Uncategorized

15-kii Xubnood Ee Ku Toobadda Seegay Taageerada Samaale oo Safaf ugu jira Ka Soo Noqoshada Godobtii ay Galeen iyo Xubintii Labaad oo Istiqaalad Qaddintay

Hargeysa:8-Nov-2013(SDN)-15-kii Xubnood ee Dhawaan ibo-furka u ahaa Khilaafka Xisbiga Kulmiye, ayaa Baratan ugu jira sidii ay Guddoomiye Muuse uga Dalban lahaayeen inuu cafiyo, waxana ay ku Hawllan yihiin Iscasilaad  ay ka soo horraysiinayaan Ergooyin.

amaalLaba Maalmood Gudahood ayey Xubintii labaad oo ah Marwo Amaal Xaaji Axmed Miisaan ku soo qaddintay Istiqaaladeeda ay kaga Tanaasulayso Xubinnimada Guddidaas kala jabka iyo mulaaqa ku keentay Xisbiga Talada Dalka haya ee Kulmiye.

Amaal Xaaji Axmed Miisaan oo u waramaysay  qaar ka mid ah warbaahinta somaliland ayaa sheegtay in warqada iscasilaadda ay u gudbisay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye isla markaana ay uga mahad celinayso magacaabisteeda.”Waxa aan kuu cadaynayaa in aan iska casilay xubinimadii gudida qaban qaabada ee shirka Golaha Dhexe ee Kulmiye, waxaanan isu casilay arrimo ii gaar ah” ayay tidhi marwo amaal.

 

Amaal Xaaji Axmed Miisaan oo dhinaca kale ah la taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Haweenka ayaa noqonaysa xubintii labaad ee iska casisha 15-kii xubnood ee dhawaan isku doortay aqal hoostii.

 

Jabka soo Gaadhay Xubnaha Godoboobay ee Aqalka Hoostiisa isku Cumaamaday ayey wax ka saarayaan Wasiir Samaale oo markii horena ka Dalbaday inay la Dagaal Galaan, markii  wiishku la caaridayna calanka Nabadda Taagay, isagoo kaliya kooxdii uu watay kaga dhaqaaqay gegi cidla ah, maadaama uu ka dhex saaray xisbiga intiisii kale.

 

S.D.N

 

Contact@somalidiasporanews.com