|

150,000 Oo Qof Oo Sannadkiiba U Dhimanaaya    Cimilada Sii Xumanaysa Dhammaadka Qarniga 21-aad Daraasad Cilmiyeed hor leh!!

Moscow 16. August 2017 (SDN/QJ):- Khubaro kala duwan oo ka socday jaamacaddo dhawr ah ayaa daraasad ay sameeyeen waxa ay ku sheegeen in ay sadaal ay sameeyeen oo la socotay daraasaddooda ay ku ogaadeen in cimilada sii xumaanaysaa ay dili doonto sannad walba 150,000 oo qof marka uu dhamaado qarniga 21-naad.

Kooxdan ayaa muddo waday daraasad ku saabsan cimilada sii xumaanaysa iyo kulaylka caalamka ee sii kordhaaya, iyaga oo si xoogan uga digay cimiladaasi sii xumaanaysa, iyaga oo natiijo laga naxo kazoo saaray daraasadaasi.

Dad badan oo cimilada aad ugu takhasustay kana tirsanaa kooxdan ayaa sheegay in ay rajaynayaan in kulaylku sannadaha soo socda gaadhi doono 2100, isaga oo kor u kici doona, waxa kale oo ay intaasi ku dareen in ilaa 350 million oo qof kuna nool Yurub in ay ku noolaan doonaan xaalado khatar ah, sidoo kalena waxay tilmaameen in 99% dadka dhinta ay sababtoodu noqon doonto cimilada is bedelaysa.

Sida uu qoray Wargayska Daily Mail Waxay Khubaraddani ku sheegeen in dhimashada ugu badan oo noqon doonta Wadne Istaaga ay 5400% kamid ah sababi doonto isbedelka cimiladu, halka caruurta oo hore u dhimatana ay sababti doonto tiro taas lamid ah .

Khubaradan ayaa sidoo kale sheegay in dhimashada daadka iyo biyaha fatahayaa ay sababti doonto dhimasho dhan 138%, halka dabaylaha iyo aafooyinka kalena ay sababi doonaan korna u kici doonaan 20%, halka qabowga oo loo dhintaa hoos u dhici doono.

Maaha markii ugu horeysay ee ay khubaradda dhinaca Saynisku ka digaan caalamka sii kululaanaaya, iyada oo khubarro isugu jirtay Maraykan iyo Ingiriis dhowan saadaaliyeen in ay caalamka ka dhici doonto dhimashada ugu badan ee kulaylku keeno marka uu dhamaado qarniga 21-naad.

Xigasho Wargayska Dawan.

Comments are closed