Hargaysa 22. July 2017 (SDN/QJ):- Hal qof ayaa ku dhintay 19-kalena waxaa soo gaadhay dhaawac kadib markii deegaanka goob ay degan yihiin dad barakacayaal ah oo ku taala degmada Adhi-cadeeye ee gobolka Sool ay halkaasi kula qaraxday miino, sida ay warbaahinta u cadeeyeen taliyaha qaybta ciidanka booliska ee Laascaanood gaashaanle dhexe Ibraahim Jaamac iyo dadweynaha ku nool kaamkaasi.
19 Qof oo Dhaawacmay iyo Hal Qof oo Ku Dhintay Qarax Miino oo ka dhacay Deegaanka Adhi cadeeye ee Gobolka Sool DAAWO
