|

Qisada Nin Turjumaan ah oo ka hawl gala Xafiiska Baarlamaanka Midowga Yurub oo Ku Hadla 47 Luuqadood

Brussels 16. August 2017 (SDN/QJ):- Mr.Ioannis Ikonomou oo u dhashay dalka Giriiga ayaa ah madaxa qaybta turjumadda ee barlamanka Yurub tan iyo sanadkii 2002 ( European Commission in Brussels).

Ioannis ayaa ah nin ku hadla 47 luqadood oo kala duwan, waxaana ka mid ah luqadaha u waaweyn ee uu ku hadlo Greek, English, German, Italian, Spanish, French, Russian. Sawhali, Hebrew (luqadda Yuhuudda) , Carabida iyo luqadda Shiinaha.

Luqadahaasi 32 ka mid ah qoraal iyo hadalba wuu yaqaana halka qaarkoodna hadal ahaan u isticmaalo.

Dad badan ayaa is wediiya sida ninkan ku bartay luqadahan kala duwan waxaana uu ku jawaabay isagoo arinkaasi ka hadlaya:

“ Anigu luqadahan iyo afafkan badankooda waxaan ka bartay saaxiibaday, waxaana aan ku dadaali jiray in saaxiibka aanu kulano ee luqad aanan hore u aqoon wata aan ka barto” . Dunida ayaa sidaasi ah wax kasta oo qofku ku dadaaalo wuu gaadha, maanta wuxu kaga sheqeeya , xafiisyada dunida laga maamulo mid ka mid ah.

Comments are closed