|

2015 BUDGET: QABYAALADA KA MUUQATA MIISAANIYADA QARANKA: RAADADKA WASIIR SAMAALE IYO WASIIR K/X CADAANI EE W.WAXBRASHADDA

Laga bilaabo dhagax-dhigii  qabyaalada  ee shirkii GAR-ADAG,  gobolaysiga &  beelaysigu waxay astaan  muuqda u noqodeen Xisbigga  Kulmiye. Ergooyinkii shirwaynaha iyo Golaha dhexe waxa lagu  soo xulay qaab–beeleed.  Musharaxiinta u tartamaysa kursiga Madaxwaynaha Qaranka, waxay ka dhex loolamyaan beeelahooda.  Qabyaaladu waa mabda’ “ideology” hagaaya siyaasada iyo hab-dhaqanka  Xukuumada Madaxwayne Siilaanyo. Waa laga gudbay  dimuqraadiyaddi  ka hanaqaaday geyiga Somaliland.Waxa dib loogu noqday casragii madooba “ DARK AGES  “ .  Abwaan Qaasin, alla ha u naxariisti, wuxuu yidhi”

Ma doraato raadkaan dhigaan  dib ugu soo laabtay,

Sida aan dayaysnahay miyaan dawgii ka habaabay.

Hadaba waxa la yaableh  in Miisaaniyadii Qaranka ay ka dhex  muuqato raad qabyaladeed. Budgetka waxa lagu jaangooya baahiyaha   Wasaaradaha kala duwani usoo gudbiyaan W.Maaliyada. Way dhacdaa in wasiir waliba sad buursiimo ugu soo daro Gobolka uu ka kasoo jeedo, laakinse waxa mucjiso ah  in Wasiirka  & W.K Maaliyadu ay  wasaarad walba wax uga garoocaan  degmooyinka ay kasoo jeedaan. Halkan kuma soo wada bandhigi  karo 65 Wasaaradood  & Hay’aadood  ee   Xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo ka koobantahay.Waxaan  tusaale kooban usoo qaadanyaa W. Waxbarashada iyo raadka ay ku leeyaheen labada maso’ol ee soo diyaariyay Miisaaniyadda- Wasiir Samaale & W/K Cadaani.

W.Waxbarashada  waxa   loo qoondeeyay  U$  12.1 million sanadka 2015. Waxay ku xigtaa Ciidanka Qaranka $ 30 Million iyo  Sanduuqa Madow ee  Madaxtooyada $ 39.3 Million. Waxa  haboonyad in loo kordhiyo oo waxa looga jaro  “BLACK BOX  “.  85%  oo u dhiganta  $10.2 Million, miisaaniyadda  Wasaaradu  waxay ku baxda mushahaarooyinka  macalimiinta , oo qaarkood  ku shaqeeyaan bilaash ( volunteers) , sugaaya inta   laga dhigaayo shaqaale rasmiya. Markaad u fiirsato  Miisaniyadda  W.Waxabrashada, waxa markiiba  indhahaaga ku dhacaaya  laba DUGSI oo keligood loo qoondeeyay lacag u gaar ah “ Special fund” : Dugsiga  Cali Ciise iyo Dugisga  Gabiilay. Kuma jiraan dhamaan dugsiyadda kale ee Somaliland sida :  Berbera, Badhan, Baligubadle, Borama, Caynabo , Ceerigavo,Cadaadlay; Oodwayne, Las-Anod, Zeila etc.

  Dugsiga 2014 2015
1 Cali Ciise  Boarding School SHL 120 Million SHL 120 Million
2 Gabiilay Secondary Boarding SHL 60 Million SHL 60 Million.
  XIGASHO- BUDGET 2015 – SUB HEAD 22208// W.WAXBARASHADA

 

Degmadda Cali Ciise ,Togdheer, waxa kasoo jeeda W/K Maaliyadda Mudane Cadaani. Gabiilayna waa gobolka  Wasiir Samaale. Waa labada maso’ol  ee u xilsaaran soo diyaarinta Miisaaniyada Qaranka. Waxa laga filaayay xaqsoor iyo cadaalad , laakinse waxay shaxda  u  dhigeen“ Qaatay ee  Qaado “. Waa hab-dhaqanka  iyo siyaasadda hagta Xisbul-xaakimka KULMIYE ee ku qotonta :

QABYAALAD- QARAABO KIIL-QAWDA MAQASHII –WAXNA HAW QABAN”

Wuxuu yidhi:

Denbi ku hadlimaaye   ma arag dawladdaan rabay’e

Isma doorin “Daahirkaan” diriyo daarta kii galay’e

Meshaan dad aan urursho iyo darar ka eegaayey;

Iyaba waa darxumo ii hadhaye dacar miyaan leefay.

 

Hoodo Yusuf, London.

yhoodo@yahoo.com

Comments are closed