenya oo ay Shaqaale ka badan 25 Kun oo Kenya u dhashay ka hawlgalaan sida uu horraantii sannadkan sheegtay Safaaradda Kenya ku leedahay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, Kuwaasoo Safiirka Safaaraddaasi sheegay inay ku kala sugan yihiin intooda badan magaalooyinka Muqdisho, Garoowe iyo Hargeysa, Baydhaba, Kismaayo, Gaalkacyo iyo kuwo kale.

Comments are closed