Guddoomiye Muuse Biixi Oo Maanta Si Gaar ah Ula Kulmaya Guddida Qabanqaabada Shirweynaha Kulmiye
Hargeysa:14-Dec-2013(SDN)-Guddida qabanqaabada shirweynaha Kulmiye, ayaa lagu wadaa inay maanta shir gaar ah la yeeshaan Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Cabdi. Guddida qabanqaabada oo maalintii shalay madaxda xisbiga kulan kale la yeelatay, ayaa gudageli doona hawshooda qabanqaabada shirweynaha, maadaama haatan wax toban cisho ka yari ay ka hadhsan tahay xilligii loo muddeeyey shirweynaha xisbiga. Guddoomiye Muuse Biixi…
